kubbad-badh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubbad-badh
m.dh (-do .., m.l) (juqraafi) Nuska dhulka, marka sallax dhexdiisa la matiyay uu labo gabal o isla eg u qaybiyo. Dhulka badanaa waxaa loo qaybiyaa kubbad badhka woqooyi iyo kubbad badhka koonfureed, kan hore waa badhka ushiisa ah ee dhulka badhaha woqooyi ka xiga, kan dambena waa midka koonfur ka xiga dhul badhaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbad-badh
Hemisphere
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kubbadbadh

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbad badh
Hemisphere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayl-cirifeed
m.l (-dyo, m.dh) (c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidda-dhexe
m.dh (-dyo ..., m.l) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaal
jiilaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga).
jiilaal²: m.l (-llo, m.dh) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).

safaana
m.l (juqraafi) Ama dhul-cawsaadka kulaaleyda waa gobolka adka la leh kaymaha badhaalaha kubbad badh asta, isla markaana dhaca inta u dhaxaysa ama degaannada diiran (latter) iyo kuwa kulul, deegaanta dabiiciga ah ee ka baxdaa waa caws iyo hir teel-teel ah, wuxuuna leeyahay xilliyo qoyaan iyo qallayl, roob la'aanta xilliga dambena waxay ka hor tagtaa bixitaanka keymaha meelaha qo-yaanka leh mooyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tundura
m.dh (juqraafi) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga Maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.

wadaamagooye
m.l (c. fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaa
xagaa¹: m.l (-aayo, m.dh) 1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. la-mid: xagaay.
xagaa²: m.l (-aayo, m.dh) (c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).

xilli
xilli¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Waqti; goor; ammin. 2. Nur.
xilli²: m.l (-iyo, m.dh) (c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, janaayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koonfureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iyo wixi lamida. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tixgeliyaa taariikho gaar ahaaneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaylcirifeed
m.l (-dyo, m.dh) (c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiddadhexe
m.dh (-dyo ..., m.l) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiilaal
jiilaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga).
jiilaal²: m.l (-llo, m.dh) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safaana
m.l (juqraafi) Ama dhul-cawsaadka kulaaleyda waa gobolka adka la leh kaymaha badhaalaha kubbad badh asta, isla markaana dhaca inta u dhaxaysa ama degaannada diiran (latter) iyo kuwa kulul, deegaanta dabiiciga ah ee ka baxdaa waa caws iyo hir teel-teel ah, wuxuuna leeyahay xilliyo qoyaan iyo qallayl, roob la'aanta xilliga dambena waxay ka hor tagtaa bixitaanka keymaha meelaha qoyaanka leh mooyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tundura
m.dh (juqraafi) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga Maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadaamagooye
m.l (c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagaa
xagaa¹: m.l (-aayo, m.dh) 1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. la-mid: xagaay.
xagaa²: m.l (-aayo, m.dh) (c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xilli
xilli¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Waqti; goor; ammin. 2. Nur.
xilli²: m.l (-iyo, m.dh) (c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, janaayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koonfureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iyo wixi lamida. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tixgeliyaa taariikho gaar ahaaneed.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hemisphere
Kubbad-badh
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hemisphere
Kubbad badh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylcidhifeed
-ka: (magac, lab, keli) dabayl aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cidhifyada; kubbadbadhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kubbad-da
balle (jeu).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kubbadda
ball
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jubbad-ka
manteau.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala-badh
Bisect
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kubbadeed
Spherical
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka badbadi
v. exaggerate, blow out of proportion, make a big deal of
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_badbadi
de: exaggerate, blow out of proportion, make a big deal of
lx: ka badbadi
pd: (badbadiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_badbadi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khudrad-gade
-gadaha: (n) greengrocer (giriin-garoosar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babhbadh
(fal) weelal badan oo ay wax ku jiraan, mid walba badh ka shub.
badhbadh: (ereyscodeed) lagu tusmeeyo sanqadha sindhada jilicdasan iyo neefta wahelisa oo soo noqnoqota. Dh: badhadhaq, baqbaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badhaadh
v. be happy, prosper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badhaadh
-ay / tay: (v) prosper (paroos per); flourish (faloorish); do well; be fortunate or successful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadh
(fal) wax nafta farxad iyo raynrayn geliya hel; raaxo iyo barwaaqo guud iyo tu hoose ba ku jir. Dh: baraar, liibaan, barwaaqow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badhaadh
de: be happy, prosper
lx: badhaadh
pd: (badhaadhay)
ps: v1=
key: badhaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaadh
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah maraaraha ay dadka qaar ku yeeshaan qoorta. Inantu way qurux badan tahay oo qoorta ayay cabbaadhyo ku leedahay. Dh: cabbaad.
cabbaadh -ka: (magac, lab, keli) midab cadcad ku jiro.
cabbaadh -ka: (magac, lab, keli) kuul xajmigeedu yaryar yahay oo midabyo leh. Inta dun lagu taxo ayay gabdhuhu qoorta sudhaan. Waxa kale oo la adeegsadaa xardhidda iyo qurxinta agabka guriga. Dh: cabbaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaabad
-da: (magac, dhedig, keli) baabuur qafilan oo ciidamadu ku dagaalgalaan. Dubaabad qaraxday baan indhahayyga ku arkay. Dh: kaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibbaadh
-ka: (magac, lab, keli) neefka la qalayo, harag oo kaliya. Neefka waxa loo qaybiyaa guud ahaan jiidh iyo jibbaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhkadh
(ereycodeed) tusmeeya gaadhi waddo raf ah maraya ama wax la kala gooyay, hal mar shanqadha ka yeedha. Dh: dhacdhac, dhararac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadh
-ka: (magac, lab, keli) dhul, xadhig ama wax kale halka kala badha. Dh: kalabar, badhtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaadh
(fal) geel meel baad iyo biyo leh u kexee.
xabbaadh: (fal) dhac oo xoolo dad leeyihiin xoog ku kaxayso. Xabbaadh geeliisa ninka kaagii qaaday Dh: dhac, booji.
xabbaadh -a: (magac, dhedig keli) qayb xoolo ah. Dh: xabbaar.
xabbaadh -ka: (magac, lab, keli) dhac ama boojin xoolo dad leeyihiin la dhaco oo xoog lagu kaxayso. Dh: dhac, boojimo.
xabbaadh -ka: (magac, lab, keli) geela oo loo kexeeyo meel baad iyo biyo leh. Dh: xer.
xabbaadh -ka: (magac, lab, keli) nooc fardaha ka mid ah oo ciyaarsiiska iyo rabbaynta ku fiican. Xabbaadh ayaa dabaaldegii ka soo qayb galay oo si fiican loo jecleystay. Dh: xabaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaabad
m.dh (-do, m.l/-baad, m.dh) Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbaabad
m.dh (-do, m.l/-baad, m.dh) Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaabad
f. n. tank, armored car
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabbaabad
-da: (n) tank (taangk); armored vehicle (armoredh vihikal) ~ taangi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaabad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidka gashaaman ka ugu tayada badan leh oo dhan walba ka xidhan, saaran yahayna qori weyn oo wax burburiya. Dh: dibaabad, kaare, dabaabad, taangi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabbaabad
bw: Arabic
de: tank, armored car
lx: dabbaabad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: taangi
key: dabbaabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbadhac
dubbadhac¹: m.l la-mid: dubbadhicid.
dubbadhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Isku d.: is abaabulid; is habayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbadhac
f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Isku d.: is abaabulid; is habayn. m.f.dh, dubbadhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbadhac
-a: (magac, lab, keli) arrimo isku hagaagid ama isla falgalid. Dh: tubbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysad
(Kabbaysad-ka)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysad
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) caano lagu cabbo cancantuugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khadhaadh
-ka: (magac, lab, keli) dhadhan la kahdo oo aan macaaneyn. Dh: xaraar, qaraar, kharaar.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SURAD-CAD
(Surad-ad) N Otostegia hildebrandtii (Vatke & & Kurtz) Sebald. Labiatae.
C Lycium shawii Roem & Schlecht. Solanaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xabbad-da
cartouche.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kubbedelid
Sostituzione
Replacement
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbadqaad
m.l 1. Hab loo falkiyo dermooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bilawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadqaad
-ka: (magac, lab, keli) qori hal rasaas ah qaada. Halluhu wuxu ahaa bunduq xabadgaad u dhaca. Dh: halqaad.
xabbadqaad -ka: (magac, lab, keli) wax kasta o hal shay ama xabbad qudh ah wax ka badan aan qaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhubbadqaad
-ka: (magac, lab, keli) wada sheekaysi iyo is dhegaysto. Dh: xabadqaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalbad-adag
-aa: (adj) hardback (haardh-baak) hardcover ~ gal-adag, Ex: buug kalbad adag; a hardback book
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambadhuudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi si ciriiryoon loo fadhiisto; kambaruur.