kummeelgaadhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kummeelgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kummeelgaarid
(Kummeelgaarid-da)
Kummeelgaar ahaan u haysasho ama wax ugu qabsasho; kusimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumeelgaadh
-ka: (magac, lab, keli) wax meel lagu gaadho ama in waqti ah wax lagu qabsado oo aan dabadeed loo baahnayn. Dh: meelkugaadh, meelkugaar, kummeelgaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kummeelgaar
(Kummeelgaar-ka)
Meel lagu gaaro ama in waqti ah wax lagu qabsado oo aan dabadeed loo baahnayn; kusime (ama meelkuggaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kummeelgaar
m.l.kh 1. K. ah: qof jago uu hayo aan rasmi ku ahayn. 2. K. ah: wax isticmaalkood aan joogto ahayn ee inta wax rasmi ah laga helayo lagu sii sugo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kummeelgaar
m.l.kh 1. K. ah: qof jago uu hayo aan rasmi ku ahayn. 2. K. ah: wax isticmaalkood aan joogto ahayn ee inta wax rasmi ah laga helayo lagu sii sugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kummeelgaar
-ka: (magac, lab, keli) meelkugaar; kummeelgaadh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku meelgaar
adj., [expression] temporary, acting, provisional
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_meelgaar
de: temporary, acting, provisional Alt sp: kumeelgaar
lx: ku meelgaar
ps: adj-expr
key: ku_meelgaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummullaashi
-ga: (magac, lab, keli) cudur ka yimaadda nafaqodarro ku dhacda dumarka dhala. Ummulaashi baa haya afada ee ha laga daweeyo. Dh: ummulow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulraacid
(Ummulraacid-da)
Ummul ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulraacid
m.f.dh eeg ummulraac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulraacid
-da: (magac, dhedig, keli) ummul ku dhimasho. Ummulraacidda waxa keena dhiigla'aanta ama dhiigbaxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka gungaadhid; ka salgaadhid; yoolgaarid. Yoolgaadhiddeedii la rabay rag baa carshacarsheeyey Dh: gungaadhid, yoolgaarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku meel gaar
-ah: (adj) interim (intarim); provisional (parovi-shinal); temporary (temparari), acting (akting) -aanjoogto ahayn. Ex: Madaxwaynaha ku meel gaarka ah; interim President
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku meegaarsan
adj., [expression] surrounded by; standing in a circle around
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_meegaarsan
de: surrounded by; standing in a circle around
lx: ku meegaarsan
pd: (meegaarsanaa)
ps: adj-expr
key: ku_meegaarsan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ku meel gaarka ah
par intérim.