kuldahsoone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldahsoone
-ha: (magac, lab, keli) kulaylka la nuugay ama la kaahfalay waqtiga wejigeddoonka oo ku salaysan kul iyo cadaadis go'an.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul dahsoone
Latent heat
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldahsoon
m.l (fiisikis) Summad L. Xaddiga kulka ee ay qaadato ama ay bixiso walax marka u weji-geddoon ku dhacayo, heerkulkuna yahay joogto. Sida weji-geddoonka adkaha uu noqdo hoor, marka heerkulku yahay barta dhalaashanka, ama weji-geddoonka hoorku uu noqdo neef, marka heerkulku yahay barta karka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldahsoon
-ka: (magac, lab, keli) summadda (L.) xaddiga kulka ee ay qaadato ama ay bixiso walax marka u wejigeddoon ku dhacayo, heerkulkuna yahay joogto. Sida wejigeddoonka adkaha uu noqdo hoor, marka heerkulku yahay barta dhalaashanka, ama weji-geddoonka hoorku uu noqdo neef, marka heerkulku yahay barta karka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-dahsoon
m.l (fiisikis) Summad L. Xaddiga kulka ee ay qaadato ama ay bixiso walax marka u weji-geddoon ku dhacayo, heerkulkuna yahay joogto. Sida weji-geddoonka adkaha uu noqdo hoor, marka heerkulku yahay barta dhalaashanka, ama weji-geddoonka hoorku uu noqdo neef, marka heerkulku yahay barta karka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahsoone
-ha: (magac, lab, keli) noolaha Rabbi abuuray inta kuwa aan awoodda u lahayn araggooga. Dh: jin, cifriid, qarsoone.
dahsoone-ha: (magac, lab, keli) wixii aan la hubin qumihiisa ee in la qeexa ah. Isle'egga x+5=2, xarafka x waa dahsoone.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku kalsoon
adj., [expression] confident in, relying upon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_kalsoon
de: confident in, relying upon
lx: ku kalsoon
pd: (kalsoonaa)
ps: adj-expr
xe: One could be confident with his judgment.
xv: Gartiisa lagu kalsoon yahay.
key: ku_kalsoon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahsoon
der. [adjective] covered, veiled, curtained; hidden, invisible, unknown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daahsoon
-aa I ayd: (adj) hidden (hidh 'en); concealed (kon-siilidh), undercover, behind-the-scenes ~ qarsoon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daahsoon
Astratto; ignoto
Abstract
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahsoon
de: covered, veiled, curtained; [ext.] hidden, invisible, unknown Alt sp: dahsoon
lx: daahsoon
pd: (daahsoonaa)
ps: adj-der
key: daahsoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudhoon
(tilmaame) wax tuqan oo cidhiidhi ah sida gadh iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadkoone
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo adeegsado in lagu cabbiro xagasha digriiga ah siiba marka la jaangoynayo halkay koonayaashu isugu yimaaddaan. Dh: jaangooye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalasooc
(Kalasooc-a)
Wax kala jaad ah oo isku darsan oo intii is lehba gooni loo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasooc
kalasooc¹: m.l 1. Wax kala jaad ah oo isku darsan oo intii is lehba gooni loo saaro. 2. la-mid: kalasoocid¹.
kalasooc²: f.g1 (-cay, -cday) Wax kala jaad ah oo isku darsan intii is lehba gooni u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalasooc
f.g1 (-cay, -cday) Wax kala jaad ah oo isku darsan intii is lehba gooni u saarid. m.f.dh, kalasoocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasooc
(fal) eeg kalamadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalsooni
(Kalsooni-da)
Kalsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsooni
m.dh la-mid: kalsoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalsooni
f. n., [abstract] confidence, trust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalsooni
-da: (n) confidence (konfidansi), trust (tarast)-, faith (feey th) ~ niyadsami
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalsooni
Confidenza
Confidence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsooni
-da: (magac, dhedig, keli) aaminaad lagu qabo nafta ama cid kale. Dh: aamminaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalsooni
de: confidence, trust
lx: kalsooni
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: kalsooni
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kalsooni
ثقة
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku darso
v. add up for oneself; have something in addition to something else
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_darso
de: add up for oneself; have s.t. in addition to s.t. else
lx: ku darso
pd: (darsaday)
ps: v3a=expr
key: ku_darso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kulmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kulmay ahaansho. m.f.dh, kulansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulansan
der. [adjective] gathered, assembled; united
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulansan
-aa: (adj) assembled; gathered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulansan
(tilmaame) meel isugu yimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulansan
de: gathered, assembled; united
lx: kulansan
pd: (kulansanaa)
ps: adj-der
key: kulansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho; meel ku kulmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuwaasoo
deictic, pl., [conjunction] those who ...; the ones which ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuwaasoo
(pronoun plus conjunction) and those. Ex: kuwaasoo kale ma rabtaa; do you want one like those
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuwaasoo
de: those who ...; the ones which ...
lx: kuwaasoo
ps: deic-pl + conj
key: kuwaasoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baldhoole
(Baldhoola-ha)
Jaad cawska ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baldhoole
m.l.u Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baldhoole
m.l.u Caws dhaadheer, caleemo adag leh oo xooluhu daaqaan raradana laga sameysto oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baldhoole
m. n., [collective] grass species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BALDHOOLE
Tetrapogon tenellus 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BALDHOOLE
(Baldole) S Afrotrichloris hyaloptera Clayton. Gramineae.
N Brachiaria ovalis Stapf. Gramineae.
N Chloris roxburghiana Schult. Gramineae.
N Digitaria pennata (Hochst.)T.Cooke. Gramineae.
N Echinochloa colona (L) Linke. Gramineae.
N Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Leptochloa obtusiflora Hochst. Gramineae.
N Brachiaria obtusiflora (A.Rich.)Stapf. Gramineae.
S Aristida adscensions L. Gramineae.
N Enneapogon scaber Lehm. Gramineae.
C Aristida sieberiana Trin. Gramineae.
C,S Panicum coloratum L. Gramineae.
N Panicum maximum Jacq. Gramineae.
N Rhynchelytrum repens (Willd)C.E. Hubb. Gramineae.
C Tetrapogon tenellus (Roxb) Chiov. Gramineae.
N Tricholaena teneriffae (L.F.)Link. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baldhoole
-ha: (magac, lab, keli) geed cawsaad ka baxa bannaanada iyo dooxada hareeraheeda. Wuxuu leeyahay alool dhaadheer oo agabka guryaha laga sameeyo. Caleentiisu marka ay soo baxayso way isku duuban tahay marka danbana caws ahaan bay u kala dillaacdaa. Hawd iyo bannaanoo, maadhiyo baldhooluhu, baarka isku sooheen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baldhoole
cf: caws
de: grass sp.
lx: baldhoole
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: baldhoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulkahoor
dulkahoor¹: m.dh Daruur qof korkiisa curatay oo da'day.
dulkahoor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daruur qof dushiisa ku di'id.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Kaadkoone
Oalabka lagu hubiyo furnaanta darajada xagasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaryoone
-ha: (magac, lab, keli) gaadhi gacameed ka samaysan bir ama loox oo hal shaag, labo lugood oo uu ku joogsado iyo labo gacmood oo lagu riixo leh. Dh: gaadhigacan, kaaryoon. Wa: kaaryoonayaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala sooc
v. separate, distinguish; segregate, classify
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kala_sooc
de: separate, distinguish; segregate, classify
lx: kala sooc
nt: kalasooc (a) [vn2a-m] 'separation'
pd: (soocay)
ps: v1=expr
key: kala_sooc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aroor hore soconaya ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guldaloolo
-guldaloolada: (n) [Pl. guldaloolooyin-ka] a way of escaping a difficulty: loophole (luuphool) ~ goldaloolo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pulsazióne
s.f. - diglayn (ta), dikaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbahoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qalab leh af u eg kan mishaarta oo qumbaha lagu xoqo, gadaalna ku leh qori dheer oo lagu fadhiisto. la-mid: qumbahool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumbahoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qalab leh af u eg kan mishaarta oo qumbaha lagu xoqo, gadaalna ku leh qori dheer oo lagu fadhiisto. la-mid: qumbahool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumbahoole
-ha: (magac, lab, keli) qalab leh af u eg kan mishaarta oo qumbaha lagu xoqo, gadaalna ku leh qori dheer oo lagu fadhiisto. Dh: qumbahool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunbahoole
(Qunbahoola-ha)
Qalab qunbaha naarajiinta lagu diiro; waa qori leh meel lagu fariisto iyo af yar oo bir ilko lihi ku jirto (ama qunbahool).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunbahoole
m. n. coconut-grater
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunbahoole
de: coconut-grater
lx: qunbahoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qunbahoole
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku kalsooni
-da: (n) self-confidence (salf koonfidans);