kul-daynaamika
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-daynaamika
m.l (fiisikis) Barashada xeerarka xukuma isu-rogidda qaababka tamarta, jihada uu kulku u gudbo iyo helitaanka tamar lagu qabto hawl.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldaynaamika

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldaynaamika
-da: (magac, dhedig, keli) barashada xeerarka xukuma isu-rogidda qaababka tamarta, jihada uu kulku u gudbo iyo helitaanka tamar lagu qabto hawl.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul Daynaamikada
Thermodynamics
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'egta xaaladda maatarka
m.dh (fiisikis) Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalad-beeggaal
m.dh (-do ..., m.l) (fiisikis) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habkulxidh
m.l (fiisikis) Hab kul daynaamikaad oo dhaca ama dhammaysyirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor u-kaca ama hoos u-dhaca heerkulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isle'eg-xaaladmaatar
m.dh (fiisikis) Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalad-beeggaal
m.dh (-do ..., m.l) (fiisikis) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Thermodynamics
Kul Daynaamikada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habkulxidh
-ka: (magac, lab, keli) hab kul daynaamikaad oo dhaca ama dhammaystirma iyada oo aanu kul soo gelin kana bixin. Guud ahaan, isbeddelka kul-xidh waxa uu keenaa kor'ukaca ama hoos'udhaca heerkulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isle'eg saddexjibbaar
xisaab, isle'eg tibxaale oo jibbaarka ugu sarreeya ee doorsoomaha isle'egtu yahay darajada saddexaad. Sansaanta guud eel isle'eg saddex-jibbaar waa: ax3 + bx2 + cx + d = 0, taas oo a, b, c, iyo d ay yihiin madoorsoomayaal. isle'egta xaaladda maatar: Isle'eg xisaabeed oo xiriirisa cadaadiska P, mugga V, iyo heerkulka kul daynaamikada T ee xaddi walax n. Isle'egta ugu fudud waa tan neefaha mitaaliga ah: PV = nRT, taas oo R ay tahay madoorsoomaha neefaha. Laakiin, adkeyaasha, hoorarka iyo neefaha kaleba, isle'egtu waa murakab adag. isle'egta socod: mid ka mid ah afarta isle'egood, loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a) isle'egyadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiidhinaayo amminta ay qaadatay (t).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kulancab-ka
cocktail.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daynaamikada
Dynamics