kuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuftin
(Kuftin-ta)
Kufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuftin
m.dh Dhicidda horay loo dhaco jillaafo awgeed. la-mid: kufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuftin
vl. n. act of falling over, slipping and falling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg kufniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuftin
de: act of falling over, slipping and falling
lx: kuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufin
(Kufin-ta)
Waxsoconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku ridid, ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufin
m.dh eeg kufi. la-mid: kufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid socda ama ordaaya dhulka ku ridid; dhulka ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufrin
m.dh la-mid: kufriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurtin
m.l la-mid: kurtun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurtin
m. n. tree stump
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurtin
-ka: (n) 1. stump (istaampy the stump of a tree trunk ~ kurtun. 2. peg (peeg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtin
-ka: (magac, lab, keli) geedka marka la jaro jirrida yar ee ku hadha dhulka. Kurtinka ka baydha yaanad jabine. Wa: kurtinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurtin
de: tree stump
lx: kurtin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
see: kurtun
key: kurtin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuutin
m.f.dh eeg kuuti. la-mid: kuutis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si deggan oo isgaabin ah u socosho; kuudis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slump
/slamp/ (n) 1. hoos-u dhac siiba boos-u dhac weyn oo dhakhso ah, sida dhaqaalaha, ascaarta iwm. 2. dhicid (sida kuftinta, meel ka dhicida iwm).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nitaakho
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeello fudud oo kuftin ama god lagu dhaco ka timaad. Nin weyn nitaakho ma qaado. Dh: hantaaqo.
nitaakho -da: (magac, dhedig, keli) luggooyo gaadha cid. Dh: hantaaqo, nitaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nitaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeello fudud oo kuftin ama god lagu dhaco ka timaad. Dh: hantaaqo.
nitaaqo-da: (magac, dhedig, keli) luggooyo gaadha cid. Dh: hantaaqo, nitaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadbarad
-ka: (magac, lab, kel) ilmo socodiu baranaya. Raadbarad kuftini wax ma yeesho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaaro
(fal) dhabarka saaro oo xanbaar; dusha wax ku qaad. Dh: xambaarso, xanbaaro.
xambaaro -da: (magac, dhedig, keli) dhicid ama kufid dhulka laga soo qo'o. Xambaaro ayuu cirkaa maray oo dhulka ku dhacay: Dh: kufid, kuftin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaaro
(fal) dhabarka saaro oo xanbaar; dusha wax ku qaad. Ilmaha xanbaaro waa la kacayaaye. Dh: xambaarso, xambaaro.
xanbaaro -da: (magac, dhedig, keli) kufid dhulka laga soo go'o. Dh: kufid, kuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuftin
(Dhuftin-ta)
Dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuftin
m.dh la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuftin
vl. n. jerking, snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhufad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuftin
de: jerking, snatching
lx: dhuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufniin
(Kufniin-ka)
Kufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufniin
m.l la-mid: kufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufniin
vl. n. act of falling over, slipping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufniin
-ka: (n) the act of falling down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufniin
-ka: (magac, lab, keli) wax socda ama ordaaya ama boodaaya, dhulka ku dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufniin
de: act of falling over, slipping
lx: kufniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: kufniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kufniin
سُقُوط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufi
f.g2 (-iyay, -isay) Noole socda horay u ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kufi
f.g2 (-iyay, -isay) Noole socda horay u ridid. m.f.dh, kufin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufi
v. trip someone (up), cause to stumble ~ fall
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufi
-yey / say: (v) cause someone to fall down
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufi
de: trip s.o. (up), cause to stumble ~ fall
lx: kufi
pd: (kufiyey)
ps: v2a=tr
key: kufi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aftin
(Aftin-ta)
1. Kobta banka iyo dhirtu dhinaca isaga hayaan oo labadaba laga gaari karo; iran.
2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftin
m.dh (-nno, m.dh) Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftin
m.dh (-nno, m.dh) Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aftin
f. n. virgin land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftin
-ta: (magac, dhedig, keli) kobta banka iyo dhirtu dhinaca iskaga hayaan oo labadaba laga gaadhi karo. Reerku waxa uu deggan yahay aftinta ugu sokaysa. Dh: qoor, idhan, iran, afmeer.
aftin-ta: (magac, dhedig, keli) meel dihin oo aan la daaqin. Dh: cogor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aftin
de: virgin land
lx: aftin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: aftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cutin
m.dh la-mid: cuddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan dheerayn ahayn u tallaabsasho; deggani ku tallaabsad. Dh: cutis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufid
(Kufid-da)
Wax soconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku dhicid; kuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufid
m.f.dh eeg kuf². la-mid: kufniin, kuftin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ku dhicidda qof socda ama ordaaya ama boodaaya. Dh: dhicid. Li: kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufis
m.l la-mid: kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufis
-ka: (magac, lab, keli) eeg kufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufri
(Kufri-ga)
(dad, qof) aan Ilaah jiriddiisa rumaysnayn; Gaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufri
kufri¹: m.l la-mid: kaafir.
kufri²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) (dii.) Nabiga iyo diinta Ilaah dafirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kufri
f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) (dii.) Nabiga iyo diinta Ilaah dafirid. m.f.dh, kufriyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufri
m. n. atheist, infidel, non-Muslim
kufri [inchoative] v. become an atheist ~ infidel; apostatize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufri
-ga: (n) to show ungratefulness to Allah and not to believe in Him and His religion.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufri
-ga: (magac, lab, keli) qof aan jiritaanka Ebbe aan rumaysnayn. Dh: gaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufri
a: munaafaq
de: one who is secretly an infidel; hypocrite
lx: kufri
pd: (-ka)
ps: np-m-cmp
key: kufri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufsi
m.l la-mid: kufsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg kufsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kusin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin. m.f.dh, kusimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kusin
v. be provisional; be temporary; relieve
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kusin
de: be provisional; be temporary; relieve
lx: kusin
pd: (kusimay)
ps: v1=intr
key: kusin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuti
f.mg2 (-iyay, -isay) Si aayar ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuuti
v. walk ~ proceed slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuuti
(fal) si deggan oo aan saqadh lahayn oo isgaabin ah u soco. Kuuti oo ha dheerayn. Dh: luud, kuuti. Li: hiiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuuti
de: walk ~ proceed slowly
lx: kuuti
pd: (kuutiyey)
ps: v2a=intr
key: kuuti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mufti
(Mufti-ga)
Caalin weyn oo laga waraysto wixii la aqoon waayo ama laysku qabto oo shareecada lug ku leh; Abwaan, xagga diinta; Buuni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mufti
m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) (dii.) Caalin weyn oo arrimaha diinta Islaamka laga wareysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mufti
m.l (-iyaal/-iyo, m.dh) (dii.) Caalin weyn oo arrimaha diinta Islaamka laga wareysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mufti
m. n. Mufti (Muslim legal expert)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mufti
-ga: (n) a Moslem scholar who interprets the shari'a; [Islamic law]; mufti (maf'ti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mufti
-ga: (magac, lab, keli) caalim weyn oo la weydiiyo wixii masalo diini ah ee la garan waayo ama la isku qabto. Dh: buuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mufti
bw: Arabic
cf: buuni, fatwo
de: Mufti (Muslim legal expert)
lx: mufti
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mufti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufmin
-ta: (magac, dhedig, keli) duf u yeelid; dunta oo inta shaal loo yeelo cidhifka go'yaasha laga lulo. Dunta guudka iyo shaalka waa loo dufminayaaye. Dh: fadhqin, dufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufnin
m.f.dh eeg dufni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufnin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dufni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geftin
(Geftin-ka)
Gees: dacal; dhinac; gow; af; qar; daan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geftin
m.l (-inno, m.dh) Gees; gaw; dacal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geftin
m. n. edge, border
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geftin
nickname; name-m edge, corner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geftin
-ka: (magac, lab, keli) dhinaca wax leeyahay. Dh: dacal, qar, fay, dhinac, baal, daan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geftin
de: edge, border
lx: geftin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: geftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guntin
(Guntin-ta)
1. Wax la guntey; wax guntan.
2. Gunud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntin
m.dh (-imo, m.l) 1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guntin
m.dh (-imo, m.l) 1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Guntin
Node
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guntin
f. n. knot, bundle; something wrapped ~ tied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guntin
-ta: (n) 1. bundle (bandhel), package (paakeeyj) ~ xirmo 2. knot (naat) ~ gunud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel xadhig ama dun ama wax kale isaga xidhan yahay. Xadhiggu meel buu guntin ku leeyahay
guntin-ta: (magac, dhedig, keli) lacag ama hanti kale oo gacalka la siiyo kolka gabadh laga doonayo.
guntin-ta: (magac, dhedig, keli) 'fisigis' qotonka negi barta uu eber yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guntin
de: knot, bundle; s.t. wrapped ~ tied
lx: guntin
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: guntin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si gaabis ah u socod. Dh: huutis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabtin
(Kabtin-ka)
in cabbaar loo socdo; camcamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabtin
m.l Masaafo aad u dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabtin
m. n., loc. considerable distance, quite a way ~ while
kabtin m. n. spurt, sudden and forcible gush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabtin
-ka: (magac, lab, keli) waqti kooban oo meel loo socdo. Dh: cabbaar, nabar, waxogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactin
kactin¹: m.l la-mid: kacdimid.
kactin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: kacdin².