kutirsane urur
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kutirsane urur
Element of a set
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asalmadoorshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) (xisaab) Kutirsane urur oo marka lagu xiro ku tirsane kale ee kasta ee ku jira ururka aan isbeddelin. Asalmadoorshaha waxa uu ku xiranyahay kutirsaneyaasha ururka iyo xisaabfalka la adeegsado. Tusaale ahaan, eber waa asalmadoorshaha isugeynta: 0+3=3+0. Hal waa asalmadoorshaha iskudhufashada: 1x3=3x1.

kutirsane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (c.nafl) Xubin ka mid ah xubnaha urur, tusaale ahaan, 6 waa kutirsane ururka bilaha sannadka. 2. (xisaab) Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]