kuukiyaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuukiyaan
(Kuukiyaan-ka)
Bocoosha badda qaarkeed midabyo badan; (ama kuuki).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuukiyaan
m.l la-mid: kuuki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuukiyaan
-ka: (magac, lab, keli) bocolsha badda qaarkeed oo midabo leh. Dh: kuuki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lohod
(Lohod-ka)
Nafley yaryar oo badaha ku jirta oo aan lafo iyo riciro lahayn, badanaana ku dhexjira kuukiyaan, bocool, aleel, dhulman iyo wax la mid ah; waa jaadad badan oo qaar la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuki
m.dh (-iyo, m.l) Bocoosha badda qaarkeed oo midabyo badan leh. la-mid: kuukiyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lohod
-ka: (magacwadareed) qolofleyda yaryar ee badda jaad ka mid ah oo aan lafo iyo riciro toona lahayn, badanaana ku dhexjirta kuukiyaan, bocool, aleel, dhulman iyo wax la mid ah. Waa jaadad badan oo qaarkood la cuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuuki
a: kuukiyaan (ka) [n2-m]
de: colorful seashell fragments
lx: kuuki
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kuuki
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruufiyaan
m. n. pimp
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruufiyaan
de: pimp
lx: ruufiyaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: fataal {C & S}
key: ruufiyaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuriyahan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuriyahan
m. n. tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuriyahan
de: tobacco-user, smoker, person who chews tobacco
lx: buuriyahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buuriyahan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaan
v. cheat, deceive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khiyaan
-ay / tay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit), beguile, delude, dupe; swindle (iswindal); fool (fuul) ~ khayaan, khatal, khayaamee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaan
a: khayaan
de: cheat, deceive
lx: khiyaan
pd: (khiyaamay)
ps: v1=
key: khiyaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kuubaan
n. Cuban (person)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kuubaan
de: Cuban (person)
lx: Kuubaan
pd: (-ka)
ps: n -m
key: Kuubaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kuukaay
nickname-m person with a flat-nose and kink hair; i.e. a negro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kuukaay
magac loo baxsho wiil san barraahsan oo timo jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulnaan
m.f.dh eeg kuulan. la-mid: kuulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kuulay ahaan; indhakuulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusnaan
m.f.dh eeg kuusan². la-mid: kuusnaansho, kuusni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kuusay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuutiyad
(Kuutiyad-da)
Doonyo waaweyn oo qanjadda u eg oo dalka Hindiga laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuutiyad
m.dh (-do, m.l) Doonyo waaweyn oo qonjadda u eg oo dalka Hindiya lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuutiyad
f. n. large Indian ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutiyad
-da: (magac, dhedig, keli) doonyaha waaweyn qaar ka mid oo qanjadda u eeg oo dalka Hindiya lagu sameeyo. Kuutiyad ayaan raacay kal hore. Dh: dooni. Wa: kuutiyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuutiyad
de: large Indian ship
lx: kuutiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuutiyad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruufyaan
-ka: (n) 1. procurer (poro-kiyuurar); pander (paandher); pimp (pimp) ~ fataal. 2. spy (ispaay)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suuryaan
nickname-m groaner, moaner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unkitaan
-ka: (magac, lab, keli) unugga hore samayn. Dh: bilaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabsi la cararitaan arwka raran, tuuritaanka rarka. Buubitaanka qaalinka ka ilaali. Dh: diditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buukaysan
(tilmaame) ah timo fidhan oo nabadn, isku cufan. Timo buukaysan biyo kama duxaan. buukee: (fal) timo fidh dabadeedna nab, isku cuf. Buukee timaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuqis iyo bulaamitaan. Buuqitaanka jooji waxba kaama maqnee. buuqniin -ka: (magac, lab, keli) buuqitaanka badan. Qayladiyo buugitaanka nala dhaafa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuritaan
-ka: (magac, lab, keli) buuridda wax. Buuritaan u sooh dawliska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg buusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxitaan
vl. n. overflowing, state of being too full
buuxitaan v. overflow (of a river)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxitaan
-ka: (n) the act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxa ahaan. Buuxitaan ku soo qaaday baaldiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulitaan
vl. n. flight; act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulitaan
-ka: (n) flying (falaaying)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ka kicid oo hawada dhex jibaaxid.
duulitaan-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo colaadi idinka dhaxayso, weerar ku qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulitaan
de: flight; act of flying
lx: duulitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: duulitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) korista meel sare; dusha uga bixitaan. Dh: koritaan. Li: daadegitaan, dhaadhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuritaan
-ka: (magac, lab, keli) huuridda lafteeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku kifaax
v. enjoy, have pleasure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_kifaax
de: enjoy, have pleasure
lx: ku kifaax
pd: (kifaaxay)
ps: v1=expr
key: ku_kifaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuditaan
-ka: (magac, lab, keli) socod qunyar ah, luudid ku socosho. Dh: luudniin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkitaan
-ka: (magac, lab, keli) xoodhitaan oo caleen ama timo ka hoolmitaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nuugitaan
Absorptivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuugitaan
-ka: (n) the act of absorbing or sucking; absorption (ab soorp-shin) ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) jiiditaan wax dareere ah lagu soo nuugo dhuun ama cabbitaan. Nuugitaanka foostada qanjidhaxanuun ayaa laga qaadaa. Dh: nuugniin.
nuugitaan-ka: (magac, lab, keli) jiqitaanka naaska. Ilmaha labo sano u daa nuugitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbiyaan
m.l Bariis karsan oo dhir midabbo leh lagu daray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surbiyaan
m. n. rice preparation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbiyaan
-ka: (magac, lab, keli) bariis iskudhexkaris ah oo aad loo macaanshey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surbiyaan
de: rice preparation
initial: s
lx: surbiyaan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: surbiyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulitaan
-ka: (magac, lab, keli) isqarin; suulid; qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo dheer, suulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhicid, miyirbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax isdulsaaran ka dhigitaan; wax tuulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo taagitaan; wax yuucan ka dhigid. Aad u yuubitaanka ka daa mudaca. Dh: yuucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusitaan
-ka: (magac, lab, keli) gunuunucitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyadayn
m.dh la-mid: nuuradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuyubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cuyubid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuriyaas
-ay / tay: (v) pain (peeyn) ache (eek) ~ xanuun. Ex: calooshaa i dhuuriyaasee; I have a stomach ache
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaatiyaan
-ka: (magac, lab, keli) dhib baa lagu qabaa; khaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirkirnaan
(Kirkirnaan-ta)
Wax kirkiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirkirnaan
m.f.dh eeg kirkiran. la-mid: kirkirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kirkirnaan
f. n., [abstract] bluntness, dullness (of a knife, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirkirnaan
-ka: (magac, lab, keli) wax kirkiran ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kirkirnaan
de: bluntness, dullness (of a knife, etc.)
lx: kirkirnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: kirkirnaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xayraan
v. be infuriated with, get mad ~ angry at
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ku xirnaan
Dependence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xirnaan
f. n., [abstract] adherence (to a cause ~ belief)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_xayraan
de: be infuriated with, get mad ~ angry at
lx: ku xayraan
pd: (xayraamay)
ps: v1=expr
key: ku_xayraan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_xirnaan
de: adherence (to a cause ~ belief)
lx: ku xirnaan
pd: (-ta)
ps: np-f-abs
key: ku_xirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudnaan
m.dh la-mid: kaduudnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid kuduudan ahaan. Dh: guduudnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) ku deeqitaan. Dh: hurid, quuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) dab ku dhicid oo siniinitaan; shuuqniin.
shuuqitaan-ka: (magac, lab, keli) si aan qeexnayn u ci'yid; shuuqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukubitaan
-ka: (magac, lab, keli) qunyar u socodka, la tiirsado usha, ee gabowga, xanuunka iyo itaaldarridu keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukumitaan
-ka: (magac, lab, keli) u talitaan.
xukumitaan -ka: (magac, lab, keli) xukun ku riditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bukaan
(Bukaan-ka)
Qof fayoobidiisu yar tahay; aan bugto deyn; jirroole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaan
m.l (-nno, m.dh) Qof bugta badan, jirroole. la-mid: bugtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bukaan
m.l (-nno, m.dh) Qof bugta badan, jirroole. la-mid: bugtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaan
m. n. sick person, patient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukaan
-ka: (n) person with poor health; patient (peeyshant); sick person (sik peer-son)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaan
-ka: (magac, lab, keli) qof xanuun u jiifa. Bukaan bogol u tali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaan
cf: ladan 'healthy', bogsiin 'healing'
de: sick person, patient
lx: bukaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bukaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaan
(Diyaan-ka)
Shanqar weyn oo culus sida jibinta ama madfac la ridey ama durbaan la garaacay; (ama diryaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaan
diyaan¹: m.l la-mid: dayaan¹.
diyaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) la-mid: dayaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaan
m. n. roar, thunder, rumble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaan
-ka: (magac, lab, keli) jabaq weyn oo guux iyo gurxan leh. Diyaanka hubka ayaa xeebta laga maqlayaa. Dh: dayaan.