kunbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbo
(fal) biyaha wada gal ama quus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubo
(Kuba-da)
Calool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubo
m.dh (-ooyin, m.l) Kuboddawaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubo
f. n. stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubo
-da: (magac, dhedig, keli) caloolyarta oo ah mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada. Kubada ayaa i damqanaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubo
de: stomach
lx: kubo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: calool
key: kubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bunbo
* (Bunba-da)
Jaliilad, qunbulad, (ama bumbo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunbo
f. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bunbo
-bunbada: (n) [Pl. bunbooyin-ka] hand-grenade (haandh-gareneeyd)-, bomb (baam)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunbo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dagaal, miisan kala duwan leh, wax gumaada. Waxa qarxay bunbo gacanta laga tuuray. Dh: qunbulad, banbo, bamboo, burmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunbo
a: bumbo
de: bomb
lx: bunbo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: jaliilad, qunbulad
key: bunbo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kunbi
v. preserve (meat) by cooking it in ghee, jerk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kunbi
-gey say: (v) soak (soowk); immerse (imeersi); dip (dip) ~ kumbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbi
(fal) biyaha wada gali ama ku lidhbi. Wadaanta ku kunbi biyaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kunbi
a: kumbi
de: preserve (meat) by cooking it in ghee, jerk
lx: kunbi
pd: (kunbiyey)
ps: v2a=
see: kumbis
key: kunbi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUNYO
(Kunio) N Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbo
(Kurba-da)
Naxdin iyo welwel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbo
m.dh Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbo
m.dh Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurbo
f. n. anxiety, worry, deep concern
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurbo
-kurbada: (n) the act of worrying; worry (wooriy uneasiness (aniisines); anxiety (engzaayati)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurbo
bw: Arabic
cf: naxdin, welwel
de: anxiety, worry, deep concern
lx: kurbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kurbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunbo
(Sunba-da)
Naag xun; basari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunbo
f. n. slovenly woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunbo
-da: (magac, dhedig, keli) naag doqon ah. Dh: dogon, basari: goonbaar. Li: gaari, fariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunbo
de: slovenly woman
initial: s
lx: sunbo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: sumbo
key: sunbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunbo
(Xunba-da)
Xoor; abur; xaafood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xunbo
f. n., [collective] foam, froth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xunbo
-xunbada: (n) foam (foom); lather (laa-thar); bubbles (ba-balis); froth ~ xumbo, xoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbo
-da: (magac, dhedig, keli) xoor saabuunta. caanaha, daadka iyo wax la mid ahi ay sameeyaan. Dh: xumbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xunbo
a: xumbo
de: foam, froth
initial: x
lx: xunbo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: xunbo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xunbo
زَبَدَ رَغْوَة
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yunbo
v. dive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yunbo
-yunbaday/yunbatay: (v) dive (daay-v); plunge (palaanji) into water. ~ tiinbo, tiimbo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yunbo
a: yumbo
de: dive
initial: y
lx: yunbo
pd: (yunbaday)
ps: v3a=
key: yunbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiimbo
(fal) biyo dhex muquuro. Dh: kunbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khudbo
(Khudba-da)
1. Hadal dad badan horti laga jeediyo; baanise.
2. Hadalka loo jeediyo labada qof oo is guursana haya; guur; nikaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbo
m.dh la-mid: khudbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khudbo
m.dh la-mid: khudbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudbo
f. n. speech, Friday sermon; performance; marriage ceremony
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khudbo
- khudbada: (n) lecture (lak-jar); speech (ispiij); sermon (seermen); public address. Ex: khudbada jimicaha; the Friday sermon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudbo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal dad badan loo soo jeediyo. Dh: khudbad, baanise.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudbo
a: khudbad
bw: Arabic
de: speech, Friday sermon; performance; marriage ceremony
lx: khudbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khudbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kunbin
(Kunbin-ta)
1. (hilib) Kunbis samayn.
2. Dhunbin.
3. Kunbis ku daweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey ama waxkale biyo ku qarin. Kunbin ayuu ku sameeyey maradii Axmed. Dh: libdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kunbis
(Kunbis-ka)
1. Hilib laga dhigo cadad bagbagafsan oo subag lagu shiilo oo kayd gala.
2. Hab xoolaha cadhada qaba loo daweeyo; jarcays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbis
-ka: (magac, lab, keli) hab xoolaha cadhada qaba loo daweeyo. Dh: jarcays.
kunbis -ka: (magac, lab, keli) hilib laga dhigo cadad subag lagu shiilo oo kayd gala. Kunbiskiyo miyaa layga qubay kolayadii buuxay. Dh: hilib. Wa: kunbisyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U k.: kurbo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U k.: kurbo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurboo
(fal) kurbo dareen; kurbo ha kugu dhacdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kutubo
m. n., pl. books (especially Koranic books)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kutubo
bw: Arabic
de: books (especially Koranic books) Sg: kitaab
lx: kutubo
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: kutubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuunto
m.dh (-ooyin, m.l) Futo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuunto
m.dh (-ooyin, m.l) Futo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunbo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tuubbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunboo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xanbuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbow
-ga: (magac, lab, keli) xumbo kicin; xoor samayn. Taydha ayaa ka xumbow badan gobka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuunbo
(fal) muquuro oo biyaha limmo. War hooy yuunbo biyaha. Dh: limmo, dhunbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kub
(Kub-ka)
Cagta iyo lowga xubinta u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kub
m.l (-bab, m.l) Cagta iyo lowga xubinta u dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kub
m.l (-bab, m.l) Cagta iyo lowga xubinta u dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kub
m. n. lower leg, shin, calf, shank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kub
-ka: (n) calf (kaaf); shin (shin); the fleshy back part of the human leg between the knee and ankle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kub
-ka: (magac, lab, keli) lugta inta u dhaxaysa kuraanta iyo jilibka. Wa: kubab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kub
de: lower leg, shin, calf, shank
lx: kub
pd: (-ka Pl: kubab (ka))
ps: n4-m
key: kub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kun
(Kun-ka)
Tiro ka kooban toban meelood oo meeshiiba boqol tahay oo laysku daray; toban boqolaad; (1,000).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kun
m.l.t. (-umanaal/-umanyaal, m.l) Tiro ka kooban toban meelood oo min boqol ah; toban boqolaad; “1000”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kun
m.l.t. (-umanaal/-umanyaal, m.l) Tiro ka kooban toban meelood oo min boqol ah; toban boqolaad; 1000. m.l.w, kumanaal. m.l.w, kumanyaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kun
num: thousand
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kun
mille.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kun
-ka: (v) thousand (thaaw-sandh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kun
-ka: (magac, lab, keli) tiro ka kooban toban meelood oo meeshiiba boqol tahay oo laysku daray; toban boqolaad; (1000).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kun
cf: kumaankun
de: thousand Pl: kumaanaal ~ kumanyaal
lx: kun
pd: (-ka)
ps: num-m
key: kun
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uno
agg. - kow.
uno: pron. - mid, midkoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbo
(Anba-da)
Meel; kob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbo
f. n. place, point, position
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anbo
-anbaday / anbatay: (v) get led stray (istareey); be deviated from the correct course ~ ambo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anbo
de: place, point, position
lx: anbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: anbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubo
f.g3 (-btay, -batay) Ciyaar qofka ugu habboon xulasho. la-mid: cugo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cubo
s.m. - saddex jibaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubo
dųbo: f.g3 (-btay, -batay) Cunto raran ku bislaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubo
dųbo: f.g3 (-btay, -batay) Cunto raran ku bislaysasho. m.f.dh, dųbasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubo
v. bake for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubo
-dubatay I dubtay: (v) bake for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubo
(fal) xasiid, hilib ama wax kale, dhamac dul saar oo adoon biyo iyo weel midna isticmaalin toos dhamacda ugu bislayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubo
de: bake for oneself
lx: dubo
pd: (dubtay)
ps: v3b=tr
key: dubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Dab ku waxyeelloobid. 2. Kulayl dareemid. 3. Ka g.: waxyeello cid loo geestay ka xanaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gubo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Dab ku waxyeelloobid. 2. Kulayl dareemid. 3. Ka g.: waxyeello cid loo geestay ka xanaaqid. m.f.dh, gubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubo
v. burn (oneself), get burned; be burning, catch fire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubo
(fal) dab haku qabsado ama is gub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubo
de: burn (oneself), get burned; be burning, catch fire
lx: gubo
pd: (gubtay)
ps: v3b=
xe: It is burning.
xv: Wuu gubanayaa.
key: gubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guno
m.dh la-mid: gunno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juno
(Juna-da)
(xoolo) Dhaqayo;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juno
m.l.kh la-mid: junuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juno
f. n. livestock that produces little milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juno
cf: dhaqayo
de: livestock that produces little milk
lx: juno
pd: (/da)
ps: n-f
key: juno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabo
f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax jabay kabniin ku samaysasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabo
m. n., pl. shoes, footwear
kabo v. recover, recuperate; set (of broken bone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabo
-kabaha: [Plural of kab -ta] shoes (shuus); footwear (fuutweer)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulo
v. get angry, heated ~ irritated