korrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korrayn
(Korrayn-ta)
Wax kore ahaan; meel kore ku sugnaan, joogid; jago ama heer sare gaarid; sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korrayn
m.f.dh eeg korree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid koreeya ahaan; meel kore ku sugnaan. Dh: joogid, sarrayn. Li: hoosayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sarre ka dhigid; kor ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la koriyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korran
der. [adjective] grown (up), developed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korran
(tilmaame) mid koray; mid meel sare saaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korran
de: grown (up), developed
lx: korran
pd: (korranaa)
ps: adj-der
key: korran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korray
(fal) dusha sare mar; meel kore gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horrayn
(Horrayn-ta)
Horay jirid, xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horrayn
m.f.dh eeg horree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horrayn
vl. n. priority; primary, being first
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga u horraysa ahaan; xagga hore ku sugnaan. Ardaydu horraynta ayay u tartamaan. Li: dambayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horrayn
de: priority; primary, being first
lx: horrayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koorayn
(Koorayn-ta)
Koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorayn
m.f.dh eeg kooree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) koore dusha ka saarid; koore u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korreyn
vl. n. superiority
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korreyn
de: superiority
lx: korreyn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: korreyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoose
Meel hoos ah jira ama ku sugan; meel aan korrayn jooga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Meel sare ku sugnaan. m.f.dh, korrayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
altitudine
s.f. - korrayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quòta
s.f. - saami; korrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaga hoose xigid; wax laga gacan sarreeyo noqosho. Ninna hoosaynta ma jecla. Li: saran, korrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoose
(tilmaame) mid meel hoos ah jira ama ku sugan; meel aan korrayn jooga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kor marid; meel sare ku suganaan. Li: hoosayn.
sarrayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof darajo sare gaarey ahaan; sarreyn; korrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siman
(fal) si aan kala dheeray, isu taag, isa sin.
siman: (tilmaame) isle'eg; aan kalana korrayn, kalana horrayn; isku derejo ah; isku jaan go'an; siman, la simay: lays le'ekaysiyey, aan kala dheerayn; isku sargo'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koran
m.l la-mid: koron.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Koran
/kooraan/ (n) quraan (kitaabka Quraanka)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koran
-ka: (n) 1. castrater (kaas-tareyter) or castrator (kaas-tareytor). 2. sterile male camel ~ dhufaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koran
-ka: (magac, lab, keli) awr la xiniiyasiibay. Dh: dhufaan. Li: baarqab.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Koran
n., (alcoran) Furqaan, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koray
(fal) meel sare ka saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horayn
(Horayn-ta)
Wax yaaca haya ama orda haya oo inta horta laga maro ama dhinac walba lagaga yimaado, dib loo soo celceliyo ama la xereeyo; hareerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horayn
m.f.dh eeg horee. la-mid: horid, horis, hormo, horniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yaacaya ama ordaaya oo inta horta laga maro ama dhinac walba lagaga yimaado, dib loo soo celiyo ama la xereeyo. Dh: horays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horray
(fal) qofka u horreeya ahaw; xagga hore ku sugnaw. Imtixaanka fasalka u horray. Dh: horree. Li: dambay, danbay, dambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri, gaadhi iyo wixii la mid ah, qofka gala ama isticmaala lacag ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kosayn
m.l 1. (xisaab) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kosayn
m.l 1. (xisaab) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kosayn
Cosine
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
morayn
m.dh (jooloji) Bur-bur dhadhaabeed kasta oo ka hara dhaqaaqa dhadhaabta baraf weynuhu uu hoosta ku jiidayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
morayn
m.dh (jool.) Bur-bur dhadhaabeed kasta oo ka hara dhaqaaqa dhadhaabta baraf weynuhu uu hoosta ku jiidayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Morayn
Moraine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
morayn
-ta: (magac, dhedig, keli) burbur dhadhaabeed kasta oo ka hara dhaqaaqa dhadhaabta baraf weynuhu uu hoosta ku jiidayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ormayn
m.f.dh eeg ormee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaq iyo or si wadar ah loo sameeyo.
ormayn-ta: (magac, dhedig, keli) wadar ku socosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xorayn
(Xorayn-ta)
Xor ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xorayn
m.f.dh eeg xoree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xorayn
vl. n. liberation; suffrage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xorayn
-ta: (n) emancipation (i-maan-si-peey-shin); liberation (li-bareey-shin); liberalization (liberali-zeey-shin); setting free
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madax bannaan oo kaskiisa ku meelmara ka dhgid. Dh: xorays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xorayn
de: liberation; suffrage Alt sp: xoreyn
initial: x
lx: xorayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: xorayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorayn
m.f.dh eeg booree. la-mid: boodayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo ku asoorid. Dadka booraynta ka daa. Dh: boodhayn, siigayn. booraysad -ka: (magac, lab, keli) carro si sharcigu dhigay la isku marsho si salaadka loo bannaysto kolka biyo la waayo. Dh: boodhaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrayn
(Carrayn-ta)
Carro ku shubid; ciideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrayn
m.f.dh eeg carree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku shubid; ciideyn; carrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrayn
m.f.dh eeg cirree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirro u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyeellada jinku u gaysto insiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl milayayn; hawl milay la qabto u yeelid. Goorayn ayay u baahan tahay hawshan culus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfayn
m.f.dh eeg gorfee. la-mid: gorfays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorfayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo ka baaraandegid. Xaajadu gorfayn bay u baahan tahay. Dh: gorfayn, lafagur, dhuuxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) adke ama neef dareer u beddelid. Kulka badani wuxuu ka mid yahay waxayaalaha loo adeegsado hooraynta adkaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hormayn
(Hormayn-ta)
Hormo hormo ka dhigid; hadba hormo soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormayn
m.f.dh eeg hormee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hormohormo ka dhigid; hadba hormo soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horraan
m.l H.kiisa, h.keeda. la-mid: horraanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horraan
f. n. beginning, start; head, front
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka horre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horraan
de: beginning, start; head, front
lx: horraan
pd: (-ta)
ps: n2-f
xe: the beginning of next month
xv: bisha ku xigta horraanteeda
key: horraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg horrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarrayn
(Jarrayn-ta)
Wax ka filasho; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarrayn
m.f.dh eeg jarree. la-mid: jarraysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marti subax hore in yar oo martisoor ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmayn
(Karmayn-ta)
(dayax) meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan midna u bursanayn, fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmayn
m.f.dh eeg karmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dayax, meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan dhinac u badnayn fariisasho. Dh: fariisasho, karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karrays
(Karrays-ta)
Lafaha labada ah, oo mid waliba dhinac madax kaga hayso lafsakaarta, dhinacna meesha lafta garabka iyo cududda madaxeeda kore ku kulmaan, middood; kalxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karrays
m.dh (-so, m.l) Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karrays
m.dh (-so, m.l) Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karrays
f. n. collarbone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karrays
-ta: (n) clavicle (kalaa-vikal); collarbone (kalarbon) ~ kalxan -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karrays
-ka: (magac, lab, keli) lafaha labada ah, oo mid waliba dhinac madax kaga hayso lafsakaarka. Dh: kalxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karrays
de: collarbone
lx: karrays
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: kalxan
key: karrays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kolmayn
(Kolmayn-ta)
Kolmo u yeelid; (ka kolmayn, iska-kolmayn) sida kolmaha uga laalladin, uga lalmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolmayn
m.f.dh eeg kolmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooraan
-ka: (magac, lab, keli) qayb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yagaan danab, loona isticmaalo awooddhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iyo wixii la mid ah.
kooraan -ka: (magac, lab, keli) xiisadda jacda ama jacda iyo danabka laftiisa. Dh: koronto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koosayn
(Koosayn-ta)
Ordid; kadlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosayn
m.f.dh eeg koosee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod kadlayn ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooxayn
m.f.dh eeg kooxee. la-mid: kooxays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooxayn
-ta: (n) the act of making of groups; grouping (guruuping) ~ kooxo u samayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kooxo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kornayl
° (Kornayl-ka)
(darajo askareed) gaashaanle (gaashaanle dhexe iyo gaashaanle sare).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kornayl
m.l (-llo, m.dh) Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kornayl
m.l (-llo, m.dh) Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kornayl
m. n. colonel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kornayl
-ka: (magac, lab, keli) darajo askareed, gaashaanle dhexe iyo gaashaanle sare.