kulmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho; meel ku kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa walax meel ka laadlaaddaa ay samayso, Dh: ruxmid, ruxmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulasho
-da: (magac, dhedig, keli) rajaynta iyo naruurashada wax soo socda. Dh: naawilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Umasho
(Umasha-da)
Naf ka bixid; dhimasho; geeryoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
umasho
f. n., [abstract] death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo xaalad geeriyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
umasho
de: death
initial: u
lx: umasho
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: dhimasho
key: umasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humasho
m.f.dh eeg humo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humasho
vl. n. mending (of clothes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humasho
-da: (magac, dhedig, keli) maro calal ah tolosho. Dh: toltolosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humasho
cf: humo
de: mending (of clothes)
lx: humasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: humasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulasho
(Lulasha-da)
1. Caano subag ka soo saarasho; barwaaqo helid.
2. Wax meel ka laallaada ahaansho; lulmasho; raaracid; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulasho
m.f.dh eeg lulo. la-mid: lulad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulasho
-lulashada: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing); pendulum movement ~ ruxasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ka laallaada ahaansho. Dh: lulmasho, raaracid, lulad, lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tumasho
(Tumasha-da)
1. (bir) samaysasho, garaacsasho.
2. Caweys ka qayb gelid; cayaarid; dheelid.
3. (ku tumasho) qof korki ama wax kale ku durdurin, ku baabbaacayn; cagaha la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumasho
m.f.dh eeg tumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tumasho
vl. n. pounding, beating; dancing; having fun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tumasho
-tumashada: (n) enjoyment (in-jooy-ment); fun (fan)
ku tumasho -tumashada: (n) violation (yaaya-leey-shiri); breach (biriij); the act of breaking or disregarding the law or a promise, the act of trampling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumasho
-da: (magac, dhedig, keli) amley iyo wixii la mid ah, samaysasho.
tumasho -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar iyo sacab isku maaweelin. Tumashiyo ciyaar loo gudaa talo maaha.
tumasho -da: (magac, dhedig, keli) ku joogjoogsasho ama ku isistaagid.
tumasho-da: (magac, dhedig, keli) nin ka sinaysta gabadh aanu qabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tumasho
de: pounding, beating; dancing; having fun
initial: t
lx: tumasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: tumo
key: tumasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tumasho
رقص
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumasho
m.f.dh eeg uumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, abuurasho. Dh: samaysasho, abuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xulasho
(Xulasha-da)
Wax badan, kuwa ugu wanaagsan kala bixbixid; soocasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulasho
m.f.dh eeg xulo. la-mid: xulad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xulasho
Selezione
Selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan inta ugu wanaagsan kala bixid oo ka dhex naqaysasho. Alaabta xulashada ka daa oo badh uun ku nasiibi. Dh: soocasho, naqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burmasho
-da: (magac, dhedig, keli) u gurmashada cid dhib haysato. Burmasho haddaannu ka waynay bannaanka hannaga maraan. Dh: gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calmasho
(Calmasha-da)
Jeclaysasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmasho
m.f.dh eeg calmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmasho
vl. n. act of choosing, loving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmasho
-calmashada: (n) a wish or longing; desire (di-zaayr)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmasho
de: act of choosing, loving
lx: calmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: calmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) lulashada iyo lalmashada wax laallaada. Sitaacii dalmanaayoo, dawankii ka ciyaayoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmasho
m.f.dh eeg furmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xidhnaa furasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmasho
-da: (magac, dhedig, keli) galbasho iyo tegitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmasho
(Gurmasha-da)
Meel dhiillo laga keenay ama shil weyni ka dhacay, degdeg ciidan ugu dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmasho
m.f.dh eeg gurmo. la-mid: gurmad (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmasho
vl. n. act of rushing to the rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiillo ama wax kale ka dheceen taageero degdeg ugu dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmasho
a: gurmad
de: act of rushing to the rescue
lx: gurmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gurmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hullasho
(Hullasha-da)
Wax wax isugu soo toosin; ugu soo dhuumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullasho
m.f.dh eeg hullo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dhuumasho ah wax isku toosin, ugu soo dhuumasho. Dh: dhuumasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku tasho
v. decide on; count ~ depend on, rely upon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_tasho
de: decide on; count ~ depend on, rely upon
lx: ku tasho
pd: (tashaday)
ps: v3a=expr
xe: Count on staying at my place.
xv: Ku tasho inaad ila joogto.
key: ku_tasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufsasho
(Kufsasha-da)
naag ama gabar la xoogo oo loo tago; qof dumar ah oo la qabsado isagoo aan raalll ka ahayn; qabsasho; xoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufsasho
m.f.dh eeg kufso. la-mid: kufsad, kufsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufsasho
vl. n. rape, act of raping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufsasho
-kufsashada: (n) rape (reeyp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufsasho
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney, xoog ugu galmoodid. Dh: kufsad, kufsi, xoogid, qabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufsasho
a: kufsad (ka) [vn-m]
de: rape, act of raping
lx: kufsasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: kufsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbasho
-da: (magac, dhedig, keli) werwerka aadka u badan. Intii aad iga maqneyd kurbasho ayaa i haysay. Dh: cabsi, kardhad, baqdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulasho
m.f.dh eeg kuulo. la-mid: kuulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmasho
(Lalmasha-da)
Wax meel ka lusha ahaansho; lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmasho
m.f.dh eeg lalmo. la-mid: lalmad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lalmasho
Suspension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lalmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxmasho
m.f.dh eeg ruxmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruxmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulxasho
(Sulxasha-da)
Gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho ku gelid; shalwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulxasho
m.f.dh eeg sulxo. la-mid: sulxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulxasho
-da: (magac, dhedig, keli) gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho; sibiibisasho; saliitayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumasho
m.f.dh eeg alkumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuumasho
(Dhuumasha-da)
Si loo waayo oo haddii la doondoono aan loo helin, meel aan layska arki karin, gelid ama tegid; si aan loo arag, ku kicid; is qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumasho
m.f.dh eeg dhuumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuumasho
vl. n. in hiding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuumasho
-dhuumashada: (n) the act of hiding (haay-dhing)-, or keeping out of sight; Ex: dhuumashada jooji; stop hiding yourself
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhuumasho
Nascondersi; sottrarsi
To hide; to avoid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumasho
-da: (magac, dhedig, keli) is qarin oo meel indhaha dadka ka qarsoon galid. Dhuumasho dhabarku muuqdaa dhuumasho ma aha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuumasho
de: in hiding
lx: dhuumasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhuumasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhuumasho
استتار، اختباء
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku qaysho
v. shout at, reprimand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_qaysho
de: shout at, reprimand rw: qaylo
lx: ku qaysho
pd: (qayshaday)
ps: v3a=expr
key: ku_qaysho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukumasho
(Rukumasha-da)
Rukun ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukumasho
m.f.dh eeg rukumo. la-mid: ruku-mad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rukumasho
-rukumashada: (n) subscription (sab-iskirip-shin); something ordered or subscribed to regularly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukumasho
-da: (magac, dhedig, keli) joogto macmiil ah ka dhigasho. Rukumasho ayaan raashinka ku helaa. Dh: rukumad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukulasho
m.f.dh eeg sukulo. la-mid: shukulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kululaansho
(Kululaansha-ha)
Wax aan qaboobeyn oo kulul ahaansho; kululaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kululaansho
m.l la-mid: kululaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kululaansho
vl. n., stative v. heat, state of heating up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululaansho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kululaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kululaansho
a: kululaan
de: heat, state of heating up
lx: kululaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: kululaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulnaansho
m.l/dh la-mid: kuulnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax kuulan ahaansho; indhakuulnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusho
f.mg3 (-shaday, -shatay) Kul iyo caro iska dareemid; xanaaqid; dhiidhiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kusho
(fal) cadhoo oo dhirif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulsho
(Bulsha-da)
1. Horin dad ah oo isku hawl iyo dano ah (fardooley, lo'ley, ...).
2. Urur; wadajir; mujtamac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulsho
m.dh (-ooyin, m.l) Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulsho
m.dh (-ooyin, m.l) Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulsho
f. n. society, social group, community; small group of cattle herders ~ people working together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulsho
-bulshada: (n) [Pl. bulshooyin-ka] society (soo saayati); community (komyuuniti) ~ mustamac, jaaliyad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bulsho
Comunità; società
Community; society
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulsho
-da: (magac, dhedig, keli) dad meel wada yaal oo dhif iyo dheef wada wadaaga. Bulsho is kaashataan nahay.