kuldiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiir
kuldiir¹: m.l.kh (-rro, m.dh) la-mid: kuljiir.
kuldiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax qabow kul yar helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuldiir
m. n., [compound] warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldiir
-ka: (magac, lab, keli) diirrimaad ama kulalyl yar oo aan badnayn. Dh: diirrimaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuldiir
a: kuljiir
de: warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
lx: kuldiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kuldiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar kululayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duldiir
m.l Awr rarku haaro u yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuljiir
(Kuljiir-ka)
(wax la cabbo) kulayl aan badnayn; kul dhexdhexaad ah oo fartu garato; qandac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida ay yeeshaan; qandac. la-mid: kuldiir¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuljiir
m.l.kh K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iyo wixi lamida, ay yeeshaan;qandac. la-mid: kuldiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuljiir
m. n., [compound] warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuljiir
-ka: (magac, lab, keli) kulayl aan badneyn oo la cuni karo. Dh: diirrimaad, qandac, kuljidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuljiir
bw: kuldiir
de: warmth, tepid liquid, lukewarm temperature
lx: kuljiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: qandac
key: kuljiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiirid
m.f.dh eeg kuldiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiirin
m.f.dh eeg kuldiiri. la-mid: kuldiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiiris
m.l la-mid: kuldiirin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaldiira
Caldera
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulciir
(fal) si awood la'aan ah shay korkiisa ugu dhac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku biir
v. join an organization
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku diin
v. be surprised ~ astonished at, be stupefied by
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_biir
de: join an organization
lx: ku biir
pd: (biiray)
ps: v1=
key: ku_biir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_diin
de: be surprised ~ astonished at, be stupefied by
lx: ku diin
pd: (diimay)
ps: v1=expr
key: ku_diin
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldhibib
m.l (daaw.) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldhibib
-ka: (magac, lab, keli) (daawo) xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buldiyid
(Buldiyid-da)
Buldi ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buldiyid
m.f.dh eeg buldi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buldiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buldi ku cabbirid. Buldiyidda waxa loo adeegsadaa meelha dhaadheer iin si fudud loo gaadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khadiira
magac loo baxsho gabadh loo rajaynayo in ay noqoto mid nasiib badan oo lagu reeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-dhibib
m.l (daawo) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diir
(Diir-ka)
Xuubka, dubka, qolofta, mayraxda iyo wixii la mid ah oo ku rogan geedaha iyo miraha, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diir
diir¹: m.l Kulayl, uumi.
dįir¹: m.l Dubka sare ee lafta geedka.
diir²: m.dh la-mid: diirdiir².
dįir²: m.dh.u la-mid: digir².
diir³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax in yar kululaansho. 2. Qof, in yar xanaaqid.
dįir³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Geed diir ka qaadid. 2. Wax qaawin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diir
diir¹: m.l Kulayl, uumi.
diir²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax in yar kululaansho. 2. Qof, in yar xanaaqid. m.f.dh, diirid.
dįir¹: m.l Dubka sare ee lafta geedka.
dįir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Geed diir ka qaadid. 2. Wax qaawin. m.f.dh, dįirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diir
Drive
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diir
m. n. skin of fruit ~ plant; peeling, peel, rind; cover
diir v. peel, skin, strip
diir v. become warm
diir [feminine] n., [collective] caterpillar(s), worm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diir
-ka: (n) rind (raynd); skin (iskiin); peeling (piilin); outer covering (ka-ver) ~ dub, qubka
diir -ay / tay: (v) peel (piil); strip or cut away the skin ~ fiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diir
(fal) qolofta sare ka qaad. Maydhax ka diir geedka. Dh: fiiq.
diir -ka: (magac, lab, keli) dubka sare ama maqaarka. Waxaan nahay dad isku diir iyo isku diin ah.
diir-ta: (magac, dhedig, keli) jaad xasharaadka ka mid ah oo dhirta cuna. Dh: dirindiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiir
-ka: (magac, lab, keli) bir sida giraanta baaskiiladda ah oo lagu xidhay bir qaacwada ah oo afka loo geliyey dab la wareejiyo oo neefta ka samaysanta lagu buufiyo dabkaas oo biraha la tumayo lagu caddeeyo. Kiirka wareeji oo dabka ku shid birtu ha caddaato si loo tume e'. Wa: kiirar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buldi
(Buldi-ga)
Qalab siyaalo badan loo sameeyo oo wixii qoddo fog ama qusur ah dhererkooda lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buldi
buldi¹: m.l (-iyo, m.dh) Bir dhagax iyo wixi lamida oo xarig dheer ku xiranyahay oo lagu cabbiro qotada biyaha badda, webiga iyo wixi lamida.
buldi²: f.g1 (-iyay, -isay; -iyi) Biyo bad, webi iyo wixi lamida qotodooda cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buldi
m.l (-iyo, m.dh) Bir dhagax iyo wixi lamida oo xarig dheer ku xiranyahay oo lagu cabbiro qotada biyaha badda, webiga iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buldi
m. n. instrument used for measuring depth
buldi v. sound, measure the depth of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buldi
(fal) buldi ku qiyaas. Buldiyey gotodhererka ceelkiiye.
buldi -ga: (magac, lab, keli) agab siyaabo badan u samaysan wax alla wixii qotodheer lagu qiyaaso; biyaha meesha keli ah ee lagu tijaabiyo. Buldiba waa lagu cabbiraa wixii kaa qotofogaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudid
(Kudid-da)
1. (lo', gammaan) boodid; kudaalid.
2. Orod kuddo ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudid
m.f.dh eeg kud². la-mid: kudmo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedig u galmood: galmo ku samayn. Dh: galmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulli
Aan wax ka maqnayn; giddi; dhammaan; kur-.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulli
num., [adjective] all
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulli
(adj) whole (hool); all (ool) ~ dhammaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kulli
Tutti
All
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulli
(tilmaame) aan waxba ka maqnayn. Dh: dhammaan, giddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulli
de: all With possessive pronoun
lx: kulli
ps: num-adj-m
xe: dhan
xv: giddi, kur
key: kulli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel isugu keenid (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulmi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel isugu keenid (nafley). m.f.dh, kulmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulmi
v. cause to meet, convene
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmi
(fal) meel isugu keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulmi
de: cause to meet, convene rw: kulan
lx: kulmi
pd: (kulmiyey)
ps: v2a=
key: kulmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kundi
-ga: (magac, lab, keli) col farabadan oo qalab sita. Dh: ciiddan, jeysh, askar. Wa: kundiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwii
mu.ac.w eeg kii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwii
mu.ac.w eeg kii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuwii
det, pl. the ones
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuwii
(pronoun) those ones or these ones
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuwii
(magacuyaal) aan cayinayn; kii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuwii
cf: kuwa
de: the ones Plural of -kii or -tii; already introduced or known information;
lx: kuwii
ps: det-pl
key: kuwii
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u dir
-ay / tay: (v) 1. send (send); transmit (taraanis-miit); dispatch (dis-paaj); ~ dir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buliis
m. n. police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buliis
-ka:(n) 1. police officer (poliis o-fiser)-, cop (kaap)-, constable ~ booliis, boliis 2. police station
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buliis
a: boliis {Eng}
de: police
lx: buliis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: buliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiir
(Gadiir-ka)
Kalluunka badda mid kamid ah (ama gediir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiir
m.l Nooc ka mid ah kalluunka badda. la-mid: gediir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiir
m. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiir
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Gadiir iyo galaaciif ba maanta waan soo buuxsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadiir
a: gediir
de: fish sp.
lx: gadiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gadiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gediir
(Gediir-ka)
Gadiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gediir
m.l la-mid: gadiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gediir
m. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gediir
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluun goomeedka oo badda ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gediir
a: gadiir
de: fish sp.
lx: gediir
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: gediir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilgiir
(Ilgiir-ta)
Aan hadli karin; aan wax iska celina hayne isha uun ka mirigsiina haya; ilmirigle; ilmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilgiir
ilgiir¹: m.l Qof daymo kulul.
ilgiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof daymo kulul ku eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilgiir
ilgiir¹: m.l Qof daymo kulul.
ilgiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof daymo kulul ku eegid. m.f.dh, ilgiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilgiir
f. n., idiom: timid ~ shy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgiir
-ka: (magac, lab, keli) indhaha dagaal ka muujin. Dh: huruuf, gooddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilgiir
de: timid ~ shy person Lit: colored eye
lx: ilgiir
pd: (-ta)
ps: n-f-idiom
key: ilgiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadir
m.l (-rro, m.dh) la-mid: kaadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabiir
(Kabiir-ka)
1. Ardayga hadba dugsiga looga dhigo madax.
2. (saqiir iyo kabiir) qof weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabiir
m.l (-rro, m.dh) Arday horjooge u ah arday Quraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabiir
m.l (-rro, m.dh) Arday horjooge u ah arday Quraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabiir
m. n. senior student in Koranic school who acts as assistant to the teacher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabiir
-ka: (n) prefect (piriifekt); student monitor ~ horjooge, kaabe galaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabiir
-ka: (magac, lab, keli) ardayga fasalka ilaaliya inta uu baruhu ka maqanyahay, macalin yare, ku sime. Dh: horjooge.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabiir
cf: arday
de: senior student in Koranic school who acts as assistant to the teacher
lx: kabiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kabiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaliil
(Kalii-sha)
Xilli kulul oo roobka ka soo horreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaliil
m.dh (-lo, m.l) Xilliga roobka gu' bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaliil
m.dh (-lo, m.l) Xilliga roobka gu' bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaliil
magac loo baxsho wiil dhashay waqti kaliil ah oo kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaliil
-sha: (magac, dhedig, keli) xilli kulul oo roobka ka soo horreeya; goor xilli roobaadka ka soo hor marta oo kulul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kariir
-ta: (magac, dhedig, keli) geed gaab aan qodxo lahayn oo midho yaryar oo aan la cunin bixiya. Dh: geedjin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kildhi
-ga: (magac, lab, keli) weel lagu karsado shaaha ama bunka. Shaaha kildhiga ku jira darmuuska ku shub. Dh: jalamad, jamlad, ibriiq, kirli. Wa: kildhiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiriir
m. n. grain of seed, pip; corpuscle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiriir
-ta: (magac, dhedig, keli) geedcaleemaad yar oo leh qodxo iyo iniino kulkulucsan. Dh: xumboo, xumboox, kiriiri.