kufkufid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufkufid
(Kufkufid-da)
Hadba kufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufkufid
m.f.dh eeg kufkuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhacid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la mashaqadeed la kufkufid oo u babbacdhigid. Daalaadhacid dabadeed baan beertii falkii ka saarnay. Dh: dalanbaabiyid, daalaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufkuf
kufkuf¹: m.l Dhicdhicidda qof tabar yari la dhacdhaco
kufkuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Tabar darro awgeed dhicdhicid (nafley)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufkuf
v. keep on falling over, stumble ~ fall repeatedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufkuf
-ka: (magac, lab, keli) dhicdhicidda qof, tabaryari darteed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufkuf
de: keep on falling over, stumble ~ fall repeatedly
lx: kufkuf
pd: (kufkufay)
ps: v1=pl
key: kufkuf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luflufid
m.f.dh eeg lufluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luflufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lufluf ah gurgurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fufid
(Fufid-da)
Fuf yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fufid
m.f.dh eeg fuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fufid
-da: (magac, dhedig, keli) abuur iyo wixii la mid ah, gabaabsi ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufid
(Kufid-da)
Wax soconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku dhicid; kuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufid
m.f.dh eeg kuf². la-mid: kufniin, kuftin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ku dhicidda qof socda ama ordaaya ama boodaaya. Dh: dhicid. Li: kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufid
duufid: m.f.dh eeg duuf². la-mid: duuf¹ (2).
dųufid: m.f.dh eeg dųuf². la-mid: dųuuf¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huufid
m.dh 1. la-mid: hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huufid
-da: (magac,dhedig,keli) canaanashada iyo haraamitaanka cid kale. Dh: hiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulid
(Kuulid-da)
(indho) indhakuul marin, ku qurxin, ku madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulid
m.f.dh eeg kuul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurid
m.f.dh eeg kuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fiirin; ku dhegagid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusid
(Kuusid-da)
Wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusid
m.f.dh eeg kuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufid
m.dh la-mid: liifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufid
-da: (magac, dhedig, keli) luuf dheelid. luufluuf: (fal) hoog oo habqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u eegid. Dh: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufid
(Afuufid-da)
Neef afka ka soo deyn, oo meel ama wax ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufid
m.f.dh eeg afuuf². la-mid: afuuf¹ (1).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afuufid
-da:(n) the act or an instance of blowing air from the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) dabka oo naqas lagu tuuro si loo huriyo.
afuufid-da: (magac, dhedig, keli) neef afka ka soo deyn oo meel ama wax mug leh ka buuxin. Dh: afuufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafid
m.f.dh eeg kafaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufulid
m.dh la-mid: qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukumid
(Rukumid-da)
Rukun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukumid
m.f.dh eeg rukun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukumid
-da: (magac, dhedig, keli) joogtayn; rukun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sukulid
(Sukulid-da)
1. Sukuliye la dhicid, ku tumid, ku burburin.
2. (badar) isha si looga bixiyo aayar tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukulid
m.f.dh eeg sukul². la-mid: shukulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sukulid
-da: (magac, dhedig, keli) sukuliye la dhicid, ku tumid, ku burburin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tukubid
(Tukubid-da)
Tabaryari darteed, kolka la soconayo, ul ama wax la mid ah oo hadba inta la muto la cuskado, qaadasho, ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukubid
m.f.dh eeg tukub². la-mid: tukub¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukubid
-da: (magac, dhedig, keli) marka uu qof ku socdo si qunyar ah awood yari awgeed.
tukubid -da: (magac, dhedig, keli) tabaryari darteed, kolka la soconayo, ul iyo wixii la mid ah, hadba inta dhulka lagu muto la cuskado, qaadasho, ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xukumid
(Xukumid-da)
1. Talin; arrimin.
2. Garniqid; guddoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukumid
m.f.dh eeg xukun². la-mid: xakumid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xukumid
-da: (n) the act of governing (ga-vening); domination (dhoomi-neey-shin) ~ xukun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukumid
-da: (magac, dhedig, keli) xukun maxkamadeed ridid.
xukumid -da: (magac, dhedig, keli) u tali; maamulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuskugid
(Cuskugid-da)
Meel yuururid; fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskugid
m.f.dh eeg cuskug². la-mid: cuskug¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskugid
-da: (magac, dhedig, keli) meel yuurur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgufid
(Hurgufid-da)
Habaas ama wax kale ka daadin, ka jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufid
m.f.dh eeg hurguf². la-mid: hurguf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufid
-da: (magac, dhedig, keli) boodh, habaas iyo wixii la mid ah ka daadin oo dabaysha ka raacin. Dh: hurgufis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruufid
m.f.dh eeg huruuf². la-mid: haruuf¹, haruufid, huruuf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si huruuf ah qof u eegid. Dh: khaakhaayirid, qammacid, huruufis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku tumid
to spike
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudid
m.dh la-mid: kaduudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufriyid
(Kufriyid-da)
Kufri noqosho; gaaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufriyid
m.f.dh eeg kufri². la-mid: kufrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufriyid
-a: (magac, dhadig, keli) diinta Islaamka ka bixid. Dh: gaaloobid. Li: muslimid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kushubid
Versamento
To deposit
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududid
(Kuududid-da)
Kuudud u fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududid
m.f.dh eeg kuudud². la-mid: kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududid
-da: (magac, dhedig, keli) kuduud u fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquufid
m.f.dh eeg muquuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquufid
-da: (magac, dhedig, keli) faras xakame afka ka gelin oo muquufka ku aasid. Dh: xakamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkusid
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo utun, uurka ku hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaakufid
-da: (magac, dhedig, keli) mashaqo ist dabajooga ah oo kaa taagroon. Kacaakufid bay ku dallacday in badan oo ardayda ka mid ahí. Dh: daalaadhacid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuskuusid
m.f.dh eeg kuuskuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luufluufid
(Luufluufid-da)
Luufluuf ku dhicid; kala lumid; wax yari ka harid; bi'id; le'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufluufid
m.f.dh eeg luufluuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufluufid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaator darteed kolba dhinac u naannaabid. Cadawgur luufluufidda maatida ayuu ku farxaa. Dh: hoogid, looyaamid, habayaaqid, le'ad, habqamid, baaba'id.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUQ-KUFIS
(Dug-kufis) May Sporobolus helvolus (Trin) Th. Dur & Schinz. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khafiifid
m.f.dh eeg khafiif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafkujiid
-ka: (magac, lab, keli) marada dacalkeeda ku dhufasho iyadoo qofka la dhaafayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunufid
m.f.dh eeg unuunuf². la-mid: anaanufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunufid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursi.