kursijiif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kursijiif
m.l (-fyo, m.dh) Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kursijiif
m. n., [compound] deck chair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kursijiif
-ka: (magac, lab, keli) kursi iyadoo la fadhiyo hadana laysu kala bixiyo. Kursijiifkii ayaan ku gam'ay maanta. Wa: kursijiifyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kursijiif
de: deck chair
lx: kursijiif
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: kursijiif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurjiif
(Uurjiif-ka)
Ilmaha aan dhalane weli uurka (ilmasidaha) ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurjiif
uurjiif¹: m.l (-fyo, m.dh) Ilmaha weli uurka ku jira.
uurjiif²: m.l (-fyo, m.dh) (baayoloji) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurjiif
uurjiif¹: m.l (-fyo, m.dh) Ilmaha weli uurka ku jira.
uurjiif²: m.l (-fyo, m.dh) (baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurjiif
-ka: (n) fetus (fii-tas); embryo (em-biriyo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurjiif
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha ama neef calool ku jira oo an weli dhalan.
uurjiif-ka: (magac, lab, keli) cilmi ahaan, rimayga dhexdiisa ilmaha jinsigiisu inta uunan kala soocmin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurjiif
de: fetus
initial: u
lx: uurjiif
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: uurjiif
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
uurjiif
جَنِينٍ، حَمْلٍ، حَمِيلٌ
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darbi jiif
-ka: (n) homeless (homles) person; bum (baam) lazy or shiftless person ~ dibjir, jamal jaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof wax ku dhib ah in uu ku dhawaaqo u suurtaggelin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karsii
v.caus: enable, give the ability ~ courage to do
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karsii
de: enable, give the ability ~ courage to do
lx: karsii
pd: (karsiiyey)
ps: v2a=caus
key: karsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid meel sare fuulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid meel sare fuulin. m.f.dh, korsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsii
(fal) meel sare saar ama fuushii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursiin
(Ursiin-ta)
Qof kale sankiisa wax u dhoweyn si uu ugu uro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursiin
m.f.dh eeg ursii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ur dareensiin; qof kale sankiisa wax u dhoweyn. Ursiinta ayaa eygu cid ku bartaa oo dabadeed gartaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ursiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsiin
m.f.dh eeg karsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsiin
m.f.dh eeg korsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo da' yar barbaarin.
korsiin-ta: (magac, dhedig, keli) meel kore saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xiji
v. make follow, put after, put next to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku xiji
-yey / say: (v) place next; put next
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_xiji
de: make follow, put after, put next to rw: xig
lx: ku xiji
pd: (xijiyey)
ps: v2a=expr
key: ku_xiji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuljiir
(Kuljiir-ka)
(wax la cabbo) kulayl aan badnayn; kul dhexdhexaad ah oo fartu garato; qandac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida ay yeeshaan; qandac. la-mid: kuldiir¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida, ay yeeshaan;qandac. la-mid: kuldiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuljiir
m. n., [compound] warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuljiir
-ka: (magac, lab, keli) kulayl aan badneyn oo la cuni karo. Dh: diirrimaad, qandac, kuljidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuljiir
bw: kuldiir
de: warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
lx: kuljiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: qandac
key: kuljiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kushiin
m.l (-nno, m.dh) Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kushiin
m.l (-nno, m.dh) Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushiin
m. n. kitchen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kushiin
-ka: (n) kitchen (kijiri) ~ jiko, madbakh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kushiin
-ka: (magac, lab, keli) qolka cunnada lagu kariyo. Dh: madbakh, jiko, alawaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushiin
de: kitchen
lx: kushiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: jiko, madbakh {C & S < It}
key: kushiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kusimid
(Kusimid-da)
Kummeelgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusimid
m.dh eeg kusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kusimid
-da: (magac, dhedig, keli) ku meelgaar ahaan u haysasho ama wax ugu qabsasho; kummeelgaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursiimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bursiino
f. n., [collective] quantity in addition, excess, extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bursiino
de: quantity in addition, excess, extra
lx: bursiino
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bursiino
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bursitis
(n) inflammation of a sac-like bodily cavity, esp. one located between the joints or at points of friction between to moving structures.
xanuun ah gudaha jiran siiba kuwa u dhexeeya xubnaha meeshay iskaga yimaadan ama ka dhaqaaqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: hurdeysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufrisii
f.g2 (-iyay, -isay) Cid kufri ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kufrisii
f.g2 (-iyay, -isay) Cid kufri ka dhigid. m.f.dh, kufrisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufrisii
v.caus: make someone an unbeliever, turn into an infidel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufrisii
de: make s.o. an unbeliever, turn into an infidel (e.g., make s.o. violate the Islamic faith)
lx: kufrisii
pd: (kufrisiiyey)
ps: v2a=caus
key: kufrisii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsijiin
m.l la-mid: ogsajiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oksijiin
m.l la-mid: ogsijiin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oksijiin
-ka: (n) oxygen (ok-si-jiin)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorijiid
qorijiid¹: m.l la-mid: qoriqaad¹.
qorijiid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: qoriqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursaliid
m.l Bur la rifaaqay oo saliid lagu dubay. la-mid: bursariir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bursaliid
m.l Bur la rifaaqay oo saliid lagu dubay. la-mid: bursariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bursaliid
m. n. fried flour pancake, fritter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bursaliid
-ka: (n) a small fried cake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursaliid
-ka: (magac, lab, keli) khamiir daqiiq iyo saliid laga dubo oo inta badan dumarka iyo carruurtu galabtii ku cuwaaftaan. Bursaliid niman baa cuwaaf nooga dhigay, baqayaga noo laagay. Dh: khamiir, xunsheer, malawax, mucbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bursaliid
de: fried flour pancake, fritter
lx: bursaliid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bursaliid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursariir
m.l la-mid: bursaaliid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrojiif
m.l (jooloji) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carrojiif
m.l (jool.) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carrojiif
Mantle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derbijuif
-ka: (magac, lab, keli) carruurta aan lahayn hooy ay seexdaan magaalo ee seexda gidaarada. Dh: gidaarjiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisiin
m.dh la-mid: hurdeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufrisiin
m.f.dh eeg kufrisii.