kumbudhle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudhle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar sida raha loo boodboodo oo sida loo kala dheereeyo ee meel dheerna loo gaadho lagu kala badiyo oo carruurtu ciyaaran. Bakayloow kumbudhle kambadhle is wadhleeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudh
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan dhiddigga iyo labku xilliyada gu'samaadka amase xilliyada uu haleel jiro; waxa lagu ciyaaraa shan dhagax ciyaartana waxa lagu daah furtaa ereyadan: kumbudh caaro waa koow koowduna waa labo, labaduna waa saddex, dhii-dhii, dhabana cas, afku qadham, taadhoo, tiinbaar taar jaban. Waxaana laga guulaystaa ciddii uu dhaguxu dhulka uga dhaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbulle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar carruureed tiro lagu ciyaaro. Wa: kumbulooyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudhso
(fal) si kumbudha ah u fadhiiso ama u boodbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbul
(ereydhawaaq) la yidhaaho kolka roobku bilaabo inuu da'o. Kumbul ayaan idhi markuu roobku da'aayey. Wa: kumbulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbudh
-ka: (magac, lab, keli) koob daweeyaha ka sii yar oo dareeraha lagu cabbo.
kunbudh -ka: (magac, lab, keli) ciyaarcarruureed shan dhagax lagu ciyaaro. Carruurtu kunbudh ayey ciyaaraysaa. Dh: gunbudh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi gaar ah oo sida kanbadhuudhka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubadhle
-ha: (magac, lab, keli) roob aayar da'a. Dh: mirtifiqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kambadhuudhid. Yumbudhid iyo yuucni toona xoolo kuma yimaaddaan. Dh: kuudadid, yumburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) kambadhuudhsi Meel aanad joogayn yumbudhsigeedaa la nacay. Dh: yumbudhsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubkuboodhle
-ha: (magac, lab, keli) qofka socoto ama tubkujoog ah; kubkusiigaale; kubkuboorle.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul badhaale
Thermal or heat equator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhee
(fal) eeg budee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bumble
/bambal/ (v) nac-nacleyn (si hantaatac ah u hadlid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bushle
m.l (-layaal, m.l/dh) Quwaax meseggo oo aan lahayn dhacaan badan oo laga mashiiqsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumbul
m.dh Baali; areebo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fumble
/fambel/ (v) 1. faanbiyid, baarid, siiba si-sirgaxan ama farafarayn ah. (v) 2. si-xun u qabasho, ama ridid. e.g. He fumbled and dropped the ball.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudle
-ha: (magac, lab, keli) shimbir salamadhlahana ka weyn, dhanna gorayada uga eg dhanna digirrinka, oo habeenkii baalasha sida sacabka u tuma. Dh: galaw, fiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humble
/hambal/ (adj) 1. aan kibir badnayn (isla-weyni aan aqoon). (adj) 2. liidata, xun, hooseeya. e.g. a humble job.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humble
humble, adj. - dulli ah; iska yara hooseeya (qof).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
humble
a., aamusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbul
humbul¹: m.l (-llo, m.dh) 1. (u) Geed isku cufan oo hoos wanaagsan iyo miro macaan iyo wixi lamida. 2. H. ah: wax isku cufan.
humbul²: f.g1 (-ulay, -ushay) Wax, wax ku hilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humbul
m. n. round ~ rounded object; something filled out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbul
(fal) qaab hilan oo kuusan u samee.
humbul -ka: (magac, lab, keli) wax qaab ama muuqaal buuxa leh oo hilan. Dh: matatuul
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humbul
de: round ~ rounded object; s.t. filled out
lx: humbul
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: hunbul
key: humbul
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jumble
/jambal/ (v) isku qasid (isku dhex khaldid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muddle
/madhal/ (n) wareersanaan (isku-dhex yaacsanaan).
muddle: /madhal/ (v) 1, isku-dhexdaadin (isku-kharribid) 2. wareerin (jaah-wareerin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mumble
/mambal/ (v) hunu-hunulayn (hadal hooshoos loo yiraahdo oo aan si fiican loo maqal).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rumble
/rambal/ (n) guux (guux samayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tumble
/tambal/ (v) 1. ku dhicid; hantaata-qoodid (n) 2. dhicitaan (si tabar-darro ah meel ugu dhicid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tumble
n., (a fall) hambaro, -adi, kuf, -ki; v.i., hambarow, kuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumbul
tumbul¹: m.l Nooc geed-saarka ka mid ah oo udgoon.
tumbul²: m.dh Dad ama xoolo aan badnayn oo meel tuuran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumbul
-ka: (magac, lab, keli) hadhuudhka sabuulkiisa marka la tuulo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURUDLE
(Burudle) S Seddera hirsuta Hall.F. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dummudh
-ka: (magac, lab, keli) wax inta uu aad u gubtay basay ama dubka laga qaaday. Digo roobku qooyoo, dummudh looga guuroo, dulinkii haraaciyey.
dummudh -ka: (magac, lab, keli) wax huur dartii la qadhmuunaadey. Hilibku wuu dumudhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumudhi
(fal) shey dubka ka qaad. Dumudhi haragga idiin masafta lagu gaaraan ka dhiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabadhe
m. n. trader, seller, peddler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabadhe
-ha: (magac, lab, keli) qof reer miyiga la dhex dega maqaaxi shaaha laga cabbo waxna laga miisto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabadhe
de: trader, seller, peddler {N}
lx: kabadhe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kabadhe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambadh
-ka: (magac, lab, keli) agab lagu fadhiisto oo ka samaysan saan iyo afar rukun oo gaagaaban leh oo aan tiirsimo danbe lahayn. Dh: gambar. Wa: kambadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudkude
(Kudkuda-ha)
Jaad shilinta kamid ah oo waaweyn, cudurrona keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudkude
m.l Dulin shilinta u eg dhiig-kunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badanyihiin; hooskuhar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kudkude
m.l Dulin shilinta u eg dhiig-kunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badanyihiin; hooskuhar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kudkude
m. n. leech, large tick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kudkude
-kudkudaha: (n) leech (liij); a bloodsucking annelid worm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudkude
-ha: (magac, lab, keli) dulin shilinta u eg oo dhiigkunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badantahay. Marka uu xoolaha qaniino wuxuu u keenaa cudurro. Neefka buka kudkude ayaa qaniinay. Dh: hooskuhadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kudkude
cf: culaacul, shilin
de: leech, large tick
lx: kudkude
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kudkude
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumbuse
m.l Nooc cawska ka mid ah oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuudhee
f.mg2 (-dheeyay, -dheysay) 1. Socod aayar ah oo aan meel la tageyn socosho. 2. Isku x.: laba nafley isku dirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubudhac
m.l.u la-mid: dibdhac1.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) harag la qudhminayo oo dhogorta laga saarayo, qudhmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabadhle
-ha: (magac, lab, keli) mayay fudud; roob habeenkii da'a oo aanan xoog badnayn oo tiixtiix ah, horayse aan u qaadin. Dh: dhabacle, mirtifiqle, tumay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HURBUNLE
(Hurbunleh) S, May Dactyloctenium aegyptium (L) Willd. Gramineae.
May, S Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtuble
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar la ciyaaro. Aniga iyo axmed kurtuble ayaanu ciyaarnay. Dh: hurdub.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
usbuucle
-ha; (n) weekly (wiikli). Ex: wargeys usbuucle ah; a weekly newspaper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
usbuucle
-ha: (magac, lab, keli) wargeys iyo wax la mid ah oo toddobaadkii ba mar soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yurqudle
m.l (-layaal, m.l/dh) Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurqudle
-ha: (magac, lab, keli) waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbaalle
m.l 1. Qaab orod ama socod ah oo qof wax cabsiinaya sameeyo. 2. la-mid: humbaalleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humbaalle
m. n. stealth walk (with camouflage), move about on tip toe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaalle
-ha: (magac, lab, keli) socod wax dusha la iskaga dedo oo hambulhambul loo socdo dadkana lagaga cabdsiiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humbaalle
de: stealth walk (with camouflage), move about on tip toe
lx: humbaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: humbaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududiye
m.l la-mid: kuududshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududiye
-ha: (magac, lab, keli) cudur ku dhaca dadka iyo duunyadaba oo lala kici waayo; kuduudiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududshe
(Kuududsha-ha)
Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo lala kici waayo; (ama kuududiye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududshe
m.l Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. la-mid: kuududiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuududshe
m.l Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. la-mid: kuududiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuududshe
m. n., [collective] fatal disease affecting humans and animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududshe
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka iyo xoolaha ku dhaca oo lala kici waayo. Dh: kuudadiye. Wa: kuudadshayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuududshe
a: kuududiye (/ha) [n-m-col]
de: fatal disease affecting humans and animals
lx: kuududshe
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: kuududshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumburyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) la-mid: tumbur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumburyee
(fal) tantoomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg yumbudhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhso
(fal) si kuudad iyo kadalloob u dhexaysa u fadhiiso, kadalloobso. Yunbudhso dabka dushiisa. Dh: yuxduudso, kumbudhso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FURBUNDOOLE
(Furbunole) N Athroisma lobatum (Klatt) Mattf. Compositae.