kul-gubash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-gubash
m.l (-lal gubasho, m.l) (kiimika) Tamarta la sii daayo marka hal mool oo walax ahi ay si dhammeystiran u ogsidhowdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulgubash
m.l (-lal gubasho, m.l) (kiim.) Tamarta la sii daayo marka hal mool oo walax ahi ay si dhammeystiran u ogsidhowdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulgubash
-ka: (magac, lab, keli) tamarta la sii daayo marka hal mool oo walax ahi ay si dhammeystiran u ogsidhowdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cululubasho
(Cululubasha-da)
Arrin ama talo hore oo dhacday oo la iska illowsanaa, kol danbe laabta ku soo dhicid; garwaaqsasho; xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cululubasho
m.f.dh eeg cululubo. la-mid: cululubad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cululubasho
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo hore oo dhacday, oo la illawsanaa, kol danbe xasuusasho. Dh: gocasho, xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadigubasho
m.dh (daawo) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. la-mid: kaadiqabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadigubasho
m.dh (daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. la-mid: kaadiqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaggurasho
m.f.dh eeg kalagguro. la-mid: kalaggurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudduubasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsanaa, dhawr jeer laallaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hullaabasho
(Hullaabasha-da)
Hab dharka loo huwado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullaabasho
m.f.dh eeg hullaabo. la-mid: hillaabad, hillaabasho, hullaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) hullaab; hullaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keligitashe
m.l (keligood tashayaal, m.l/dh) (siyaasad) Hoggaamiye, ama qof kale oo leh awood weyn, oo awooddiisuna ku isticmaala si xaq daro iyo cadowtinnimo. la-mid: kaligitashade.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keligitashe
m.l (keligood tashayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye, ama qof kale oo leh awood weyn, oo awooddiisuna ku isticmaala si xaq daro iyo cadowtinnimo. la-mid: kaligitashade.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku dhufasho
punching