kuudud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuudud
(Kuudud-ka)
Fadhi foolxun; yoxoob; kamandhuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuudud
kuudud¹: m.l 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. la-mid: kuududid.
kuudud²: f.mg1 (-day, -dday) Si foolxun u fadhiyid. la-mid: kawdiid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuudud
m.l 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuudud
v. crouch, sit in crouching position, be huddled up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi fool xun oo gadhka iyo jilbaha laysku soo dhaweeyo. Kuududka ka kacoo caadi u fadhiiso. Dh: yuurur, yaxoor, kambadhuuudh. Li: fadhi. Wa: kuudaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuudud
bw: kamandhuur, yoxoob
de: crouch, sit in crouching position, be huddled up
lx: kuudud
nt: kuudud (ka) [vn-m]
pd: (kuududay)
ps: v1=intr
xv: kawdiid
key: kuudud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududi
f.g2 (-iyay, -isay) Si foolxun u fariisin. la-mid: kawdiidi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuududi
v. cause someone to sit crouched ~ huddled up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududi
(fal) si kuduud ah u fadhiisi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuududi
de: cause s.o. to sit crouched ~ huddled up
lx: kuududi
pd: (kuududiyey)
ps: v2a=tr
key: kuududi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kamandhuur
(Kamandhuur-ka)
Kuudud; yoxoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuurur
(Yuurur-ka)
Fadhi; yoxoob; kuudud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuururid
(Yuururid-da)
Fadhiyid; yoxoobid; kuududid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiid
kawdiid¹: m.l la-mid: kuududid.
kawdiid²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: kuudud².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiidi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: kuududi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiidid
m.dh la-mid: kuududid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiidin
m.dh la-mid: kuududin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuurur
yuurur¹: m.l 1. Fadhi; yoxoob; kuudud.
yuurur¹: m.l 2. la-mid: yuururid.
yuurur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yuurur
f.mg1 (-ray, -rtay) Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid. m.f.dh, yuururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobid
-da: (magac, dhedig, keli) jilbaha oo kuu laaban, cagaha ku fadhiyid iyada oo aan salka dhulka lagu hayn. Dh: kambadhuudhid, kuududid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaduud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi foolxun oo aan salka dhulka la saarine cagaha lagu joogo jilbahana la laabo. Dh: yoxoob, kuudud.
kaduud -ka: (magac, lab, keli) laalaabka saanta wejiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaduudi
(fal) si kuudud ah u fadhiiso. Dh: yoxoobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududid
(Kuududid-da)
Kuudud u fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududid
m.f.dh eeg kuudud². la-mid: kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududid
-da: (magac, dhedig, keli) kuduud u fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududin
(Kuududin-ta)
Kuudud u fariisin; yoxoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududin
m.f.dh eeg kuududi. la-mid: kawdiidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, kuduud u fariisin; yaxoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududsi
-ga: (magac, lab, keli) si kuduud ah u fadhiisasho. Dh: yaxoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuud
(Kuud-ka)
Dhis adag oo salkiisu wareegsan yahay ama afargees yahay, oo ballaciisa iyo dhererkiisa kore, dhererkiisu wax badan, badan yahay; in lagu dagaallamo iyo qurux labadaba waa loo dhisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuud
m.l (-dad, m.l) 1. Dhismo adag oo salkiisu wareegsanyahay ama afar gees yahay oo qurux ama in lagu dagaallamo loogu talaggalay. 2. Dhismo loogu talaggalay in korkiisa wax laga daawado, dhismayaasha kale oo dhanna ka dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuud
m.l (-dad, m.l) 1. Dhismo adag oo salkiisu wareegsanyahay ama afar gees yahay oo qurux ama in lagu dagaallamo loogu talaggalay. 2. Dhismo loogu talaggalay in korkiisa wax laga daawado, dhismayaasha kale oo dhanna ka dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuud
m. n. tower
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuud
-ka: (magac, lab, keli) dhis adag oo salkiisu wareegsan yahay ama afargees ah, oo ballaciisa iyo dhererkiisa kore, dhererkiisu wax badan, yahay; in lagu dagaallamo iyo qurux labadaba waa loo dhisaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuud
cf: qalcad
de: tower
lx: kuud
pd: (-ka Pl: kuudad (ka))
ps: n4-m
key: kuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cudud
(Cudud-da)
1. (gacan, jeeni) inta garabka iyo xusulka u dhexaysa; jin.
2. Xoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudud
cudud¹: m.dh (-do, m.l) 1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood.
cudud²: f.g1 (-day, -dday) Wax xoog ku muquunin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudud
m.dh (-do, m.l) 1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudud
f. n. upper arm; force
cudud v. arrest by force; tie one's arms behind him/her
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cudud
-da: (n) 1. the upper arm between the shoulder and elbow. 2. power (paawar) ~ awood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudud
(fal) xoog ku qabo.
cudud-da: (magac, dhedig, keli) lafta u dhaxaysa suxulka iyo garabka ee ku taalla jeeniga hore. Dh: jin.
cudud: -da: (magac, dhedig, keli) xoog iyo awood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fudud
Aan culays lahayn; dhibyari kor loogu qaadi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudud
f.mg4 (-daa, -dayd) 1. Wax aan cuslayn ahaansho. 2. Wax sahlan ahaansho. 3. Wax fadaq ah ahaansho. 4. Wax firfircoon ahaansho. la-mid: fudfudud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fudud
f.mg4 (-daa, -dayd) 1. Wax aan cuslayn ahaansho. 2. Wax sahlan ahaansho. 3. Wax fadaq ah ahaansho. 4. Wax firfircoon ahaansho. m.f.dh, fududaan. la-mid: fudfudud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fudud
[adjective] easy, simple; relaxed; light, not heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fudud
-aa / ayd: (adj) simple (simpal); easy (U zi) ~ sahal. -Syn: facile, effortless, smooth, light
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
FUDUD
Leggero
Light
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudud
(tilmaame) miisaan aan culays lahayn oo si dhib yar kor loogu qaadi karo. Li: culus.
fudud: (tilmaame) hawl aan dhib badnayn oo si sahlan loo fulin karo. Maanta imtixaan fudud baan marnay. Dh: sahlan. Li: adag.
fudud: (tilmaame) qof wax u dhiman yihiin oo aan garaadku ku fillayn. Fudud haween iyo fukucle rag faa'iido ma leh. Dh: maangaaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fudud
cf: hawlyar
de: easy, simple; relaxed; light, not heavy Opp: culus
lx: fudud
pd: (fududaa)
ps: adj
key: fudud
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fudud
غَيْرِ ثقيل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudid
(Kudid-da)
1. (lo', gammaan) boodid; kudaalid.
2. Orod kuddo ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudid
m.f.dh eeg kud². la-mid: kudmo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedig u galmood: galmo ku samayn. Dh: galmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuugu
(Kuu + ku)
Adiga dartaa; Wiilashaada kee kuugu roon? Cunnada subag ma kuugu daraa? Yaa warkaas kuugu warramay?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuugu
pron. and preposition: to / for you ... in / at (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuugu
[pronoun you plus preposition such as for] for...you. Ex: ma kuugu yeeraa? Should I call for you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuugu
(magacuyaal) tilmaamaya qofka labaad ee layeelaha ah. Canuggaa dartii baan kuugu imid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuugu
de: to / for you ... in / at (X) = ku + u + ku
lx: kuugu
ps: pro + prep
xe: Shall I bring it here for you?
xv: Ma halkaan kuugu keenaa?
key: kuugu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudid
(Cuudid-da)
Cayaarta cuudka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudid
m.f.dh eeg cuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta cuudka ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudid
(Fuudid-da)
1. Fuud cabbid.
2. Wax la cabbo oo kulul, aayar cabbid; fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudid
m.f.dh eeg fuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudid
-da: (magac, dhedig, keli) sida fuudka u cabbid; fuud cabbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundud
-ka: (magac, lab, keli) foorar wax aad loogu mashquulsan yahay oo murugo shaqo, wadatashi ama wax la mid ah lagu fooraro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudad
-ka: (magac, lab, keli) timaha daban ee gabdhaha. Reerka waxa u joogta gabadh guudad leh oo qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundud
f.mg1 (-day, -dday) Cid hoos u foorarid. la-mid: rundud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hundud
v. bend, put one's head down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundud
(fal) jilayc oo kala daado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hundud
de: bend, put one's head down
lx: hundud
pd: (hunduday)
ps: v1=intr
key: hundud
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dud
v. be pessimistic about, have negative feelings, suspect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_dud
de: be pessimistic about, have negative feelings, suspect
lx: ka dud
pd: (duday)
ps: v1=expr
key: ka_dud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduud
kuduud¹: m.l la-mid: kaduudid.
kuduud²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: kaduud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuduud
m. n. crouch; anything crumpled, twisted, curled ~ squeezed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuduud
-ay / day: (v) sit idly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduud
-ka: (magac, lab, keli) midab casaan ah. Dh: guduud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuduud
de: crouch; anything crumpled, twisted, curled ~ squeezed
lx: kuduud
pd: (-ka)
ps: n-m
see: kaduud
key: kuduud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurdad
(Kurdad-da)
Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurdad
m.dh (-do, m.l) Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurdad
m.dh (-do, m.l) Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurdad
f. n. dress, frock, woman's attire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurdad
-da: (n) women's dress; gown (gaawriy, frock (farook) ~ cabuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurdad
-da: (magac, dhedig, keli) gashi dheer oo isku jooga gacmaha ilaa jilbaha hoostooda, amaba ka dheer oo googarada qariya oo haweenku xidhaan. Kurdad qurux badan ayaad gashan tahay. Dh: toob, canbuur. Wa: kurdado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurdad
de: dress, frock, woman's attire
lx: kurdad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kurdad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulad
m.l la-mid: kuulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulid
(Kuulid-da)
(indho) indhakuul marin, ku qurxin, ku madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulid
m.f.dh eeg kuul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurid
m.f.dh eeg kuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fiirin; ku dhegagid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusad
(Kuusad-da)
Weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusad
f. n. water jug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusad
-da: (magac, dheddig, keli) weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto. Kuusad ayaan suuga ka soo qaaday. Dh: jalxad, ashuun. Wa: kuusado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuusad
de: water jug
lx: kuusad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuusad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusid
(Kuusid-da)
Wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusid
m.f.dh eeg kuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudid
(Luudid-da)
Si tabar yar u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudid
m.f.dh eeg luud.