kusin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kusin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin. m.f.dh, kusimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kusin
v. be provisional; be temporary; relieve
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kusin
de: be provisional; be temporary; relieve
lx: kusin
pd: (kusimay)
ps: v1=intr
key: kusin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sin
v. replace, substitute; equalize; relieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku sin
-kusimay / kusintay: (v) operate or function temporarily until someone takes over the control
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_sin
de: replace, substitute; equalize; relieve
lx: ku sin
pd: (simay)
ps: v1=expr
key: ku_sin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusin
m.dh Mayrax iyo wixi lamida oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dusin
(Dusin-ta)
Meel furan ama daloosha dhex marsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusin
m.f.dh eeg dusi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoodi wax isugu dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufin
(Kufin-ta)
Waxsoconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku ridid, ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufin
m.dh eeg kufi. la-mid: kufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid socda ama ordaaya dhulka ku ridid; dhulka ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusimid
m.dh eeg kusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufto
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha maansada mid ka mid ah eeg: kusinaan dharaartii lasargooyey dunidee rabigay sameeyee, cirka sare utaagee xidigahan siraatiyo dayax soodimeeriyo lagu sugay cadcedee sagalkiyo daruurtiyo lagu xidhay sitaacee. Jiifto waa qayb mihiim ah oo kujirta maasada Soomaalida. Wa: jiiftooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kushiin
m.l (-nno, m.dh) Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kushiin
m.l (-nno, m.dh) Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushiin
m. n. kitchen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kushiin
-ka: (n) kitchen (kijiri) ~ jiko, madbakh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kushiin
-ka: (magac, lab, keli) qolka cunnada lagu kariyo. Dh: madbakh, jiko, alawaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushiin
de: kitchen
lx: kushiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: jiko, madbakh {C & S < It}
key: kushiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushin
(Bushin-ta)
1. Labada cad oo hilibka ah oo afka ku qaraysan middood; dibin; faruur.
2. Bushi gelin; durid; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushin
m.dh eeg bushi². la-mid: burshin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bushin
f. n. lip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bushin
-ta: (n) [plural bushimo / bushimaha] lip (lip) ~ dibin, faruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bushin
-ka: (magac, lab, keli) dad ama xoolo bushi ku ridid; cudur u keenid.
bushin -ta: (magac, dhedig, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo wax soo saarkooda hoos'udhac ku keena. Bushi baa ishkin iyo laba raaflaba ku dhacay. Dh: caal.
bushin-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bishin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bushin
de: lip
lx: bushin
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: dibin, faruur
key: bushin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax adag, hoos u diisin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cousin
/kasin/ (n) ina-adeer, ina-eeddo, ina-habreed, ama ina-abti.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cousin
cousin, n.m. - Ina'adeer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cousin
n., (paternal) ina adeer, -ki; (maternal) ina abti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskin
m.f.dh eeg cuski.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» tiir, ul iyo wixii la mid ah, xoog ka raadin darteed, ku qabasho; ku tiirin, ku kaalid. Dh: cuskis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhusin
-ka: (magac, lab, keli) dhulka xaggiisa hoose ee kaydisa nacfiga biyaha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fusion
/fyushan/ (n) 1. dhalaalin; isku-dhalaalin (n) 2. isku-xir, isku-dhejin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fusion
fusion, n.f. - dhalaalinta birta (kala scocidda).
point de fusion - barta dhalaalka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufrin
m.dh la-mid: kufriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuftin
(Kuftin-ta)
Kufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuftin
m.dh Dhicidda horay loo dhaco jillaafo awgeed. la-mid: kufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuftin
m.dh Dhicidda horay loo dhaco jillaafo awgeed. la-mid: kufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuftin
vl. n. act of falling over, slipping and falling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg kufniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuftin
de: act of falling over, slipping and falling
lx: kuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmin
(Kulmin-ta)
Meel isugu keenid; shirin; isgaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmin
m.f.dh eeg kulmi. la-mid: kulmis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, meel isugu keenid. Dh: shirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumbin
m.f.dh eeg kumbi. la-mid: yumbin. la-mid: kumbis (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wada gelin oo quusin. Dh: kumbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kunbin
(Kunbin-ta)
1. (hilib) Kunbis samayn.
2. Dhunbin.
3. Kunbis ku daweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey ama waxkale biyo ku qarin. Kunbin ayuu ku sameeyey maradii Axmed. Dh: libdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbin
(Kurbin-ta)
Xeero yar oo qori ah oo bun-sharuurka lagu shubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbin
m.dh (-no, m.l) Xeero yar oo bunka lagu shubto. la-mid: kur² (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbin
m.dh (-no, m.l) Xeero yar oo bunka lagu shubto. la-mid: kur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurbin
f. n. wooden bowl for serving fried coffee-beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbin
(tilmaame) xeedho yar oo qori ah oo bunsharuurka lagu shubo. Dh: kur, xeedho. Wa: kurbino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurbin
bw: kur
cf: xeero
de: wooden bowl for serving fried coffee-beans
lx: kurbin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: kurbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurtin
m.l la-mid: kurtun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurtin
m. n. tree stump
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurtin
-ka: (n) 1. stump (istaampy the stump of a tree trunk ~ kurtun. 2. peg (peeg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtin
-ka: (magac, lab, keli) geedka marka la jaro jirrida yar ee ku hadha dhulka. Kurtinka ka baydha yaanad jabine. Wa: kurtinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurtin
de: tree stump
lx: kurtin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
see: kurtun
key: kurtin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurxin
(Kurxin-ta)
Qurxubta naasaha iyo candhada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurxin
f. n., [collective] veins of the udder ~ breast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurxin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta kuusan ee cunaha dadka ku taal ee maaraysa codka. Dh: doob. Wa: kurxino.
kurxin -ta: (magac, dhedig, keli) qurxubta naasaha iyo candhada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurxin
cf: qurxub
de: veins of the udder ~ breast
lx: kurxin
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: kurxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kusime
(Kusima-ha)
Kummeelgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusime
m.l (-mayaal, m.l/dh) Qof jago uu hayo aan rasmi ku aheyn; kumeelgaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kusime
m.l (-mayaal, m.l/dh) Qof jago uu hayo aan rasmi ku aheyn; kumeelgaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kusime
m. n. (adj.): relief staff; regent; provisional, temporary, acting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kusime
-kusimaha: (adj) acting (akting); interim (intarim); provisional (parovishinal); temporary (temparari)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kusime
Reggente
Acting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kusime
-ha: (magac, lab, keli) meel lagu gaadho ama in wakhti ah wax lagu qabsasho oo aan dabadeed loo baahnayn. Dh: kummeelgaadh, meelkuggaar.
kusime -ha: (magac, lab, keli) qof si kummeelgaadh ah xil u qabta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kusime
de: relief staff; regent; [atr.] provisional, temporary, acting
lx: kusime
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: acting director
xv: kummeelgaar
key: kusime
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurin
(Kuurin-ta)
Ku soo dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurin
m.f.dh eeg kuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku soo dhawaansho. Dh: u dhawaasho. Li: fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusan
(wax) Buuran; yuucan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusan
kuusan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
kuusan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuusan
kuusan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. m.f.dh, kuusmid.
kuusan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. m.f.dh, kuusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusan
der. [adjective] round, rounded, globular, lumpy; stocky, short and fat
kuusan [inchoative] v. be rounded ~ globular; become stocky
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuusan
-kuusnaa: (adj) round (raawndh). Ex: banooni kuusan; a round ball
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusan
(tilmaame) wax la kuusay ah; buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusid
(Kuusid-da)
Wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusid
m.f.dh eeg kuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuutin
m.f.dh eeg kuuti. la-mid: kuutis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si deggan oo isgaabin ah u socosho; kuudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muslin
(Muslin-ka)
Qof diinta Islaanka haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muslin
muslin¹: m.l (-imiin, m.dh) (dii.) Qof diinta Islaamka rumaysan.
muslin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) (dii.) Diinta Islaamka rumayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
Muslin
Muslin¹: m.l (-imiin, m.dh) (dii.) Qof diinta Islaamka rumaysan.
Muslin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) (dii.) Diinta Islaamka rumayn. m.f.dh, muslimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Muslin
m. n. Moslem, Muslim
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muslin
inch. v. become a Muslim, convert to Islam
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muslin
/maslan/ (n) shay suuf jilicsan ka samaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Muslin
-ka: (n) [plural Muslimiin-ta] Muslim (mooz 'lam); Moslem (mooz'lam); Islam (islaam) ~
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muslin
-muslimay / muslintay: (v) accept or embrace Islam ~ islaam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslin
(fal) Muslim noqo; diinta Islaamka gal oo ashahaado. Dh: Islaan. Li: gaalaw.
Muslin -ka: (magac, lab, keli) qof kelinimada Ilaahay qiray rasuulnimada Nebi Muxammadna rumeeya oo qiblada Makana salaaddiisa ula jeesta diinta Islaamkana aaminsan. Dh: Islaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muxsin
name-m beneficent, charitable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka samirsiin oo rajo tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuslin
(Xuslin-ta)
1. Xusul wax ku dhererin; inta xusul ku jirta ogaansho; dhudhumin.
2. Orod xusulduub ah, ordid; rucleyn