ereyga

koroomiyam

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koroomiyam

DHAN

m.l (kiimika) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koroomiyam

DHAN

m.l (kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Koroomiyum

DHAFAN

Birciideed ama birdhuxuleed heer sare ah ee ku barxan koroomiyum ah 0'20-0,50 inta u dhexaysa. Koroomiyum waa bir xoog leh isla markaana la gaarsiin karo xoog aad u heer sarreeya. Wuxuu noqon karaa dheeh-bireed si birta lagu dheeho uu u xoogtaaro isla markaana uu ka dhawro mirirka ama daxasha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

chromium

DHAABAN

/koroomiyam/ (n) curiye macdan ah oo loo adeegsado dheehidda biraha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

betrooliyam

DHAFANDHAAF

m.l (kiimika) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

betrooliyam

DHAFANDHAAF

m.l (kiim.) Iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaanka iyo dhirta badaha, lagana helo ubucda dhulka iyaga oo jiifa (ku xanniban) lakabyo dhagax ah dhexdood. Waxa lagu soo saaraa xeeladda riigga (waxa kale oo lagu magacaabaa saliid cayriin). Qaybta ugu muhiimsani waa: naaftada (saliid neefeed), gaaska (baarafiin) iyo bensiinka oo loo adeegsado shidaal matoor ahaan (betrool).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

betrooliyam

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) iskujir haydarookaarboonno ah oo asal ahaan ka samaysmay xayawaan iyo dhirta badda, lagana helo dhulka iyagoo jiifa oo ku dhex xanniban lakabyo dhagax ah dhexdooda. Waxaa lagu soo saaraa xeeladda riigga, waxaa kale oo lagu magacaabaa saliid qaydhiin ama ceeriin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koroomasoom

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) unuggyada taranka ee ragga iyo dumarka. Koroomasoomka haday wax ku dhacaan aad bay khatar u tahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koofiyad

DHAFANDHAAF
1

(Koofiyad-da)

2

Madaxgashiga ragga iyo wiilasha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koofiyad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) Shey ka samaysan dun, dhar iyo wixi lamida oo raggu madaxa gashadaan. la-mid: koofi, koofiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koofiyad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) Shey ka samaysan dun, dhar iyo wixi lamida, oo raggu madaxa gashadaan. la-mid: koofi, koofiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

koofiyad

DHAFANDHAAF

f. n. hat, cap, beret

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

koofiyad

DHAFANDHAAF

-da: (n) hat (haat); cap (kaap) ~ koofi-da

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koofiyad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) madaxgashi ah oo madaxa la gashado. Koofiyaddi ka dhacday askarigii kolkuu tuugga baa maro qabanayey. Dh: koofi. Wa: koofiyado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

koofiyad

DHAFANDHAAF
1

de: hat, cap, beret

2

lx: koofiyad

3

pd: (-da)

4

ps: n1-f

5

key: koofiyad

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koorniya

DHAFANDHAAF

m.dh (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl ) Dabool ilays gudbiye ah oo ku yaalla kubbadda isha xaggeeda hore. Waa isbedel socda oo ka yimaadda ilxaydha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koorniya

DHAFANDHAAF

m.dh (-yayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Dabool ilays gudbiye ah oo ku yaalla kubbadda isha xaggeeda hore. Waa isbedel socda oo ka yimaadda ilxaydha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qoomiyad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dad ama bulsho af iyo dhaqan wadaagta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

soodiyam

DHAFANDHAAF

(n) sodium (soo-di-yam) Symbol Na ~ sodiyam

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

karaaniyam

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

karaaniyam

DHAFANDHAAF

m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

karaaniyam

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. samaysantahay dhowr lafood oo balballaadhan oo Waxay ka isdhexgalay, oo ay u dhexeeyaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaroomaysad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qaroomaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

alkohooliisam

DHAFANDHAAF

m.l (daawo) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

alkohooliisam

DHAFANDHAAF

m.l (daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koronkoraysad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: koronkoraysasho.

waa la naqliyay ✓