kummeelgaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kummeelgaar
(Kummeelgaar-ka)
Meel lagu gaaro ama in waqti ah wax lagu qabsado oo aan dabadeed loo baahnayn; kusime (ama meelkuggaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kummeelgaar
m.l.kh 1. K. ah: qof jago uu hayo aan rasmi ku ahayn. 2. K. ah: wax isticmaalkood aan joogto ahayn ee inta wax rasmi ah laga helayo lagu sii sugo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kummeelgaar
-ka: (magac, lab, keli) meelkugaar; kummeelgaadh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kumeelgaar
v., [compound] be provisional ~ temporary
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kumeelgaar
de: be provisional ~ temporary
lx: kumeelgaar
pd: (kumeelgaaray)
ps: v1=cmp
see: meelgaar
key: kumeelgaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku meelgaar
adj., [expression] temporary, acting, provisional
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_meelgaar
de: temporary, acting, provisional Alt sp: kumeelgaar
lx: ku meelgaar
ps: adj-expr
key: ku_meelgaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kummeelgaarid
(Kummeelgaarid-da)
Kummeelgaar ahaan u haysasho ama wax ugu qabsasho; kusimid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku meel gaar
-ah: (adj) interim (intarim); provisional (parovi-shinal); temporary (temparari), acting (akting) -aanjoogto ahayn. Ex: Madaxwaynaha ku meel gaarka ah; interim President
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsi
(Gaabsi-ga)
Guur kummeelgaar ah, aan sharci ku dhisnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kusime
(Kusima-ha)
Kummeelgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kusimid
(Kusimid-da)
Kummeelgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelkuggaar
(Meelkuggaar-ka)
Kummeelgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waanwaan
(Waanwaan-ta)
Nabad yar oo ay kala dhigtaan labo qolo oo colaadi dhex taal; heshiis nabadeed oo kummeelgaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kusimid
-da: (magac, dhedig, keli) ku meelgaar ahaan u haysasho ama wax ugu qabsasho; kummeelgaarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kusime
de: relief staff; regent; [atr.] provisional, temporary, acting
lx: kusime
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: acting director
xv: kummeelgaar
key: kusime
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelgaar
(Meelgaar-ka)
(ku meelgaar) wax wax lagu gaaro ama lagu sugo; kusime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelgaar
meelgaar¹: m.l.kh M. ah: wax si aan rasmi ahayn loo hayo ama loo isticmaalo. la-mid: meelkuggaar.
meelgaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Ku m.: wax si aan joogto ahayn u hayn ama u isticmaalid. 2 Hanti, gaadid iyo wixi lamida meel ku tegid. m.f.dh, meelgaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelgaar
m. n., [compound] provisional person, temporary thing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelgaar
-ah: (adj) temporary (teem 'pa reeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting) ~ see also [eeg] meel ku gaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaar
-ka: (magac, lab, keli) aan rasmi ahayne waxa rasmiga ah inta la gaadhayo ama la helayo lagu sii gaadho oo laga sii faa'iidaysto. Dh: kusime, meelkugaadh, kusugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelgaar
de: provisional person, temporary thing
lx: meelgaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: meelgaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku feegaar
v. scribble, write with poor handwriting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_feegaar
de: scribble, write with poor handwriting
lx: ku feegaar
nt: feegaar (ka) [vn-m]
pd: (feegaaray)
ps: v1=expr
key: ku_feegaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumeelgaadh
-ka: (magac, lab, keli) wax meel lagu gaadho ama in waqti ah wax lagu qabsado oo aan dabadeed loo baahnayn. Dh: meelkugaadh, meelkugaar, kummeelgaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kummeelgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku gaadhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku meegaarsan
adj., [expression] surrounded by; standing in a circle around
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_meegaarsan
de: surrounded by; standing in a circle around
lx: ku meegaarsan
pd: (meegaarsanaa)
ps: adj-expr
key: ku_meegaarsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelgaal
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo badan oo dhanaan leh oo geela jeela loo arooriyo. Dh: dhane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: maageero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meegaaro
v. enclose; encircle; trace a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaaro
(fal) wax aad gaar u leedahay deyr ku xidho. Meegaaro meesha lagu siiyay. Dh: wareejiso, xayndaabo, meegaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meegaaro
a: maageero
de: enclose; encircle; trace a circle around s.t.
lx: meegaaro
pd: (meegaartay)
ps: v3b=tr
key: meegaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelmaag
(Meelmaag-ga)
Qofka hadduu wax ku dhego, ama wax damco, aan laga fujin karin, aan la soo loodin karin; qof madax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelmaag
m.l (-gyo, m.dh) Qof madax adag oo tiisa uun ku adkaysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelmaag
m. n., [compound] highly opinionated person, tough bargainer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelmaag
-ga: (magac, lab, keli) hal'adayg qof waxa uu damco aan laga furfuri karin oo wax kale loo loodin karin. Meelmaagga iska daa oo dadu waxay ku leeyihiin maqal. Dh: madax'adayg.
meelmaag -ga: (magac, lab, keli) tiigsashada bartilmaameed xaddidan oo la tiigsado sida loo gaadhayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelmaag
de: highly opinionated person, tough bargainer
lx: meelmaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: meelmaag
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku beegan
adj., [expression] across from, opposite, coincident with, due ~ falling on a certain date; appropriate to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_beegan
de: across from, opposite, coincident with, due ~ falling on a certain date; appropriate to
lx: ku beegan
ps: adj-expr
key: ku_beegan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaadh
-ka: (magac, lab, keli) aan rasmi ahayn oo waxa rasmiga ah inta la gaadhayo ama la helayo lagu sii gaadho oo laga sii faa'iidaysto. Dh: kusime, meelkuggaar, kusugo, meelgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulraac
ummulraac¹: m.l Geerida ku timaada haweeney ummulaysa ama ummushay.
ummulraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Haweeney ummushay dhimasho. la-mid: ummulraaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummulraac
ummulraac¹: m.l Geerida ku timaada haweeney ummulaysa ama ummushay.
ummulraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Haweeney ummushay dhimasho. m.f.dh, ummulraacid. la-mid: ummulraaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummulraac
v., [compound] die in childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulraac
-a: (magac, lab, keli) ummul ku dhimasho. Miyiga waxa ku badan ummulraaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummulraac
de: die in childbirth
initial: u
lx: ummulraac
nt: usually with feminine gender agreement
pd: (ummulraacay)
ps: v1=cmp
key: ummulraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kammilnaan
m.dh la-mid: kaamilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelgaarid
m.f.dh eeg meelgaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan rasmi ahayn ku meel gaadh ahaan uga faa'iidaysasho inta rasmiga la gaadhayo. Jiingadda meelgaarid ayaan u dhistay. Dh: meelgaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkugaar
-ka: (magac, lab, keli) wax la adeegsado inta meesha loo socdo la gaadhayo. Baaskiilku wa meelkugaadh inta aan gaadhi iibsanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulqaadgaar
m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.