kunciil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kunciil
name-m thousands-disturber. Lit: he who at his birth makes too many people of his kinsmen anxious; or who at his birth causes a bitter resentment to his enemy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kunciil
magac loo baxsho wiil looga jeedo dhibe; dad badan kadeede. Magacan waxa bixisa hooyo aargoosi rabtay ka hor intayna dhalin wiilkan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku tiil
v. lean something against something else
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_tiil
de: lean s.t. against s.t. else
lx: ku tiil
pd: (tiilay)
ps: v1=expr
key: ku_tiil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku ciilbax
v. take your anger on someone; relieve your anger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_ciilbax
de: take your anger on s.o.; relieve your anger
lx: ku ciilbax
pd: (ciilbaxay)
ps: v1=expr
key: ku_ciilbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciil
(Ciil-ka)
Wax xun oo lays yeelay, kulka iyo ka xumaanshada iyo ka aargudasho doonidda, qofka wax loo dhimay ku abuuranta; umal; caro; dhirif: xanaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciil
ciil¹: m.l Dareen uurkutaallo leh oo ku dhasha qof marka lagu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn. la-mid: ciifo.
ciil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Dareen uurkutaallo leh cid ku beerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciil
ciil¹: m.l Dareen uurkutaallo leh oo ku dhasha qof marka lagu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn. la-mid: ciifo.
ciil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Dareen uurkutaallo leh cid ku beerid. m.f.dh, ciilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciil
v. disturb, make someone anxious, anger, embitter
ciil m. n. grief, anger, resentment, grudge
ciil v. shrink, fall, diminish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciil
-ka: (n) anger (ang ger); rage (reeyj) ~ xanaaq. —Syn: fury, ire, wrath, resentment, indignation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciil
Risentimento
Resentment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciil
(fal) dhib oo caloolxumo ku reeb; ciil iyo tiiraanyo ku reeb. Wiilka maxaa loo ciilay?
ciil: (fal) hoos u dhac, aad u shiiq; sii baaba'a; ciir.
ciil -ka: (magac, lab, keli) dareen cadho iyo xumaan ah oo ka dhasha dulmi jawaab loo waayay; xumaan qofka wax loo dhimay ku abuuranta. Dh: umal, caloolxumo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ciil
غَيْظَ، غَضَبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiil
(Kiil-ka)
Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiil
kiil¹: m.l 1. Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir. 2. Bilow ciyaareed (turub).
kiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax cabbirid, beegid. 2. Ciyaar turub bilaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiil
f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax cabbirid, beegid. 2. Ciyaar turub bilaabid. m.f.dh, kiilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiil
m. n. grain-measure (by volume); load, cargo
kiil v. measure out (grain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiil
-ka: (magac, lab, keli) beeg; miisaan. Dh: qiyaas, cabbir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niil
m.l Feeraha geel saddexda ugu dambaysa oo xiga lugta dambe; mayraq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Niil
pr. n., loc. Nile River
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niil
v., pl., simple past tense: we were (in a place)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Niil
(n) Nile (nonyl); Ex: Wabiga Niil; the River Nile
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kunbi
v. preserve (meat) by cooking it in ghee, jerk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kunbi
-gey say: (v) soak (soowk); immerse (imeersi); dip (dip) ~ kumbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbi
(fal) biyaha wada gali ama ku lidhbi. Wadaanta ku kunbi biyaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kunbi
a: kumbi
de: preserve (meat) by cooking it in ghee, jerk
lx: kunbi
pd: (kunbiyey)
ps: v2a=
see: kumbis
key: kunbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kundi
-ga: (magac, lab, keli) col farabadan oo qalab sita. Dh: ciiddan, jeysh, askar. Wa: kundiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwii
mu.ac.w eeg kii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwii
mu.ac.w eeg kii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuwii
det, pl. the ones
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuwii
(pronoun) those ones or these ones
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuwii
(magacuyaal) aan cayinayn; kii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuwii
cf: kuwa
de: the ones Plural of -kii or -tii; already introduced or known information;
lx: kuwii
ps: det-pl
key: kuwii
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
until
/antil/ (prep) (conj) ilaa-iyo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
until
prp., inta, ilaa inta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Anjiil
f. n. Gospel; the New Testament
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Anjiil
a: Injiil
bw: Arabic
de: Gospel; the New Testament
lx: Anjiil
pd: (/sha)
ps: n-f
key: Anjiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin. m.f.dh, cunsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunsii
v.caus: feed; make someone eat, cause to eat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsii
(fal) cunto iyo wax la mid ah afka u geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunsii
de: feed; make s.o. eat, cause to eat
lx: cunsii
pd: (cunsiiyey)
ps: v2a=caus
key: cunsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Injiil
(Injii-sha, Injiil-ka)
Kitaabkii Nebi Ciise Ilaah u soo dejiyey oo Kirishtaanku hadda ku doodaan inay haystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
injiil
injiil¹: m.l (-lo, m.l) Kitaabkii nebi Ciise (n.k.h.a.).
injiil²: m.l (dii.) Axdiga Cusub. Qeyb ka mid ah kitaabka kirishtaanka kaasoo la xiriira noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga Kaniisadii hore ee Masiixiyiinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
injiil
injiil¹: m.l (-lo, m.l) Kitaabkii nebi Ciise (n.k.h.a.). injiil²: m.l (dii.) Axdiga Cusub. Qeyb ka mid ah kitaabka kirishtaanka kaasoo la xiriira noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga Kaniisadii hore ee Masiixiyiinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Injiil
m. n. 1: Gospel; the New Testament
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Injiil
-Injiisha: (n) the revelations that: were sent down during the time of Prophet Isa [Jesus]. It is reffered to as the New Testament. Gospel (gaaspal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Injiil
-ka: (magac, lab, keli) magaca kitaabkii uu Ilaahay Nebi Ciise ku soo dejiyay oo loo yaqaan Axdiga Cusub. Waa qeyb ka mid ah kitaabka Kiristaanka, kaas oo la xidhiidha noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Injiil
bw: Arabic
de: Gospel; the New Testament
lx: Injiil
pd: (-ka Pl: Injiisha)
ps: n5-m
key: Injiil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafiil
-ka: (n) sponsor (ispoonsar); guarantor (gaarantoor); bondsman (boon-dis-meen); bailor (beey-ler) ~ damiinte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaliil
(Kalii-sha)
Xilli kulul oo roobka ka soo horreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaliil
m.dh (-lo, m.l) Xilliga roobka gu' bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaliil
m.dh (-lo, m.l) Xilliga roobka gu' bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaliil
magac loo baxsho wiil dhashay waqti kaliil ah oo kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaliil
-sha: (magac, dhedig, keli) xilli kulul oo roobka ka soo horreeya; goor xilli roobaadka ka soo hor marta oo kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaniif
-ka: (magac, lab, keli) meesha loogu talagalay inay dadku kaadida iyo saxarada ku gutaan. Dh: masqul, musqul, baytalmay, baytilmay, godxaar, suuli. Wa: kaniifyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiniin
m.l la-mid: kiniini
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiniin
-ka: (magac, lab, keli) daawo iniino laga dhigo. Dh: kiniini.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kunbin
(Kunbin-ta)
1. (hilib) Kunbis samayn.
2. Dhunbin.
3. Kunbis ku daweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey ama waxkale biyo ku qarin. Kunbin ayuu ku sameeyey maradii Axmed. Dh: libdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kunbis
(Kunbis-ka)
1. Hilib laga dhigo cadad bagbagafsan oo subag lagu shiilo oo kayd gala.
2. Hab xoolaha cadhada qaba loo daweeyo; jarcays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbis
-ka: (magac, lab, keli) hab xoolaha cadhada qaba loo daweeyo. Dh: jarcays.
kunbis -ka: (magac, lab, keli) hilib laga dhigo cadad subag lagu shiilo oo kayd gala. Kunbiskiyo miyaa layga qubay kolayadii buuxay. Dh: hilib. Wa: kunbisyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muniir
name-m bright, brilliant, counselor, radiant
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pencil
/pensal/ (n) 1. qalin rasaas (qalin koobbi)(v) 2. qalin rasaas wax ku qorid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Pencil
Laabis
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pencil
n., qalim rasaaseed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
runtii
(adv) indeed (indhiidh); truly (turuuli) ~ xaqiiqdii
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuniin
vl. n. hammering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuniin
de: hammering
initial: t
lx: tuniin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tuniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunsii
f.g2 (-iiyay, iisay) Ku t.: ku tumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunsii
(fal) dusha ka marsii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unveil
/anveyl/ (v) daaha ka-qaadid (daboolka ka-qaadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burciid
(Burciid-ka)
Bur ciid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burciid
burciid¹: m.l (-dyo, m.dh) In yar oo carro ah oo is haysta.
burciid²: m.dh Meel bannaan oo ciid jilicsan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burciid
m. n. lump of dirt, clod, sand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burciid
-ka: (magac, lab, keli) meel carro taagan ah oo dhulka intiisa kale ka sarraysa. Dh: burco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burciid
de: lump of dirt, clod, sand
lx: burciid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: burciid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
council
/kawnsal/ (n) gole (guddi).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Council
Guddi, qunsul
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
council
n., shir, -ki; go to the council, shirka tag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunniin
m.l God, dab iyo wixi lamida ciid ku aasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunniin
-ka: (magac, lab, keli) cunitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunsiin
(Cunsiin-ta)
(qof, kd.) aan cunno cuneen ama diiddan, inuu cuno yeelsiin, oggolaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsiin
m.f.dh eeg cunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah oo cunno diiddan, inuu wax cuno yeelsiin ama oggolaysiin. Dh: cunsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cunsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbiil
(Danbii-sha)
Weel laga falkiyo caw, kd., oo qaabab badan iyo midabyo badan loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danbiil
m.dh la-mid: dambiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbiil
f. n. basket made of palm leaves ~ straw
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DANBIIL
(Danbil) May Solanum juae Bitter. Solanaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbiil
-dambiisha: (n) basket (baaskit) ~ dambiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbiil
-ka: (magac, lab, keli) weel laga falkiyo caw oo qaabab badan iyo midabyo badan loo sameeyo. Danbiil ninkii wax ku soo qaatay ha innoo sheego. Dh: selled, sinbiil, sallad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danbiil
a: dambiil
de: basket made of palm leaves ~ straw
lx: danbiil
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: danbiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulciir
(fal) si awood la'aan ah shay korkiisa ugu dhac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
incivil
incivil, adj. - edeb daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kantiin
m.l (-nno, m.dh) Dukaan yar oo laga qaato raashinka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kantiin
m. n. canteen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kantiin
-ka: (magac, lab, keli) Dukaan yar oo laga qaato raashinka iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kantiin
de: canteen {N < Eng}
lx: kantiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kantiin