kowrax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrax
f.g1 (-xay, -xday) Hilib iyo wixi lamida oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowrax
-a: (magac, lab, keli) hilib iyo wixii la mid ah oo inuu suyaco looga bagayo dabayl u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrax
(Kawrax-a)
(wax qoyan) qallajin yar; kafaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrax
kawrax¹: m.l Wax qoyan oo aan si aad ah u engegin.
kawrax²: f.mg1 (-xay, -xday; -rixi) In yar engegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawrax
m. n., [abstract] dryness
kawrax [inchoative] v. dry (out), get dry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrax
-a: (magac, lab, keli) wax qoyan oo inyar qallalay. Dh: kafaf, qawrax.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Kashawax
Qallayl aan sugnayn; qallayl-la mood; kowrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixi
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib kowrax ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowrixi
(fal) hilib kowrax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korad
m.l la-mid: korasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korad
vl. n. waiting, expecting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korad
a: korasho (/da) [vn-f]
cf: koro
de: waiting, expecting
lx: korad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: korad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koran
m.l la-mid: koron.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Koran
/kooraan/ (n) quraan (kitaabka Quraanka)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koran
-ka: (n) 1. castrater (kaas-tareyter) or castrator (kaas-tareytor). 2. sterile male camel ~ dhufaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koran
-ka: (magac, lab, keli) awr la xiniiyasiibay. Dh: dhufaan. Li: baarqab.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Koran
n., (alcoran) Furqaan, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koray
(fal) meel sare ka saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orrax
m.dh la-mid: qorrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Orrax
magac loo baxiyo wiil sida cadceedda u cad ama dharaar dhashay. Waxa kale oo loo baxiyaa wiil dhiblow ahaa oo hooyadii mashaqeeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orrax
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda dhulka iftiimisa oo ah xiddig weyn oo aad u kulul dhulkana u jirta 150 milyan oo km. Dh: qorrax, cadceed, libdho, milic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gownax
-a: (magac, lab, keli) daanka halka ugu danbaysa ee uu kor uga laabmo. Gownaxaa dabadiisana, qalinbaan kaga gaabshee, geelaa yaa ku yabooha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowrac
(Gowrac-a)
Biraynta xoolaha la bireeyo kolka la qalana hayo, si hilibkoodu xalaal u noqdo; birays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowrac
gowrac¹: m.l 1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. la-mid: gowricid.
gowrac²: f.g1 (-cay, -cday; -rici) Wax birayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowrac
gowrac¹: m.l 1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. gowrac²: f.g1 (-cay, -cday; -rici) Wax birayn. m.f.dh, gowricid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowrac
v. slaughter an animal by cutting its throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gowrac
-yey / day: (v) kill animals for food usually by cutting throat; butcher (bujar); slaughter (islooter) ~ qal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowrac
(fal) dhuunta ka biree si uu u xalaaloobo. Waysha gowrac dibigu ha ku quustee. Dh: qal, biree, gawrac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowrac
bw: gawrac
de: slaughter an animal by cutting its throat
lx: gowrac
nt: gowrac (a) [vn2a-m]
pd: (gowracay)
ps: v1=
key: gowrac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la koriyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korran
der. [adjective] grown (up), developed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korran
(tilmaame) mid koray; mid meel sare saaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korran
de: grown (up), developed
lx: korran
pd: (korranaa)
ps: adj-der
key: korran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korray
(fal) dusha sare mar; meel kore gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kowaad
(Kowaad-ka)
Wax is dabasocda ama xiriira ama qoodeyna haya, kan ugu horreeya; kan kowda ah; 1d (ama koowaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowaad
m.l la-mid: koowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kowaad
numeral: first
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kowaad
premier.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kowaad
-ka: (adj) first (farast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowaad
-ka: (magac, lab, keli) kaalinta ugu horaysa; wax is dabasocda ama xiriirsan, kan ugu horreeya. Dh: kow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kowaad
a: koowaad
de: first
lx: kowaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: kowaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowsad
m.l la-mid: kowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowsad
-ka: (magac, lab, keli) wax hadda bilaabasho. Dh: kowsasho, kowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qawrax
magac loo bixiyo wiil oohin badnaa kolkii uu dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorrax
(Qorrax-da)
Qorraxdu waa kubbad weyn oo shidmaysa oo gaas iyo olol ah; waxay dhulkeenna ka weyn tahay malyuun jeer, kulkeeduna, meeleheeda qaarkood, waxaa lagu wadaa inuu gaari karo 20 malynun oo darajo (dhulkeenna meesha u kululi waa 60° darajo!). Qorraxdu waa xiddig weyn oo aad inooku dhow haddii xiddigaha kale loo eego; waxay inoo jirtaa 150 malyuun oo kiilomitir ku dhowaad, waa ay isku wareegtaa, 25kii maalmood iyo 9kii saacba kol. Sagaal meere oo dhulkeennu kamid yahay baa weheliya oo ku dulmeera; ~ cadceed; libdho; gabbal; qundhac; dhalco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorrax
m.dh Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorrax
m.dh Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorrax
Sun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorrax
f. n. sun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qorrax
name-m sun; daylight; sun-rays. Syn: Cadceed, Gabbal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorrax
-da: (n) sun (san) ~ cadceed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qorrax
magac loo bixiyo wiil dharaar dhasha ama quruxdiisa la moodo cadceed oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorrax
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda dhulka iftiimisa oo ah xiddig weyn oo aad u kulul dhulkana u jirta 150 milyan oo km. Dh: cadceed, orrax; libdho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sowrac
m.l Tilmaan muuqaal ee uu wax gaar u leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
towrad
-da: (magac, dhedig, keli) kacaan; tawrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Hilib wax la kowrixiyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowraxsan
(tilmaame) hilib wax la kowrixiyay ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawrax_1
de: dryness
hm: 1
lx: kawrax
pd: (-a)
ps: n-m-abs
key: kawrax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawrax_2
de: dry (out), get dry
hm: 2
lx: kawrax
pd: (kawraxay)
ps: v1=inch
key: kawrax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixid
m.f.dh eeg kowrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixin
m.f.dh eeg kowrixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowraco
f.g3 (-cday, -catay) Neef gowrac ku xalaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jowrfal
jowrfal¹: m.l la-mid: jawrfal¹.
jowrfal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: jawrfal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jowrfal
-ka: (magac, lab, keli) dulmi samayn iyo gadoobfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixi
f.g2 (-iyay, -isay) Si tartiib ah u engejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawrixi
v. dry something out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixi
(fal) kawrax ka dhig. Dh: kafafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawrixi
de: dry s.t. out
lx: kawrixi
pd: (kawrixiyey)
ps: v2a=tr
key: kawrixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooraan
-ka: (magac, lab, keli) qayb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yagaan danab, loona isticmaalo awooddhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iyo wixii la mid ah.
kooraan -ka: (magac, lab, keli) xiisadda jacda ama jacda iyo danabka laftiisa. Dh: koronto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koorayn
(Koorayn-ta)
Koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorayn
m.f.dh eeg kooree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koowaad
(Koowaad-ka)
Kowaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koowaad
numeral: first
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koowaad
(adj) first (farest) Ex: aqalka koowaad ee bidixdaada; the first house on your left
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Koowaad
Primo
First
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koowaad
-ka: (magac, lab, keli) wax is dabasooda ama xiriir ah, kan ugu horreeya. Dh: kowaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koowaad
a: kowaad
de: first
lx: koowaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: koowaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
koowaad
أول
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korrayn
(Korrayn-ta)
Wax kore ahaan; meel kore ku sugnaan, joogid; jago ama heer sare gaarid; sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korrayn
m.f.dh eeg korree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid koreeya ahaan; meel kore ku sugnaan. Dh: joogid, sarrayn. Li: hoosayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kowkabi
v., [compound] count (out ~ in a series)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowkabi
(fal) warka ka gur oo kow dheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kowkabi
de: count (out ~ in a series)
lx: kowkabi
pd: (kowkabiyey)
ps: v2a=cmp
key: kowkabi
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qorraxo
name-f sun; daylight; sun-rays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sowraca
(magac, lab, keli) dhawaaqa hadalka. Sawraca walaalkaa meel fog ayaad ka garanaysaa. Dh: hadal.