ku rog
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku rog
v. dump something on ~ upon; cover over with something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku oog
v. blame, condemn, treat like a criminal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_rog
de: dump s.t. on ~ upon; cover over with s.t.
lx: ku rog
pd: (rogay)
ps: v1=expr
key: ku_rog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awdid
(Awdid-da)
Meel daloosha xirid, wax ku rogid, ku qarin; daboolid; gufeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bad
(Bad-da)
Biyaha badan oo dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariiq
(Bariiq-a)
Galka ku rogan iniinaha bariiska intaan la tumin; (ama biriiq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birre
(Birra-ha)
1. Ubaxa cawska.
2. Qolofta badarka qaarki, (sida bariiska) ku rogan; bariiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunshe
(Buunsha-ha)
Daboolka jilicsan oo ku rogan badarka oo tumidda lagaga baxsho; diir; qob; qolof; bariiq (bariiska); (ama buushe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadyaal
(Caadyaal-ka)
Aan caad ku rognayn, muuqda; ifyaal; dibadyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanaqub
(Caanaqub-ta)
Bahal bahallada dhir xagashada ku nool kamid ah; ma ay dheerayso oogadeedana waxaa ku rogan duf dheer iyo qodxo dheerdheer oo badan oo mardimo leh; yaadaddo; kashiito; dhiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjaw
(Carjaw-da)
Sooh adag oo cad oo sida dhalada u dhalaala; wuxuu ku rogan yahay oo xajiyaa oo isu hayaa kalaggoysyada meesha madaxyada lafuhu isaga hor yimaadaan kol, kolna meel gooni ah buu ka baxaa (dhegta, hunguriga cad,...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciideyn
(Ciideyn-ta)
Ciid ku rogid, ku daadin, ku darid, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirrid
(Cirrid-ka)
Hilib ilkaha salkooda - labada fuqba - ku rogan oo aad ugu dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daboolid
(Daboolid-da)
Dabool korka ka saarid; wax ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daf
(Daf-ka)
Qalabka muusikada mid kamid ah oo ka samaysan qori koobaaban oo haragwaxar la jilciyey ku rogan yahay serjigana dawanno yaryari kaga jiraan ama ka lulliishaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin-caanood
(Diillin-caanood-da)
Diillin ballaaran oo ka samaysan iftiin ciiro ku rogan tahay oo habeenkii cirka ka muuqata oo la yiraahdo sheyddaan baa habarti ku jiidey; haddii qalabyada wax weyneeya oo soo dhoweeya lagu eego, diillintu waxay isu rogtaa xiddigo ciiddaas ah oo aan la tirin karin; waq-habaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diin
1. (Diin-ka) a) Maamul xag Ilaah laga jideeyey oo dad ku dhaqmo; hab weyn oo lagu dhaqmo oo Ilaah loogu dhowaado; (ama diinta). b) Bahal xamaaratada kamid ah oo aad u gaabiya oo miyiga ku dhaqma. Qolof xoog badan baa ku rogan, wuxuuna u eg yahay qubada badda; (ama diindiin)
2. (Diin-ta) Diinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diir
(Diir-ka)
Xuubka, dubka, qolofta, mayraxda iyo wixii la mid ah oo ku rogan geedaha iyo miraha, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dub
(Dub-ka)
1. (oogada dadka) haragga docdiisa kore oo midabka leh.
2. Daboolka sare oo ku rogan dhirta iyo miraha iyo wixii soo raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durbaan
(Durbaan-ka)
Qalab cayaaraha lagu tunto; wuxuu ka samaysan yahay qalab xoldhan oo af ama labada afba ka daloola oo harag ama xuub xalleefsani ku rogan yahay oo sacabbada lagu garaaco; reeme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geri
(Geri-ga)
Nafleyda adduunka joogta kan ugu dheer, wuxuuna joogaa Afrika keliya; wuxuu lee yahay sur aad iyo aad u dheer iyo lugo iyana dheerdheer; Dhererkiisu wuxuu gaaraa labo mitir iyo bar; waa uu daaqaa waana calannaqsadaa; wuxuu lee yahay guud yar oo jilicsan oo surka kaga yaal; wax labo gees oo yaryar la moodo oo dhegaha dhexdooda kaga yaal; harag aad u adag oo gaashaammo, kabo, kd., laga samaysto; qoobab qurux badan iyo midab gaashiyo badan oo googgo'an oo cawl ahi ku rogan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harag
(Harag-ga)
Saanta kore oo nafleyda oogadeeda ku rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosaasin
(Hoosaasin-ta)
1. Hiillo, haddana la qarinayo; garabgoroyo; garabhagoojin.
2. Hoos u yeelid, ku rogid; qarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku eg
adj., [expression] appropriate, suitable; complete
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunrog
gunrog¹: m.l.kh G. ah: wadaan, jawaan iyo wixi lamida oo gudihiisa kor la mariyay.
gunrog²: f.g1 (-gay, -gtay) Wadaan, jawaan, iyo wixi lamida gudihiisa kor soo marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunrog
-ga: (magac, lab, keli) waadaan, jawaan iyo wixi la mid ah oo gudihiisa kor la mariyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka fog
adv-loc: in the distance, far off
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku deg
v. land on; come down on
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku ool
v. be (in place of a fixed ~ immovable object)
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku rid
throw in
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku rid
v. put ~ drop in; pack something up; inflict
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku tag
v. go by (a means of transportation); go for a purpose ~ motive
ku tag: v. cost someone (an amount); use money for some purpose
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku xig
v. be next to; follow; be related to; be in addition to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_oog
de: blame, condemn, treat like a criminal
lx: ku oog
pd: (oogay)
ps: v1=expr
xe: The guilt of the crime was put on them.
xv: Dambigii lagu oogay.
key: ku_oog
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala rog
Divide, Water shed, Water-parting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala rog
-ay / tay: (v) reverse (ri-veersi); transpose (taraanis-pooz); interchange (intar-janji)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku roori
v. snare, catch in a noose, entrap
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka arag
v. find something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka bogo
v. take one's time to do something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka joog
v. keep out, stay away
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalarog
m.l (-gyo, m.dh) (juqraafi) Xariiq xuduudeed kacsan oo kala soocda durdurrada waaweyn kuwaasoo laag u ah saxan webiyo kalageddisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalarog
-ga: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, xariiq xuduudeed kacsan oo kala sooca durdurrada waaweyn kuwaasoo laag u ah saxan webiyo kalageddisan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku beeg
v. align, make something correspond to ~ coincide with something else; direct
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku daro
v. add something to something else; pour something on something else (such as food); have one's son ~ daughter marry someone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhig
v. write on; do something to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhow
adv-loc: close by, near to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku digo
v. gloat over a defeated enemy; add insult to injury
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku ekow
v. be limited to, be restricted to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku ergo
v. entrust, give something to someone in custody
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku nool
adj., [expression] dwell, reside (at); living on, getting one's living at, residing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku nool
-aa / ku nooleyd: (v) inhabit (inhabit); live or reside in; dwell in (du-weel in); reside at (ri-zaaydhat); occupy (bii oki-paayidh); live at ~ degan. Ex: AH waxuu ku nool yahay magaalada; AH lives in the city
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku noqo
v. return to a place; repeat, do something again
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku orri
v. boo, show disapproval (of actor, speaker ~ shameful action)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku reeb
v. leave at; leave a residue behind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku xiga
(adj) 1. next (nekest); adjacent (adjeeysant). 2. following (folowing); next to
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku arag
v. meet, see one another
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isu rogid
Conversion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sargo'
v. be of the same measurements ~ dimensions as something else
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku wareeg
v. go around (anything: a corner, an issue); transfer to (a place ~ position)