ereyga

kulqaad-gaar

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kulqaad-gaar

DHAN

m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kulqaadgaar

DHAFAN

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dulqaadad

DHAFANDHAAF
1

(Dulqaadad-ka)

2

Dulqaadasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dulqaadad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: dulqaadasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kala-saar

DHAFANDHAAF

-ay / tay / een / nay: (v) 1. differentiate (difaran shi-yeet); distinguish (distin-guwish). 2. pass judgment between people

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

LAAN-BAAR

DHAFANDHAAF

(Lanbar) N Euphorbia systyla Edgew. Euphorbiaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

LAAN-QAAR

DHAFANDHAAF

(Lanagar) N Farsetia longistyla Bak. Cruciferae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kulaalayaal

DHAFANDHAAF

m.l/dh (juqraafi) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kulaalayaal

DHAFANDHAAF

m.l/dh (juqraafi) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kulaalayaal

DHAFANDHAAF

Tropics

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kulaalayaal

DHAFANDHAAF

-sha: (magacwadareed) jugraafi ahaan, gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaas oo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale ahaan, laga helo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dulqaad yari

DHAFANDHAAF

-da: (n) impatience (im-peey-shensi); intolerance (intoo-laransi); restlessness (rest-les-nes); nervousness (neer-vas-nes) ~ dulxumo, waxba aan xamili karin

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xilqaaditaan

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) xil xambaaritaan oo dhabarka saaritaan. Dh: xilqaadniin.

2

xilqaaditaan-ka: (magac, lab, keli) xil ka casilitaan. Dh: xilqaadniin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fallaadhgaame

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguur bu'eed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Buuqa Agagaarka

DHAFANDHAAF

Background noises

waa la naqliyay ✓