kulaalaha-koonfureed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaalaha-koonfureed
m.l (juqraafi) Barbar laahe lool, qiyaas ahaan 23° k, oo muujinaya dacalka ugu koonfureeya ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulaalaha-koonfureed
m.l (juqraafi) Barbar la-ahe lool, qiyaas ahaan 23° k, oo muujinaya dacalka ugu koonfureeya ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kulaalaha koonfureed
Tropic of capricorn

Kulaalaha konfureed
Capricon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidda-dhexe
m.dh (-dyo ..., m.l) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiido
jiido¹: m.dh (-ooyin, m.l) (c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul.
jiido²: f.g3 (-iitay, -iidatay) 1 . Soo j.: docdiisa u jiidid. 2. Wax la tegid iyadoo dhulka lagu jiidayo. 3. Meel fog aadid, tegid. 4. Dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaalayaal
m.l/dh (juqraafi) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiddadhexe
m.dh (-dyo ..., m.l) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiido
jiido¹: m.dh (-ooyin, m.l) (c.fal.) Shanta gobol ama jiidood ee dhulka marmarka qaarkood loo qeybiyo. Waa meelaha ku dhex jira goobaha Artik iyo goobaha Antaartik, oo sida ay kala horreeyaan loo yaqaan jiid baradeedka woqooyi koonfur; meelaha u dhexeeya goobada artik iyo kulaalaha wqooyi, iyo goobada Antaartik iyo kulaalaha koonfureed waxa loo yaqaan sida ay u kala horeeyaan jiidda dhexe; reelaha labaa dhinac ee dhulbadhaha ee u dhexeeya kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed, waxa loo yaqaan jiidda kulul.
jiido²: f.g3 (-iitay, -iidatay) 1. Soo j.: docdiisa u jiidid. 2. Wax la tegid iyadoo dhulka lagu jiidayo. 3. Meel fog aadid, tegid. 4. Dhimasho. m.f.dh, jiidasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulaalayaal
m.l/dh (juqraafi) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tropic of capricorn
Kulaalaha koonfureed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaalayaal
-sha: (magacwadareed) jugraafi ahaan, gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaas oo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale ahaan, laga helo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cidhlfka koonfureed
South pole
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaaradii koonfureed
Gondwanaland
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Cirifka Koonfureed
(n) South Pole (sawth pool)