kufin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufin
(Kufin-ta)
Waxsoconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku ridid, ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufin
m.dh eeg kufi. la-mid: kufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid socda ama ordaaya dhulka ku ridid; dhulka ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufrin
m.dh la-mid: kufriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuftin
(Kuftin-ta)
Kufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuftin
m.dh Dhicidda horay loo dhaco jillaafo awgeed. la-mid: kufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuftin
vl. n. act of falling over, slipping and falling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg kufniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuftin
de: act of falling over, slipping and falling
lx: kuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufi
f.g2 (-iyay, -isay) Noole socda horay u ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kufi
f.g2 (-iyay, -isay) Noole socda horay u ridid. m.f.dh, kufin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufi
v. trip someone (up), cause to stumble ~ fall
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufi
-yey / say: (v) cause someone to fall down
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufi
de: trip s.o. (up), cause to stumble ~ fall
lx: kufi
pd: (kufiyey)
ps: v2a=tr
key: kufi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufid
(Kufid-da)
Wax soconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku dhicid; kuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufid
m.f.dh eeg kuf². la-mid: kufniin, kuftin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ku dhicidda qof socda ama ordaaya ama boodaaya. Dh: dhicid. Li: kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufis
m.l la-mid: kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufis
-ka: (magac, lab, keli) eeg kufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kusin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin. m.f.dh, kusimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kusin
v. be provisional; be temporary; relieve
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kusin
de: be provisional; be temporary; relieve
lx: kusin
pd: (kusimay)
ps: v1=intr
key: kusin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ridid
(Ridid-da)
1. Dhulka ku sii deyn.
2. Kufin.
3. Tuurid; ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simbiriirixi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid meel siman oo qoyaan ah ku kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddegitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel sare ka soo degitaan oo hoos uu dhaadhicitaan. Daaddegitaan ka hor buu inanku geedka ka soo dhacay. daaddehee: (fal) ilma yar socodka bar oo gacanta qaabo. Inantu yaanay kufine daadehee. Dh: daadihi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la soconaayo, cid kale lugta lug ku gudbid oo ku kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaafo
-da: (magac, dhedig, keli) qof soconaya, si uu u kufo, lugta ku gudbid oo kufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufniin
(Kufniin-ka)
Kufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufniin
m.l la-mid: kufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufniin
vl. n. act of falling over, slipping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufniin
-ka: (n) the act of falling down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufniin
-ka: (magac, lab, keli) wax socda ama ordaaya ama boodaaya, dhulka ku dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufniin
de: act of falling over, slipping
lx: kufniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: kufniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kufniin
سُقُوط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buufin
1. (Buufin-ka) a) Qalab jaadad badan ah, oo neefta ama gaaska ama biyaha, kd. weelal kale ama qalabyo kale lagula shubo ama lagaga shubo: riixid iyo baari buu wax ku geliyaa, soojiid iyo nuugisna wax buu ku soo saaraa. b) Kolay yar oo harag ah ama xuub ah, oo inta neef laga buuxsho, lagu cayaaro.
2. (Buufin-ta) Neef, gaas, kd., ku afuufid; neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufin
buufin¹: m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
buufin²: m.f.dh eeg buufi. la-mid: buufis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufin
m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buufin
m. n. balloon, ball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buufin
-ka: (n) 1. sprayer (ispareeyer) 2. balloon (baalluun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buufin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama naqas aad walax ka buuxisid. Buufinta banoonigu waa bilaash. Dh: buufis.
buufin -ta: (magac, dhedig, keli) naqas sun ah cayayaan ku buufin. Buufinta ka hor weelasha daboola kana soo baxa guriga. Dh: buufis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Buufin
Bir is wadata oo leh qabaal dhuxushu ku shidanto iyo qotimo afar ah ee buufinku ku istaago. Buufin-bireedku wuxuu la manaaficaad yahay buufin Soomaaliga saanta ka samaysan ee dhuxusha lagu buufiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buufin
de: balloon, ball
lx: buufin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buufin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buufin
نفاحة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufmin
-ta: (magac, dhedig, keli) duf u yeelid; dunta oo inta shaal loo yeelo cidhifka go'yaasha laga lulo. Dunta guudka iyo shaalka waa loo dufminayaaye. Dh: fadhqin, dufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufnin
m.f.dh eeg dufni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufnin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dufni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfin
m.f.dh eeg gulfi. la-mid: gulfis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku fillaan oo wada gaadhis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sin
v. replace, substitute; equalize; relieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku sin
-kusimay / kusintay: (v) operate or function temporarily until someone takes over the control
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_sin
de: replace, substitute; equalize; relieve
lx: ku sin
pd: (simay)
ps: v1=expr
key: ku_sin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmin
(Kulmin-ta)
Meel isugu keenid; shirin; isgaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmin
m.f.dh eeg kulmi. la-mid: kulmis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, meel isugu keenid. Dh: shirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumbin
m.f.dh eeg kumbi. la-mid: yumbin. la-mid: kumbis (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wada gelin oo quusin. Dh: kumbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kunbin
(Kunbin-ta)
1. (hilib) Kunbis samayn.
2. Dhunbin.
3. Kunbis ku daweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbin
-ta: (magac, dhedig, keli) shey ama waxkale biyo ku qarin. Kunbin ayuu ku sameeyey maradii Axmed. Dh: libdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbin
(Kurbin-ta)
Xeero yar oo qori ah oo bun-sharuurka lagu shubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbin
m.dh (-no, m.l) Xeero yar oo bunka lagu shubto. la-mid: kur² (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbin
m.dh (-no, m.l) Xeero yar oo bunka lagu shubto. la-mid: kur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurbin
f. n. wooden bowl for serving fried coffee-beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbin
(tilmaame) xeedho yar oo qori ah oo bunsharuurka lagu shubo. Dh: kur, xeedho. Wa: kurbino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurbin
bw: kur
cf: xeero
de: wooden bowl for serving fried coffee-beans
lx: kurbin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: kurbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurtin
m.l la-mid: kurtun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurtin
m. n. tree stump
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurtin
-ka: (n) 1. stump (istaampy the stump of a tree trunk ~ kurtun. 2. peg (peeg)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtin
-ka: (magac, lab, keli) geedka marka la jaro jirrida yar ee ku hadha dhulka. Kurtinka ka baydha yaanad jabine. Wa: kurtinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurtin
de: tree stump
lx: kurtin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
see: kurtun
key: kurtin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurxin
(Kurxin-ta)
Qurxubta naasaha iyo candhada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurxin
f. n., [collective] veins of the udder ~ breast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurxin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta kuusan ee cunaha dadka ku taal ee maaraysa codka. Dh: doob. Wa: kurxino.
kurxin -ta: (magac, dhedig, keli) qurxubta naasaha iyo candhada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurxin
cf: qurxub
de: veins of the udder ~ breast
lx: kurxin
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: kurxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurin
(Kuurin-ta)
Ku soo dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurin
m.f.dh eeg kuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku soo dhawaansho. Dh: u dhawaasho. Li: fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusin
m.dh Mayrax iyo wixi lamida oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuutin
m.f.dh eeg kuuti. la-mid: kuutis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si deggan oo isgaabin ah u socosho; kuudis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muffin
/maffan/ (n) rooti yar oo jilicsan (oo mar mar subag buuro ah lugu cuno).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku filan
adj., [expression] sufficient to ~ for, adequate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku filan
-ku filnaa: (adj) sufficient (safishant); enough (inaf) ~ kaafi ah; deeqa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_filan
de: sufficient to ~ for, adequate
lx: ku filan
pd: (filnaa)
ps: adj-expr
xe: It is enough for me.
xv: Wuu igu filan yahay.
key: ku_filan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fin
(Fin-ka)
Nabar oogada nafleyda ka soo baxa oo mid xun iyo mid sanba leh; kasoobbax; dhullax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fin
fin¹: m.l (-nan, m.l) Nabar oogada nafleyda ka soo baxa oo mid xun iyo mid sanba leh; kasoobbax; dhullax.
fin²: m.l (-nan, m.l) (daawo) Nabarro yaryar oo ka soo baxa maqaarka intiisa sare. Sida badan waxa lagu arkaa jadeecada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fin
fin¹: m.l (-nan, m.l) Nabar oogada nafleyda ka soo baxa oo mid xun iyo mid sanba leh; kasoobbax; dhullax.
fin²: m.l (-nan, m.l) (daaw.) Nabarro yaryar oo ka soo baxa maqaarka intiisa sare. Sida badan waxa lagu arkaa jadeecada.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fin
Baalbiyood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fin
m. n. pimple, small boil ~ sore
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fin
-ka: (n) pimple (pimpal); pustule (pasjuul) kasoobax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fin
-ka: (magac, lab, keli) maal yar oo soo buurata oo biyo, dhiig, ama dheecaan galo oo jidhka ka soo baxda; nabar oogada nafleyda ka soo baxda. Wa: finan.
fin-ta: (magac, dhedig, keli) geed, buur iyo wixii la mid ah, meeshooda ugu sarreysa.
fin -ta: (magac, dhedig, keli) kuul yaryar oo haweenku xirto.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fin
fin, n.f. - dhamaad; waqtixaddidan; ujeedo
mettre fin - dhamayn (qandaraaskii urut ka dhammaaday}.
sans fin - aan dhammaad lahayn; aan wiligii joogsanayn.
fin, adj. - dhumuc yar; dhuuban; fiigan; saafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fin
bw: kasoobbax [larger]
de: pimple, small boil ~ sore
lx: fin
pd: (-ka Pl: finan (ka))
ps: n4-m
syn: dhullax
key: fin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fin
حَطَاطَة بَثْرَة
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fin
n., baal, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kin
/kin/ (n) qaraabo; ehel (xigaalo) e.g. Who is your next of kin?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuf
(Kuf-ka)
Laamaha guurka mid kamid ah oo ku saabsan dadka isu dhigma oo is guursan kara iyo kuwa aan is guursan karin, iyadoo laga eegayo dhinacyo badan (dhalasho, xirfo, caafimaad, kd.); geyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuf
kuf¹: m.l.kh K. ah: isu qalmidda ay isu qalmaan laba qof xagga guurka, iyadoo laga eegayo dhinacyo badan sida: dhala-sho, xirfo, caafimaad iyo wixi lamida; geyaan.
kuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley socota horay u dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuf
kuf¹: m.l.kh K. ah: isu qalmidda ay isu qalmaan laba qof xagga guurka, iyadoo laga eegayo dhinacyo badan sida: dhalasho, xirfo, caafimaad iyo wixi lamida; geyaan.
kuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley socota horay u dhicid. m.f.dh, kufid.