kuldiirin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiirin
m.f.dh eeg kuldiiri. la-mid: kuldiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiirid
m.f.dh eeg kuldiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiiris
m.l la-mid: kuldiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiir
kuldiir¹: m.l.kh (-rro, m.dh) la-mid: kuljiir.
kuldiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax qabow kul yar helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuldiir
m. n., [compound] warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldiir
-ka: (magac, lab, keli) diirrimaad ama kulalyl yar oo aan badnayn. Dh: diirrimaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuldiir
a: kuljiir
de: warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
lx: kuldiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kuldiir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaldiirin
f. n., [compound] incubator
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaldiirin
de: incubator
lx: dhaldiirin
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: dhaldiirin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirin
(Diirin-ta)
Wax yar kululayn; qandac ka dhigid; (ama diirrin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirin
m.f.dh eeg diiri. la-mid: diiris¹, diirrimaad, diirrin, diirris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dabka saarid oo in yar kulaylin ama qabawga ka bi'in. Dh: kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duldiir
m.l Awr rarku haaro u yeelay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku diin
v. be surprised ~ astonished at, be stupefied by
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_diin
de: be surprised ~ astonished at, be stupefied by
lx: ku diin
pd: (diimay)
ps: v1=expr
key: ku_diin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuljiir
(Kuljiir-ka)
(wax la cabbo) kulayl aan badnayn; kul dhexdhexaad ah oo fartu garato; qandac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida ay yeeshaan; qandac. la-mid: kuldiir¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida, ay yeeshaan;qandac. la-mid: kuldiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuljiir
m. n., [compound] warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuljiir
-ka: (magac, lab, keli) kulayl aan badneyn oo la cuni karo. Dh: diirrimaad, qandac, kuljidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuljiir
bw: kuldiir
de: warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
lx: kuljiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: qandac
key: kuljiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulniiin
-ka: (magac, lab, keli) fulitaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaldiira
Caldera
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaltirin
(Kaltirin-ta)
Wax rimman sidkood u maalmo tirin; xoolaha, goorta la shuba hayo iyo intay hadba qada hayaan, tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltirin
m.f.dh eeg kaltiri. la-mid: kaltiris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaltirin
vl. n., [compound] calculation, estimate ~ estimation of time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltirin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta maalmood ee ay xooluhu qadayaan oo loo tiriyo; inta cisho ee ay xooluhu ceelka ka moogaanayaan oo loo tiriyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaltirin
de: calculation, estimate ~ estimation of time
lx: kaltirin
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: kaltirin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku diran
adj., [expression], [adverb] against
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_diran
de: against
lx: ku diran
pd: (dirnaa)
ps: adj-expr / adv
key: ku_diran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiidin
m.dh la-mid: kuududin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawdiidin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kuudad ah u fadhiisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamiirin
(Khamiirin-ta)
Khamiir ka dhigid; (ama qamiirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiirin
m.f.dh eeg khamiiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamiirin
vl. n. fermentation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamiirin
-ta: (n) fermentation (feer-man- teey-shen)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamiirin
de: fermentation
lx: khamiirin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: khamiirin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
khamiirin
تَحْمِير
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku biiran
v. join (up with)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_biiran
de: join (up with)
lx: ku biiran
pd: (biirmay)
ps: v1=expr
key: ku_biiran
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul fidin
Thermal expansion
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldhibib
m.l (daaw.) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldhibib
-ka: (magac, lab, keli) (daawo) xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiirin
m.f.dh eeg qandiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan dabka saarsaarid oo qabawga ka bi'in. waxqabad diirdiirran: (tilmaame) mid firfircoon oo leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku tiirsan
-ku tiirsanaa: (adj) leaning upon (liining apoon); reliant (rilaayant); dependent (dipen-dhent)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-dhibib
m.l (daawo) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirin
(Biirin-ta)
Gundhig hadba wax yar ku sii darid si uu u bato; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirin
m.f.dh eeg biiri. la-mid: biiris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku darid. Biirinta mishaarada waxa laga sugayaa batroonka. Dh: siyaadin, kordhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibrin
(Dibrin-ta)
Dibir ku dhufasho; legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibrin
m.f.dh eeg dibri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibrin
-ta: (magac, dhedig, keli) legdid oo xambaaro dhulka dhigid. Dh: legdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilin
m.dh la-mid: diillin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xarriiq oo dheer oo ka dhex muuqda meesha ama shayga uu ku dhex yaallo. Diilin cad buu daahu leeyahay. Dh: liid.
diilin -ta: (magac, dhedig, keli) xanjaadka badhtankiisa meesha inta kale ka godan kolka la buuran yahay kolka la dhuubtana lafaha dhabarku ka soo baxaan. Faras diilinta madaw aya na qaaday Dh: dhabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiran
Diirka laga qaaday; muruxsan; qayaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiran
dįiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax diirkii ka dhacay noqosho.
dįiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la diiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiran
dįiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax diirkii ka dhacay noqosho. m.f.dh, dįirmid.
dįiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la diiray ahaansho. m.f.dh, dįirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiran
der. [adjective] peeled
diiran [inchoative] v. be peeled ~ skinned; lose bark (of tree ~ shrub)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiran
-diirnaa / diirnayd: (adj) peeled (piilidh)
diiran -aa/nay: (adj) warm (woorm)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiran
(tilmaame) mid qoloftii sare laga qaaday Aalo diiran ayaan calashaday. Dh: hoolan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirid
(Diirid-da)
1. Diirka ka qaadid.
2. Qandac noqosho; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirid
m.f.dh eeg diir³. la-mid: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįirid
m.f.dh eeg dįir³. la-mid: dįiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diirid
Derivation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirid
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qashirid; gal saaran ka dul qaadid. Dh: diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiris
diiris¹: m.l la-mid: diirin.
diiris²: m.dh la-mid: diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiris
m.dh la-mid: dįirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirin
(Fiirin-ta)
1. Indhaha ku dhugasho; jeedaalin; eegid; arkid.
2. Fiiro u yeelasho; fekerid; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirin
m.f.dh eeg fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro iyo feker u yeelad. Dh: fiiris, fekerid, baadhid.
fiirin -ta: (magac, dhedig, keli) indhaha ku dhugasho; fiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrin
(Kibrin-ta)
Kibir ku abuurid; qof kibrey ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrin
m.f.dh eeg kibri. la-mid: kibris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibrin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, kibir ku abuurid; qof kibrey ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufrin
m.dh la-mid: kufriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmin
(Kulmin-ta)
Meel isugu keenid; shirin; isgaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmin
m.f.dh eeg kulmi. la-mid: kulmis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, meel isugu keenid. Dh: shirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kutiri
de: rumor, hearsay, gossip; unreliable news
lx: kutiri
pd: (-ka)
ps: np-m
key: kutiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurin
(Kuurin-ta)
Ku soo dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurin
m.f.dh eeg kuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku soo dhawaansho. Dh: u dhawaasho. Li: fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Librin
(Librin-ta)
Meel ku wada eryid, wada gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
librin
m.dh la-mid: libdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicin
m.f.dh eeg liici. la-mid: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan soo qalloocin; soo nadoocin. Dh: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidin
-ta: (magac, dhedig, keli) yasid oo wax liita ka dhigid. Dh: yaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilin
m.f.dh eeg liili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilin
-ta: (magac, dhedig, keli) suun iyo wixii la mid ah, jilcin oo daguugid. Waxa la soo qaataa qori farraaro leh oo waxa la jilcinayo la dhexgeliyo oo marba dhinac loogu jiido ilaa uu ka jilcayo.
liilin -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ul ku dhufasho; ul la dhacid. Dh: liilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirin
m.dh la-mid: miyirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudrin
m.dh la-mid: murdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiirin
(Tiirin-ta)
1. (ku-tiirin) wax, si ayan u dhicin, wax kale oo xoog u qotoma, dhinaca u saarid, cuskin.
2. Tiir u yeelid; waxtarid; gargaarid; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirin
m.f.dh eeg tiiri. la-mid: tiiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tiirin
support
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey, si aanu u dhicin wax kaloo qotoma dhinaca u saarid.
tiirin-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) si ayan u dhicin, wax kale oo qotoma, dhinac u saarid, cuskin. Ku tiirintu waa culays.
tiirin -ta: (magac, dhedig, keli) gargaarid: tiiris; taageerid; waxtarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg bulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culliin
-ka: (magac, lab, keli) cugitaanka weel. Dh: culniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg culliin.