kuudadsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudadsi
-ga: (magac, lab, keli) fadhi foolxun yoxoobsi. Dh: kamandhuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududsi
-ga: (magac, lab, keli) si kuduud ah u fadhiisasho. Dh: yaxoobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobsi
-ga: (magac, lab, keli) adiga oo aan salka dhulka ku hayn oo jilbuhu laaban yihiin, cagaha ku fadhiisad. Dh: kambadhuudhsi, kuudadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursi
-ga: (magac, lab, keli) fadhi kuududsi ah fadhiisasho. Yuurursi caydheed lama yaraysto. Dh: kuududsi, kuudadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududi
f.g2 (-iyay, -isay) Si foolxun u fariisin. la-mid: kawdiidi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuududi
v. cause someone to sit crouched ~ huddled up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududi
(fal) si kuduud ah u fadhiisi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuududi
de: cause s.o. to sit crouched ~ huddled up
lx: kuududi
pd: (kuududiyey)
ps: v2a=tr
key: kuududi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudadiye
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca dadka iyo duunyadaba oo lala kici waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududshe
(Kuududsha-ha)
Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo lala kici waayo; (ama kuududiye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududshe
m.l Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. la-mid: kuududiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuududshe
m.l Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. la-mid: kuududiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuududshe
m. n., [collective] fatal disease affecting humans and animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududshe
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka iyo xoolaha ku dhaca oo lala kici waayo. Dh: kuudadiye. Wa: kuudadshayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuududshe
a: kuududiye (/ha) [n-m-col]
de: fatal disease affecting humans and animals
lx: kuududshe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: kuududshe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khudbadsiro
-khudbadsirada: (n) undercover or secret marriage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudsi
(Duudsi-ga)
Mag ama gar kale oo qof lahaa oo aan wax laga soo qaadin ee ogaal iyo kas loo seejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi²: m.l la-mid: duudsasho.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. la-mid: duudsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudsi
duudsi¹: m.l Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.
duudsi³: f.lg1 (-iyay, -iday; -iyi) Xaq qof lahaa seejin. m.dh, duudsiyid. la-mid: duudsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudsi
v. deny, refute
duudsi vl. n. denial, refutation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudsi
-ga: (n) injustice (in-jastis); violation of one's rights ~ caddaalad-daro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duudsi
Senza compenso
Forefeiture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duudsi
(fal) xaq qof uu lahaa weysii ama muran ka geli. Dh: dulmi.
duudsi -ga: (magac, lab, keli) cid waxay leedahay loo diido hadal qof yidhi oo uu iska diido. Dh: dafiraadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsi
m.l la-mid: fuudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudad
-ka: (magac, lab, keli) timaha daban ee gabdhaha. Reerka waxa u joogta gabadh guudad leh oo qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadsi
(Kaadsi-ga)
Kaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsi
m.l la-mid: kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsi
-ga: (magac, lab, keli) u fiirsi iyo degdeg la'aan marka hawl la qabanayo ama arrin lagu dhaqaaqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurdad
(Kurdad-da)
Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurdad
m.dh (-do, m.l) Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurdad
m.dh (-do, m.l) Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurdad
f. n. dress, frock, woman's attire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurdad
-da: (n) women's dress; gown (gaawriy, frock (farook) ~ cabuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurdad
-da: (magac, dhedig, keli) gashi dheer oo isku jooga gacmaha ilaa jilbaha hoostooda, amaba ka dheer oo googarada qariya oo haweenku xidhaan. Kurdad qurux badan ayaad gashan tahay. Dh: toob, canbuur. Wa: kurdado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurdad
de: dress, frock, woman's attire
lx: kurdad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kurdad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuudud
(Kuudud-ka)
Fadhi foolxun; yoxoob; kamandhuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuudud
kuudud¹: m.l 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. la-mid: kuududid.
kuudud²: f.mg1 (-day, -dday) Si foolxun u fadhiyid. la-mid: kawdiid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuudud
m.l 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuudud
v. crouch, sit in crouching position, be huddled up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuudud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi fool xun oo gadhka iyo jilbaha laysku soo dhaweeyo. Kuududka ka kacoo caadi u fadhiiso. Dh: yuurur, yaxoor, kambadhuuudh. Li: fadhi. Wa: kuudaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuudud
bw: kamandhuur, yoxoob
de: crouch, sit in crouching position, be huddled up
lx: kuudud
nt: kuudud (ka) [vn-m]
pd: (kuududay)
ps: v1=intr
xv: kawdiid
key: kuudud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulad
m.l la-mid: kuulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusad
(Kuusad-da)
Weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusad
f. n. water jug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusad
-da: (magac, dheddig, keli) weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto. Kuusad ayaan suuga ka soo qaaday. Dh: jalxad, ashuun. Wa: kuusado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuusad
de: water jug
lx: kuusad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuusad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muudsi
vl. n. act of sucking on something, dissolving in the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsi
-ga: (magac, lab, keli) wax macaan muudsasho oo muuqa ku jira ka nuugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muudsi
de: act of sucking on s.t., dissolving in the mouth
lx: muudsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: muudsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quudad
(Quudad-ka)
Quudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudad
m.l la-mid: quudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quudad
m. n., pl. food; eating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudad
-ka: (magac, lab, keli) eeg quudasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quudad
de: food; eating
lx: quudad
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl; vn-m
see: quud, quudasho
key: quudad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudsi
m.l la-mid: quudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudsi
m.l la-mid: tuudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udarsi
-ga: (magac, lab, keli) qof ama wax kale, aad ugu baahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg udubsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku kadi
v. take someone by surprise, surprise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku kadi
-yey / say: (v) surprise (sarpareez); catch unawares
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_kadi
a: kedi
de: take s.o. by surprise, surprise
lx: ku kadi
pd: (kadiyey)
ps: v2a=expr
key: ku_kadi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuraasi
f. n., pl. chairs
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuraasi
bw: Arabic
de: chairs
lx: kuraasi
pd: (-da Sg: kursi)
ps: n8-f-pl
key: kuraasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraysi
(Kuraysi-ga)
Kuraysasho; kur; sagaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraysi
m.l la-mid: kuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraysi
-ga: (magac, lab, keli) hooyo haddeed umul u diyaar ah, kuraysasho. Dh: taraaraysi, sagaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradi
(fal) eeg nuuradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhsi
-ga: (magac, lab, keli) isla weyni darteed dadka yaraysasho oo xaqirid. Dh: yaraysi, xaqirid, yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuradi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo, dad iyo wixi lamida tiradooda si mala-awaal ah u qiyaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuradi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo, dad iyo wixi lamida tiradooda si mala-awaal ah u qiyaasid. m.f.dh, suuradin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuradi
v. guess (at), make a rough estimate ~ measurement (of)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuradi
(fal) si mala'awaal ah dusha uga tiri: suuraday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuradi
a: suuradee
de: guess (at), make a rough estimate ~ measurement (of)
initial: s
lx: suuradi
pd: (suuradiyey)
ps: v2a=tr
key: suuradi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuraysi
-ga: (n) conception (kon-sep-shiriy, conceiving (kon-ziiv-ing)-, getting pregnant ~ uur qaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysi
-ga: (magac, lab, keli) haweeney uur yeelasho. Dh: rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdansi
m.l la-mid: curdansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fudaydsi
m.l la-mid: fududaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fudaydsi
-ga: (magac, lab, keli) dhayalsiga waajib iyo xil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsi
(Furaadsi-ga)
Furaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsi
m.l la-mid: furaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaadsi
vl. n. act of carrying a baby ~ some object on the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg furaadsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaadsi
a: furaadsasho (/da) [vn6-f]
de: act of carrying a baby ~ some object on the back
lx: furaadsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: furaadsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysi
-ga: (magac, lab, keli) libin helid. Guulaysi haddaad barato guuldarro ma oggolaatid. Li: guuldarraysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku darso
v. add up for oneself; have something in addition to something else
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku fadhi
v. occupy; sit on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_darso
de: add up for oneself; have s.t. in addition to s.t. else
lx: ku darso
pd: (darsaday)
ps: v3a=expr
key: ku_darso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_fadhi
de: occupy; sit on
lx: ku fadhi
pd: (fadhiyey)
ps: v1=expr
key: ku_fadhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kutaagsi
-ga: (magac, lab, keli) qof laga xoog badan yahay oo laga xoogroonaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududid
(Kuududid-da)
Kuudud u fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududid
m.f.dh eeg kuudud². la-mid: kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududid
-da: (magac, dhedig, keli) kuduud u fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududin
(Kuududin-ta)
Kuudud u fariisin; yoxoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududin
m.f.dh eeg kuududi. la-mid: kawdiidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, kuduud u fariisin; yaxoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaysi
-ga: (magac, lab, keli) muddo qabsasho. Dh: ballanxidhid, ballamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadsi
(Muraadsi-ga)
Muraad (ku) qunsasho.