ereyga

kubbadbadh

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kubbadbadh

DHAN

m.dh (-do .., m.l) (juqraafi) Nuska dhulka, marka sallax dhexdiisa la matiyay uu labo gabal o isla eg u qaybiyo. Dhulka badanaa waxaa loo qaybiyaa kubbad badhka woqooyi iyo kubbad badhka koonfureed, kan hore waa badhka ushiisa ah ee dhulka badhaha woqooyi ka xiga, kan dambena waa midka koonfur ka xiga dhul badhaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kubbad badh

DHAFAN

Hemisphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kubbad-badh

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kubbad-badh

DHAFAN

Hemisphere

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

buq

DHAABAN
1

buq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.

2

buq²: m.dh (-qo, m.l) 1. (jooloji) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqraafi) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).

3

buq³: f.mg1 (-qay, -qday) Biyo, neef, gaas iyo wixi lamida oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

buq

DHAABAN
1

buq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.

2

buq²: m.dh (-qo, m.l) 1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqraafi) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).

3

buq³: f.mg1 (-qay, -qday) Biyo, neef, gaas iyo wixi lamida oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho. m.f.dh, buqid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabaylcidhifeed

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) dabayl aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cidhifyada; kubbadbadhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

kubbadda

DHAFANDHAAF

ball

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Kubbad-da

DHAFANDHAAF

balle (jeu).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kubbadeed

DHAFANDHAAF

Spherical

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka badbadi

DHAFANDHAAF

v. exaggerate, blow out of proportion, make a big deal of

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ka_badbadi

DHAFANDHAAF
1

de: exaggerate, blow out of proportion, make a big deal of

2

lx: ka badbadi

3

pd: (badbadiyey)

4

ps: v2a=expr

5

key: ka_badbadi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

badbadi

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-iyay, -isay) Ka b.: wax, xadkooda dhaafin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

badbadi

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-iyay, -isay) Ka b.: wax, xadkooda dhaafin. m.f.dh, badbadin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

badbadi

DHAFANDHAAF

-yey say: (v) [with preposition ka] exaggerate (ig zaa jireeyt); overstate ~ ka badbadi

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badbadi

DHAFANDHAAF

(fal) wax biirbiiri oo ino badbadan ka dhig. Dh: korkordhi. Li: yaryaree.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kambadh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) agab lagu fadhiisto oo ka samaysan saan iyo afar rukun oo gaagaaban leh oo aan tiirsimo danbe lahayn. Dh: gambar. Wa: kambadho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cabbaadh

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah maraaraha ay dadka qaar ku yeeshaan qoorta. Inantu way qurux badan tahay oo qoorta ayay cabbaadhyo ku leedahay. Dh: cabbaad.

2

cabbaadh -ka: (magac, lab, keli) midab cadcad ku jiro.

3

cabbaadh -ka: (magac, lab, keli) kuul xajmigeedu yaryar yahay oo midabyo leh. Inta dun lagu taxo ayay gabdhuhu qoorta sudhaan. Waxa kale oo la adeegsadaa xardhidda iyo qurxinta agabka guriga. Dh: cabbaad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dubaabad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) baabuur qafilan oo ciidamadu ku dagaalgalaan. Dubaabad qaraxday baan indhahayyga ku arkay. Dh: kaare.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jibbaadh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) neefka la qalayo, harag oo kaliya. Neefka waxa loo qaybiyaa guud ahaan jiidh iyo jibbaadh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kalabadh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhul, xadhig ama wax kale halka kala badha. Dh: kalabar, badhtan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xabbaadh

DHAFANDHAAF
1

(fal) geel meel baad iyo biyo leh u kexee.

2

xabbaadh: (fal) dhac oo xoolo dad leeyihiin xoog ku kaxayso. Xabbaadh geeliisa ninka kaagii qaaday Dh: dhac, booji.

3

xabbaadh -a: (magac, dhedig keli) qayb xoolo ah. Dh: xabbaar.

4

xabbaadh -ka: (magac, lab, keli) dhac ama boojin xoolo dad leeyihiin la dhaco oo xoog lagu kaxayso. Dh: dhac, boojimo.

5

xabbaadh -ka: (magac, lab, keli) geela oo loo kexeeyo meel baad iyo biyo leh. Dh: xer.

6

xabbaadh -ka: (magac, lab, keli) nooc fardaha ka mid ah oo ciyaarsiiska iyo rabbaynta ku fiican. Xabbaadh ayaa dabaaldegii ka soo qayb galay oo si fiican loo jecleystay. Dh: xabaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabbaabad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l/-baad, m.dh) Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dabbaabad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l/-baad, m.dh) Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dabbaabad

DHAFANDHAAF

f. n. tank, armored car

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dabbaabad

DHAFANDHAAF

-da: (n) tank (taangk); armored vehicle (armoredh vihikal) ~ taangi

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabbaabad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidka gashaaman ka ugu tayada badan leh oo dhan walba ka xidhan, saaran yahayna qori weyn oo wax burburiya. Dh: dibaabad, kaare, dabaabad, taangi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dabbaabad

DHAFANDHAAF
1

bw: Arabic

2

de: tank, armored car

3

lx: dabbaabad

4

pd: (-da)

5

ps: n1-f

6

syn: taangi

7

key: dabbaabad

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dubbadhac

DHAFANDHAAF
1

dubbadhac¹: m.l la-mid: dubbadhicid.

2

dubbadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Isku d.: is abaabulid; is habayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dubbadhac

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Isku d.: is abaabulid; is habayn. m.f.dh, dubbadhicid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dubbadhac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) arrimo isku hagaagid ama isla falgalid. Dh: tubbarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kabbaysad

DHAFANDHAAF
1

(Kabbaysad-ka)

2

Kabbaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kabbaysad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: kabbaysasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kabbaysad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caano lagu cabbo cancantuugo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kala-badh

DHAFANDHAAF

Bisect

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

curdandhadh

DHAFANDHAAF
1

(fal) geed laantii iyo wixii la mid ah, adiga oo curdan ah cawdh noqo. Dh: dhadh.

2

curdandhadh!: erey la isku habaaro oo la macne ah 'ha hanaqaadin'.

3

curdandhadh -ka: (magac, lab, keli) curdin ahaan ku dhadhid, cawdh ku noqod. Dh: dhadhid.

4

curdandhadh -ka: (magac, lab, keli) dhibaato waxyeello weyn gaadhsiisa qof dhallinyaro ah, sida curyaannimo, ma dhalaysnimo iwm. Wiilkii yaraa wuu curdandhadhay. Dh: qadarjab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhubbadqaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wada sheekaysi iyo is dhegaysto. Dh: xabadqaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kabbaysasho

DHAFANDHAAF
1

(Kabbaysasha-da)

2

Hadba kabbo afka ku qaadasho oo liqid; kabkabbasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kabbaysasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg kabbayso. la-mid: kabbaysad, kabbaysi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kabbaysasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hadba kabbasho afka ku qaadasho oo liqid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kabkabbasho

DHAFANDHAAF
1

(Kabkabbasha-da)

2

Kabbaysi caano, kd. ku dhamid; hadba kabbasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kabkabbasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dareere kolba in kabbo. Dh: kakabbasho, cancantuugid, cacantuugid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kalbad-adag

DHAFANDHAAF

-aa: (adj) hardback (haardh-baak) hardcover ~ gal-adag, Ex: buug kalbad adag; a hardback book

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kambadhuudh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) fadhi si ciriiryoon loo fadhiisto; kambaruur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koobaabasho

DHAFANDHAAF

m.f.dh la-mid: goobaabasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kulka badhaha

DHAFANDHAAF

Heat equator

waa la naqliyay ✓