kowkabin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kowkabin
(Kowkabin-ta)
Kow iyo labo dhihid; tirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowkabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, war ka gurid; koow! dhihid. Dh: kowdhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kowkabi
v., [compound] count (out ~ in a series)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowkabi
(fal) warka ka gur oo kow dheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kowkabi
de: count (out ~ in a series)
lx: kowkabi
pd: (kowkabiyey)
ps: v2a=cmp
key: kowkabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirin
(Tirin-ta)
Wax kow-iyo-labayn, si tiradooda lagu ogaado; kowkabin; xisaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kakabin
(Kakabin-ta)
Wax dirqi meel ciriiryoon ugu eryid, u gelin; magmakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabin
m.f.dh eeg kakabi. la-mid: kakabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel si cidhiidh ah ugu eryid oo ku cidhbin; xagga danbe ka dedejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkabid
(Kawkabid-da)
Kawkab wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkabid
m.f.dh eeg kawkab². la-mid: kawkab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkabid
-da: (magac, dhedig, keli) kawkabid oo wax yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal. Dh: googaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dirqi meel ciriiriyoon ku gelin. 2. Ku k.: xoolo iyo wixi lamida cayrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kakabi
v. push through, squeeze something into a tight place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kakabi
-yey / say: (v) push through by squeezing ~ ku kakabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabi
(fal) eri oo meel dheer kaga soo hadh; caydhi oo dhacmi oo shan dalow iyo daaddeysyo ka raarid. Dh: fogee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kakabi
de: push through, squeeze s.t. into a tight place
lx: kakabi
pd: (kakabiyey)
ps: v2a=tr
syn: magmakee, matatari
key: kakabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkab
(Kawkab-ka)
1. Iyadoo gaajo ama harraad ama baahi kale oo daran la qabo, oo biyo ama wax kale oo badan dhaqso iyo xoog caloosha loogu sii daayo, sida la noqdo.
2. Xiddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkab
kawkab¹: m.l Dhibaatada ka raacda xoolo aad u oomman biyo badan cabidda. la-mid: kawkabid.
kawkab²: f.mg1 (-bay, -btay) Xoolo aad u harraadan ama u gaajeysan biyo badan oo ay cabbeen ku wareerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawkab
v., [compound] feel sick after eating ~ drinking too quickly after severe hunger ~ thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkab
-ka: (magac, lab, keli) sida la noqdo kolka iyadoo gaajo ama harraad daran la qabo, wax badan caloosha lagu sii daayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawkab
de: feel sick after eating ~ drinking too quickly after severe hunger ~ thirst
lx: kawkab
nt: kawkab (ka) [vn-m]
pd: (kawkabay)
ps: v1=cmp
key: kawkab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobin
m.f.dh eeg koobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rokbin
m.dh la-mid: rogbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabin
(Waabin-ta)
1. Dib u celin; u niqid.
2. Gaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabin
m.f.dh eeg waabi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
waabin
fein t
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka cabsiin oo wax aad gacanta ku hayso kaga nixin. Dh: waabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabid
-da: (magac, dhedig, keli) walxo kala googgo'an, isku toltolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabi
-ga: (magac, lab, keli) maryo la isku toltolay oo dameeraha lagu raro. Dh: darbaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kolkaan
conj., vl. pron. when I ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kolkaan
de: when I ...
lx: kolkaan
ps: conj + vpro
xe: When I returned late in the morning I did not find anybody there.
xv: Kolkaan barqadii soo noqday cidna meeshii uguma iman.
key: kolkaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdabin
m.f.dh eeg dawdabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meel dheer u aroorin. Dh: aroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkaban
Isku nabnaban; toltolan; karkaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabkaban
der. [adjective] patched ~ pieced together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabkaban
-aa: (adj) patched together by sewing scraps of material together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabkaban
(tilamaame) wax isku nabnaban oo la isku dhedhejiyey. Dh: kakaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabkaban
de: patched ~ pieced together
lx: kabkaban
ps: adj-der
key: kabkaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkabid
(Kabkabid-da)
Wax kabkab leh ka dhigid; isku nabnabid; karkarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarin
(Karkarin-ta)
1. Dhawr jeer karin.
2. (biyo, kd.) karkar gaarsiin; bislays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarin
m.dh 1. Dhowr jeer karin. 2. Kar-kar gaarsiin (biyo iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkarin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer karin. Dh: baylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixin
m.f.dh eeg kowrixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabin
m.f.dh eeg sawaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garowkarin
(Garowkarin-ta)
Garow ahaan u karin; canbuuleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowkarin
m.f.dh eeg garowkari. la-mid: garowkaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowkarin
-ka: (magac, lab, keli) hadhuudh karin; badar caydhiin, dab saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah, hurin. Digadoo hulaaqdiyo, doolaabin kicin u ah, murankoo danteeda ah, wadwadkay ku darartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobaabin
(Goobaabin-ta)
Xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal: dhibceheedu isku in bay wadaageheeda u wada jiraan oo uma kala dhowa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabin
m.dh la-mid: goobaab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobaabin
f. n. enclosure, circle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobaabin
-ta: (n) circle (seer kel); ring (ring); a circular shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal. goobaabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax goobaabo leh ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobaabin
de: enclosure, circle
lx: goobaabin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: goobaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarabiin
-ka: (magac, lab, keli) qori ka mid ah qoryihii hore oo la adeegsanayay bilawgii qarnigii 20aad oo 10 rasaasood qaada. Waxa lagu samayn jiray dalka jarmalka. Dh: rayfal, halle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabayn
(Karkabayn-ta)
Cid hawl qabanaysa karkabo ku ridid; qarbaqarbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabayn
m.f.dh eeg karkabee. la-mid: karkabadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabeyn
m.f.dh eeg karkabee. la-mid: karkabadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabin
(Kharaabin-ta)
Kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabin
m.f.dh eeg kharaabi. la-mid: khar-raabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c.nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaaban
f.g4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: goobaaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaaban
(tilmaame) wax ama meel la koobaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koobaabid
(Koobaabid-da)
Xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wada wareejin, ku soo meerin; goobaabin ku soo wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabid
m.dh la-mid: goobaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wareejin. Dh: googaabid ku wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Hilib wax la kowrixiyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowraxsan
(tilmaame) hilib wax la kowrixiyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korkaxaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta ugu sarraysa qaadid. Dh: dulkaxaadin, korkaxaadis.