kosmoos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kosmoos
-ta: (magacwadareed) waxyaabo la qudhmiyo oo lagu bacrimyo carrada la beerayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cosmos
/kosmas/ (n) caalamka (koonka).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cosmos
cosmos, n.m. - Caalamka; Kownka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosgoos
m.l 1. Ereyo ama dood laba qof isdhafsato. 2. (riw.) Maadeys gaaban oo aan duluc keliya ka hadleyn ee arrima dhawr ah midba la soo bandhigo. 3. la-mid: googgoos.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosgoos
m. n. brief comic performance about various subjects (with songs poems, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosgoos
-ka: (n) a short, comic play; skit (iskit)-, concert (kon-seert); performance (peer-for mensi) ~ googoos
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosgoos
a: googgoos
de: brief comic performance about various subjects (with songs, poems, etc.)
lx: goosgoos
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: goosgoos
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kosmolooji
-ga: (magac, lab, keli) qaybta astronoomiga ee lagu derso walxaha samada, dhalashadooda, isrogroggooda, qaabdhismeedkooda iyo astaamahooda kimiikaadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koos
(Koos-ka)
Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koofur-galbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koos
m.l 1. Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koonfurgalbeed. 2. (-sas, m.l) Gobol; dhul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koos
m. n. southwest wind ~ monsoon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koos
name-f continent; earth. Cf: Aasiya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koos
-ka: (magac, lab, keli) deegaan ama degmo. Dh: deegaan.
koos-ka: (magac, lab, keli) dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaadda koonfurta galbeed...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koos
de: southwest wind ~ monsoon
lx: koos
pd: (-ka)
ps: n-m
key: koos
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moos
(Moos-ka)
1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talaggalay inuu biyaha daadka ah celiyo.
2. Biyammareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada.
3. Muuska la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moos
moos¹: m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) 1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talagalay inuu biyaha daadka ah celiyo. 2. Biyamareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada. 3. Cabbirka beeraha oo dhan jibaal afar meelood loo qaybiyey meel ahaan.
moos²: m.l (-sas, m.l/-syo, m.l) 1. (botani) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (botani) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. la-mid: muus¹ (2).
moos³: f.g1 (-say, -stay) 1. Dhis ama dhoobo beer iyo wixi lamida biyo kaga celin. 2. Biyo daad ah weecin ama duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moos
moos¹: m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) 1. Dhis dhoobo ama wax kale ah oo loogu talagalay inuu biyaha daadka ah celiyo. 2. Biyamareen yar oo daadka weeciya ama biyo fadhiya wada. 3. Cabbirka beeraha oo dhan jibaal afar meelood loo qaybiyey meel ahaan.
moos²: m.l (-sas, m.l/-syo, m.l) 1. (botani) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (botani) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. la-mid: muus.
moos³: f.g1 (-say, -stay) 1. Dhis ama dhoobo beer iyo wixi lamida biyo kaga celin. 2. Biyo daad ah weecin ama duwid. m.f.dh, moosid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moos
v. dam; drain
moos m. n. dam; drainage-channel, drain
moos m. n. banana
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOOS
(Mos) All.Som. Musa sp. Musaceae.
All. Som. Musa paradisiaca L. Musaceae.
S Ensete ventricosum (Welw.) Cheesman. Musaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moos
-ka: (n) banana (ba nan a) ~ muus
moos -ay -tay: (v) embank (em baank); dam (dhaam), dam up, earth up ~ muus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moos
(fal) daad weeci oo maangad uu maro u jeex. Daadku intaanu ku soo galin iska moos. Dh: du', weeci.
moos-ka: (magac, lab, keli) faag ballaadhan oo ciidda dhan keliya looga rogo oo daadku inuu maro loo jeexo. Dh: maangad.
moos-ka: (magac, lab, keli) ciid la teedo oo loogu talagalo in ay biyaha soconaya joojiso ama meel kale u weeciso.
moos-ka: (magac, lab, keli) geed qudradda ka mid ah oo bixiya midho rooshaan ah oon laf dhexda ku lahayn. Dh: muus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Omos
(Omos-ka)
Dhul oommane ah; oomasoore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
omos
m.l Dhul kulul oo aan biyo lahayn; oommane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
omos
m.l Dhul kulul oo aan biyo lahayn; oommane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
omos
m. n. waterless place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
omos
-ka: (magac, lab, keli) dhul oomane ah oo kulayl iyo boodh leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
omos
de: waterless place
lx: omos
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: sool
key: omos
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soos
(Soos-ka)
Xasilla'aan: isku kicid; qas; wareer; lab; dhiillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soos
m.l Xasillooni-darro; buuq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soos
m.l Xasillooni-darro; buuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soos
m. n. unrest, crisis, disturbance of the peace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soos
-ka: (magac, lab, keli) xasil la'aan; isku kicid; wareer; khaakhuul; qas; lab; dhiillo.
soos -ka: (magac, lab, keli) khudaar, hilib iyo waxyaale kale oo cuntada lagu iidaanto; suqaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soos
de: unrest, crisis, disturbance of the peace
initial: s
lx: soos
pd: (-ka Pl: soosas (ka))
ps: n4-m
key: soos
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasmo
(Kasma-da)
1. Aqoon; garasho.
2. Aqoon hab agaasiman ku dhisan oo loola jeedo in wax kasta runtooda iyo baxaalligooda iyo salkooda la gaaro; cilmi.
3. Laamaha kasmada mid walba gaar ahaanteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasmo
m.dh Awood maskaxeed wax lagu kala garto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kasmo
m.dh Awood maskaxeed wax lagu kala garto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasmo
f. n., [collective] intelligence; education; science; theory; order, procedure, understanding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kasmo
-kasmada: (n) understanding (andhar-istaanding); intelligence; comprehension
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kasmo
Comprensione
Understanding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasmo
-da: (magac, dhedig, keli) garasho; fahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasmo
de: intelligence; education; science; theory; order, procedure, understanding
lx: kasmo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kasmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolmo
m.l (naxwe) Astaan qoraal (“ “) oo sida badan loo adeegsado iyadoo labo labo ah oo hor iyo gadaal laga mariyo hadal, weer, erey, si loo muujiyo hadalka tooska ah, yacni sida qof afkiisa uga soo baxay (Tusaale: Cali wuxuu yiri, “Berri baan imanayaa.”)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kolmo
m.l (naxwe) Astaan qoraal ("") oo sida badan loo adeegsado iyadoo labo labo ah oo hor iyo gadaal laga mariyo hadal, weer, erey, si loo muujiyo hadalka tooska ah, yacni sida qof afkiisa uga soo baxay (Tusaale: Cali wuxuu yiri: Berri baan imanayaa).
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Kolmo
" "
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ismoog
nickname; name-f absent minded
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kastoo
Kasta oo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kastoo
conj. and every; everyone who...; everything which...; although, though
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kastoo
(conjunction) every ...that or who... Ex: qof kastoo jooga... everybody who is present...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kastoo
de: and every; everyone who...; everything which...; although, though = kasta + -oo
lx: kastoo
ps: conj
key: kastoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kistoo
Kis yar; xoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kistoo
fk. Kis yar; xoogaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kistoo
f k. Kis yar; xoogaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kistoo
adj., [expression] few, little; a small amount (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kistoo
(adj) small quantity; few (fiyuu); little (lital). Ex: kistoo cunta ah; a little food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kistoo
-da: (magac, dhedig, keli) in yar; kis; xoogaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kistoo
de: few, little; a small amount (of) = kis (ta) + oo
lx: kistoo
ps: adj-expr
key: kistoo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
koodoo
n., (antelope in general) adeeryo, -adi; lesser koodoo, adeeryo ari, -gi; male koodoo, goodir, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koombo
m.dh Weel yar oo bir ka samaysan oo wax lagu cabbiro ama biyaha la darsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koombo
m.dh Weel yar oo bir ka samaysan oo wax lagu cabbiro ama biyaha la darsado.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koombo
-koombada: (n) can (kaan) ~ koonbo, qasac, daasac, qasacad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koroom
m. n., (mass n.): chrome
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koroom
de: chrome {Eng}
lx: koroom
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: koroom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colmoog
-ta: (magacwadareed) cid aan waxbal ogayn oo dhallaannimo ama maangaabnimo wax socda aan war ka hayn. Carruuri waa colmoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fosfoor
m. n., [collective] phosphorous
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fosfoor
de: phosphorous {Eng / It}
lx: fosfoor
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: fosfoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: goommoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golmoon
der. [adjective] famished, reduced to hunger, starved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmoon
(tilmaame) mid baahan oo gargaar raba. Waa inaad martida tii golmoon gogosha siisaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golmoon
a: goommoon
de: famished, reduced to hunger, starved
lx: golmoon
pd: (golmoonaa)
ps: adj-der
key: golmoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googoos
-ka: (magac, lab, keli) barnaamij ama warar aan xidhiidh ahayn oo kolba in la soo tebiyo. Warar googoos oo xiiso badan baan ka dhegaystaa idaacadda.
googoos -ka: (magac, lab, keli) harrar qurux loo yeelay oo midabbo kala duwan lagu xardhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormood
-ka: (magac, lab, keli) hoggaanka wax maamula ee meeli leedahay. Dh: abbaan, horfiiq, hormuud, ammaanduule, abbaanduule, madax.
hormood-ka: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha jaamacadda; guddoomiyaha jaamacadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormoon
m.l (baayoloji) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormoon
m.l (baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormoon
-ka: (magac, lab, keli) walax kimikeed yar oo uu jidhku soo saaro oo waxtar weyn u leh nudadka jidhka qaarkood.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaambos
Campos
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalmoon
m.dh Miro yicibeed oo dhilan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kor'ood
m.l Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kor-ood
m.l Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korjoog
(Korjoog-ga)
(col) Ilaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korjoog
m.l 1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korjoog
m. n., [compound] guard, sentry; surveillance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Korjoog
Supervisione
Supervision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korjoog
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, dul taagnaan.
korjoog -ga: (magac, lab, keli) ciidan ilaalo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korjoog
cf: ilaalo
de: guard, sentry; surveillance
lx: korjoog
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: korjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsooh
korsooh¹: m.l Xarig seddex raab oo laysku tidcay ka samaysan.
korsooh²: f.g1 (-hay, -hday) Xarig hab saddex lugood ah u tabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsooh
(fal) xarig hab saddex lugood ah u tabi.
korsooh-a: (magac, lab, keli) xadhig seddex raab oo la isku tidcay ka samaysan.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Osmosis
Siimow
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tolmoon
gentil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toostoosi
(fal) wax qalloocay, mid toosan ka dhig.