ereyga

koroomiyum

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Koroomiyum

DHAN

Birciideed ama birdhuxuleed heer sare ah ee ku barxan koroomiyum ah 0'20-0,50 inta u dhexaysa. Koroomiyum waa bir xoog leh isla markaana la gaarsiin karo xoog aad u heer sarreeya. Wuxuu noqon karaa dheeh-bireed si birta lagu dheeho uu u xoogtaaro isla markaana uu ka dhawro mirirka ama daxasha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koroomiyam

DHAFAN

m.l (kiimika) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koroomiyam

DHAFAN

m.l (kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Dheehan

DHAABAN

La mariyey bir-dheeh sida maarta, dahabka, koroomiyumka, nikelka iwm.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koroomasoom

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) unuggyada taranka ee ragga iyo dumarka. Koroomasoomka haday wax ku dhacaan aad bay khatar u tahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

chromium

DHAFANDHAAF

/koroomiyam/ (n) curiye macdan ah oo loo adeegsado dheehidda biraha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

betrooliyam

DHAFANDHAAF

m.l (kiimika) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

betrooliyam

DHAFANDHAAF

m.l (kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

betrooliyam

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaan iyo dhirta badda, lagana helo dhulka iyagoo jiifa oo ku dhex xanniban lakabyo dhagax ah dhexdooda. Waxaa lagu soo saaraa xeeladda riigga, waxaa kale oo lagu magacaabaa saliid qaydhiin ama ceeriin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Condominium

DHAFANDHAAF

Laba tallsle

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

condominium

DHAFANDHAAF

/kondhominiyam/ (n) dhismo-weyn oo la deggan yahay, siiba dadka iska leh ay degan yihiin.

waa la naqliyay ✓