kugu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kugu
Ku... adiga (Yaa usha kugu dhuftay? Biyaha galaas ma kugu siiyaa? Shalay magaalada dhexdeedaan kugu arkay.).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kugu
pron. and preposition: with you; you [obj.] ... at / in / using (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kugu
[pronoun you with preposition] you ...to or you... with. Ex: maxuu kugu yiri? what did he tell you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kugu
de: with you; you [obj] ... at / in / using (X) = ku + ku
lx: kugu
ps: pro + prep
xe: What did he hit you with?
xv: Muxuu kugu dhuftay?
key: kugu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuugu
(Kuu + ku)
Adiga dartaa; Wiilashaada kee kuugu roon? Cunnada subag ma kuugu daraa? Yaa warkaas kuugu warramay?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuugu
pron. and preposition: to / for you ... in / at (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuugu
[pronoun you plus preposition such as for] for...you. Ex: ma kuugu yeeraa? Should I call for you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuugu
(magacuyaal) tilmaamaya qofka labaad ee layeelaha ah. Canuggaa dartii baan kuugu imid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuugu
de: to / for you ... in / at (X) = ku + u + ku
lx: kuugu
ps: pro + prep
xe: Shall I bring it here for you?
xv: Ma halkaan kuugu keenaa?
key: kuugu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilfuur
(Ilfuur-ta)
Wax qarsoodi lagu samayn lahaa, wax kuu diida, oo had iyo goor ku kor taagan oo isha kugu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxumee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafi
kaafi¹: m.l.kh K. ah: wax deeq kugu kaafiya.
kaafi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Wax ku fillaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Waab dhisasho. 2. Ka w.: nabar kugu soo socda ka gabasho ama wax halis ah dib uga noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxumee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid. m.f.dh, faraxumayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
to deceive one's opponent
khiyaameynta ciyaattoyga liddiga kugu ah
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
next of kin
(n) the person most closely related to a person
qofka kugu dhow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
acute
/akyuut/ (adj) 1. wax dareen kulul leh ama cadaadis kugu haya. e.g. The illness became more acute. 2. qof fahma furan oo isla markiiba wax fahma. e.g. He is an acute thinker. 3. xagasha ka yar 90 digrii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ample
/aampal/amply; (adj) wax kugu filan iyo waliba dheeraad; ku filan kana badan; kifaayo ah. e.g. She had an ample amount of time to prepare.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
amusement
/amyuusment/amusements; (n) 1. farxad gelin, madadaalo ama maaweelo. e.g. Everybody smiled in amusement. 2. hab ama wax waqtiga lugu dilo, waqtiga oo farxad kugu dhaafa (maaweelo darteed). e.g. The. radio was on all day long for their amusement.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anticlimax
/aantklaymakis/anticlimaxes; (n) wax adigoo faraxsan kugu qaboojiya farxadda ama sidii aad filaysay aan nogon; niyad jab. e.g. The rain during our picnic was anticlimax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
appalling
/appoolling/appallingly; (adj wax walaac leh ama walwal kugu abuuraya; aad iyo aad u xun. e.g. They live in appalling conditions.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arrears
/arriiris/ (n) dayn lugugu leeyahay ama baaqi kugu ah oo aadan iska wada bixin. e.g. His account is in arrears.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
astound
/astawndh/astounds, astounding astounded; (v) la yaabid ama u qaadan waa (wax aad la yaabtid lama filaana kugu noqday). e.g. We were astounded that such a thing could happen.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
baggy
/baagi/baggier, baggiest (adj) dhar kaa yara weyn; aan ciriiri kugu ahayn (fitaaxsan). e.g. He likes baggy trousers.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bait
/beeyt/baits, baiting, baited; (n) 1. cunto lugu xiro dabin ama xarig, si kalluunku shabaqa ugu soo dhaco (callaaf, lacaaf). e.g. I needed a slice of meat to use for bait.(n) 2. qof ama shay kugu soo jiida ama kugu niyad-galiya in aad wax samayso.(v) 3. in gof aad ku ci-ciyaartid si aad uga xanaajisid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
befall
/bifool/ (v) wax kugu dhach (sida wax xun oo kale)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
compulsive
/kompalsiv/ (adj) dirqi kugu ah (sandulle ah, aan la dayn karin; ku khasban).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
impel
/impel/ (v) ku xambaarid; ku dadajin (wax kugu khasba inaad arin ku dhaqaaqdid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
incentive
/insentiv/ (n) wixii kugu dhiirri-geliya inaad wax qabato. e.g. Money is being used as an incentive.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kug
(Kug-ta)
Waw walba oo fiiqan, meesha ugu korraysa; dhalo; dhako; fiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kug
m.dh Wax walba oo taagan, meesha ugu korreysa; dhako.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kug
m.dh Wax walba oo taagan, meesha ugu korreysa; dhako.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kug
Azimuth
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kug
Azimuth, Zenith
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kug
f. n., loc. point, tip, peak, summit; crown of the head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kug
-ta: (magac, dhedig, keli) wax walba oo fiiqan, meesha ugu korraysa. Dh: dhalo, dhako, fin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kug
cf: baso, dhako, dhalo
de: point, tip, peak, summit; crown of the head
lx: kug
pd: (-ta)
ps: n0-f-loc
key: kug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuu
Erey leh ulajeeddooyin ay kamid yihiin: a) Adiga (sida: Yaa kuu sheegay?). b) Adiga dartaa (sida: Yaa kuu doonay? Yaa kuu dhisay?).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuu
pron. and preposition: to ~ for you; on your behalf
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kuu
pour toi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuu
(pronoun you plus preposition such as to) to...you ~ kuugu. Ex: Maxuu kuu sheegay? what did he tell you?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu
prep and preposition: to ... for / at; by (it) ... to (him)
ugu prep and preposition: most, -est [superlative.]
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ugu
le plus (superlatif).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugu
used to form the superlative of adjectives and adverbs
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugu
Lagu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lugu
pron., pro: someone ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lugu
de: someone ...
lx: lugu
ps: pro + pro
xe: Something was done to him.
xv: lagu
key: lugu
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ka ugu
le plus (superlatif).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kugula
pron. and preposition: with you ... using (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kugula
de: with you ... using (X) = ku (pro) + ku (prep) + la
lx: kugula
ps: pro + prep
key: kugula
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
augur
/oogar/augurs, auguring, augured; (v) 1. calaamad ama wax kuu saraadiya wax xun ama wax fiican (jirro ama caafimaad). e.g. A long drought doesn't augur well for a good harvest. 2. qof wax-sheega (faaliya in qof guulaysanayo ama khasaarayo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buguc
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabitaanka wala adag. Dhundhunka ayaa buguc i yidhi. Dh: balaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bugux
(Bugux-a)
Galbeed; qorraxsin; qorraxudhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugux
m.l Dhanka ay qorraxdu u dhacdo; galbeed. la-mid: bogox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bugux
m.l Dhanka ay qorraxdu u dhacdo; galbeed. la-mid: bogox.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bugux
pr. n., loc. west; sunset
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugux
-a: (magac, lab, keli) dhanka cadceeddu u dhacdo. Bugux markaad eegayso bidix waxaa kaa gaban koonfur, midigna woqooyi, barina waa gadaashaada. Dh: bogox, qorraxsin, qorraxdhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bugux
de: west; sunset
lx: bugux
pd: (-a)
ps: n0-loc-m
syn: galbeed; qorraxsin
key: bugux
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuguf
m.dh (-gfo, m.l) la-mid: cagaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugul
m.l.kh D. ah: midab aad u madow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugul
m.l.kh D. ah: midab aad u madow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugul
m. n. dark item, black thing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dugul
name-m dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dugul
magac loo baxsho wiil madaw u dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugul
-ka: (magac, lab, keli) midab aad u madow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugul
de: dark item, black thing (e.g., hair, eyes, gums, etc)
lx: dugul
pd: (-ka)
ps: n-m
key: dugul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gugub
m.l Cunto yar oo weelka lagu karinayo salkiisa ku dhegta; gubnood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gugub
m.l Cunto yar oo weelka lagu karinayo salkiisa ku dhegta; gubnood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guguc
(Guguc-a)
Onkod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguc
guguc¹: m.l Onkod. la-mid: gugac¹.
guguc²: f.mg1 (-gcay, -gucday; -gci) Onkod sameyn. la-mid: gugac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guguc
m.l la-mid: gugac¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guguc
m. n. thunder
guguc v. thunder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guguc
-a: (n) thunder (than dher) ~ gugac, unkad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guguc
-a: (magac, lab, keli) onkod roobeed oo weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gugun
-ta: (magac, dhedig, keli) xaajada marka lagu jiro ee la kala faqo. Dh: gebagebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huguf
m.l Dabayl firo leh oo ay wax soconayaa kacshaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huguf
-ka: (magac, lab, keli) dabayl fidho iyo siigo leh oo ay wax soconayaa kacshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hugun
(Hugun-ka)
Dad badan hadalkood hooseeya oo isagoo isku duuban oo aan kala soocnayn, meel durugsan laga maqlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugun
m.l (-nno/-ummo, m.dh) Shanqar xoog leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hugun
m.l (-nno/-ummo, m.dh) Shanqar xoog leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hugun
m. n. muttering, murmuring; rumble, loud indistinct noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hugun
-ka: (n) drone (daroon); mutter (mat ter); low grumble or indistinct sound ~ guux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugun
(fal) hadal hugun ah ku hadal.
hugun -ka: (magac, lab, keli) hadal aan erayada byaan loo maqal. Hugun baxaya hoosiis cidla ah, barac libaax joogo. Dh: bulxan, buuq, gurxan.
hugun-ka: (magac, lab, keli) dad badan hadalkood oo isagoon kala soocnayn meel durugsan ka soo ama ka soo baxa. yeedha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hugun
de: muttering, murmuring; rumble, loud indistinct noise
lx: hugun
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: hugun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isugu
pron. and preposition: all together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isugu
(pronoun) each other. Ex: iskuulka isugu taga; meet each other at school
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isugu
de: all together = is + u + ku
lx: isugu
ps: pro + prep
key: isugu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugux
m.dh.sh.r Cod la maqlayo marka wax la laqayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jugux
-a: (magac, lab, keli) liqidda codka wadata.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kuluc
nickname-m a fatty person; plump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kuluc
magac loo baxsho wiil aad u cayilan ama naaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulul
Aan qaboobeyn; kulayl saameeyey; kul badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulul
f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulul
f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho. m.f.dh, kululaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulul
[adjective] hot
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kulul
chaud.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulul
-aa/ayd: (adj) hot (hat); heated (hiitidh); warm (woom). Ex: meel kulul; a hot place. Hawo kulul; a warm climate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulul
(tilmaame) wax aan qaboobeyn; kulayl sameeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulul
de: hot Opp: qabow
lx: kulul
pd: (kululaa)
ps: adj
xe: It is very hot today.
xv: Maanta aad bey u kulushahay.
key: kulul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumus
m.l (-syo, m.dh) Hilib gumaarka fuula oo ay haweenka qaarkood leeyihiin.