koromosoom
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koromosoom
m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda. Koromosoomyadu waxay ka koobanyihiin koromatiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koromosoom
m.l (-myo, m.dh) (baay.) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda . Koromosoomyadu waxay ka koobanyihiin koromatiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koromosoom
-ka: (magac, lab, keli) dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda Koromosoomyadu waxay ka koobanyihiin koromatiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaas oo suga astaamaha noolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koromosoon
-ka: (magac, lab, keli) miiqaq yaryar oo bu'da unugga ku jira oo haya hiddasidayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koroomasoom
-ka: (magac, lab, keli) unuggyada taranka ee ragga iyo dumarka. Koroomasoomka haday wax ku dhacaan aad bay khatar u tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aliil
m.l (-lo, m.dh) (baayoloji) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiman
dhiman¹: m.l (baayoloji) Marka la sharxayo bu', unug, ama noole leh hal urur oo koromosoomyo aan lamaanayn.
dhiman²: f.mg1 (-inmay, -imantay; -inmi) 1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. 2. Qof waalan noqosho.
dhiman³: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho. 2. Qof waalan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baayoloji) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isutallow
m.l (-wyo, m.dh) (baayoloji) Isku beddelka qaybo ka mid ah koromo-taydhyada u dhexeeya. Koromosoomyo isku mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koromatidhyo
m.dh (baayoloji) Xidhmo dun oo kala ah oo ka somaysantay koromosoom xilliga wejiyada hore ee qaybsanka unugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koromatiin
m.l (baayoloji) Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koromosoom-jinsi
m.l (-myo ..., m.dh) (baayoloji) Korokosoomyada xukuma xayawaanka dhalanayaa lab iyo dheddig midka uu noqonayo. Waxay ku leeyihiin bu'da hal sinji lammaane koromosoomo oo isku kaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaan
lammaan¹: m.l 1. Nafley laba isdhashay ah oo meel ku wada sugan. 2. Labo weligood wada socda. 3. la-mid: dammaan.
lammaan²: m.l (baayoloji) Marka la sharraxayo bu'da, unug ama noole leh labanlaabka tiro dhiman oo koromosooma ah ee astaanta sinjiyada.
lammaan³: f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley laba isdhashay wax meel ku wada sugan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maytoosis
m.l (baayoloji) Qaybsanka unugga si uu u sameeyo laba unug oo mataanaysan oo mid kastaa leeyahay bu' ay ku jiraan tiro isku mid ah oo isku nooca oo koromosoomya ah, sida unugga ay ka yimaadeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meyoosis
m.l (baayoloji) Nooc ka mid ah qaybsanka unugga, kaas oo soo saara afar unug taran, mid kastaana uu wato tirada koromosoomyada unugga waalidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mongolisam
m.l (daawo) Nooc dhimanaasho garaad oo lagu dhasho, waxaana keena isbeddel ku dhaca koromosoomka lam. 21 oo noqda (3) saddex koromosoom meeshi laga rabey (2) labo. Astaamaha ugu waaweeyn: indhaha oo si dadban u jeexan sida dadka reer Mongooliya oo magaca cudurka laga soo xigtay, madax wareeg ah, kamas aad u muuqata calaacallo aan caadi ahayn, sida xarriiq keliya oo calaacasha dhexmareysa, gaabnaan, laalaab maqaareed, dhego yar-yar oo wareeg ah, carrab kala jeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raybows
m.l (-syo, m.dh) (kiimika) Monosakaraydh (C H O) oo inta badan aan keligeed laga helin dabeecadda, laakiin muhim ah sida RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyey dhayogsiribows (C H O) oo muhimad la mid ah leh waxyaabaha ay ka koobantahay DNAdu, taas oo qaadda taxanaha hiddaha koromosoomyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santaroomeer
m.l (-ro, m.dh) (baayoloji) Qayb-ta ka midka ah koromosoomyada ee aan lahayn hiddo-side.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waji-tabaabulshe
m.l (-ayaal, m.l/dh) (baayoloji) Heerka ugu horreeya qaybsanka bu'da, taas oo koromosoomyada iyo koromaatidhyadu aad u muuqdaan halka ay bu' yarada iyo xuubka bu'du ay bilaabaan inay baaba'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji dhexe
m.l (baayoloji) Heerka ugu weyn ee qaybsanka bu'da, kaas oo xuubka bu'du uu baaba'ayo, koromosoomyaduna ay imanayaan badhtanka xiddigaha, kaddibna waxa bilaabma kala durugga koromaatidhyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji gebagabo
m.l (-iyo ..., m.dh) (baayoloji) Heerka afraad ee qaybsanka unugga; kaas oo ah marka ay koromaatidhyadu gaadhaan cidhifyada, saytobalaasamkuna uu qaybsamo ee uu sameeyo laba unug oo mataana ah oo kala soocan. Waxa baaba'a miiqyada iyo xiddigaha iyaadoo bu' yarada iyo xuubka bu'da ee unug mataan kastaa dib u samaysmo iyo koromosoomyada oo dib u soo ceshada qaabkoodii dunta oo kale ahaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aliil
m.l (-lo, m.dh) (baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiman
dhiman¹: m.l (baay.) Marka la sharxayo bu', unug, ama noole leh hal urur oo koromosoomyo aan lamaanayn.
dhiman²: f.mg1 (-inmay, -imantay; -inmi) 1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. 2. Qof waalan noqosho. m.f.dh, dhinmid.
dhiman³: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho. 2. Qof waalan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isutallow
m.l (-wyo, m.dh) (baay.) Isku beddelka qaybo ka mid ah koromotaydhyada u dhexeeya. Koromosoomyo isku mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kororso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kororsiimo ku darsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kororso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kororsiimo ku darsasho. m.f.dh, kororsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kororso
v. increase (for ~ by oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kororso
-kororsaday / kororsatay: (v) increase or expand by yourself ~ siyaadso, badso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kororso
(fal) wax badso; siyaadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kororso
de: increase (for ~ by oneself)
lx: kororso
pd: (kororsaday)
ps: v3a=
key: kororso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsooh
korsooh¹: m.l Xarig seddex raab oo laysku tidcay ka samaysan.
korsooh²: f.g1 (-hay, -hday) Xarig hab saddex lugood ah u tabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsooh
(fal) xarig hab saddex lugood ah u tabi.
korsooh-a: (magac, lab, keli) xadhig seddex raab oo la isku tidcay ka samaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korokorro
-da: (magac, dhedig, keli) ayaxa yaryar ee aan weli duulidda baran. Dh: koronkor. Wa: koronkorooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borotokool
m.l 1. Diiwaan. 2. Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
borotokool
m.l 1. Diiwaan. 2. Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
borotokool
m. n. protocol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotokool
-ka: (magac, lab, keli) qaab wax loo agaasimo sida soo dhoweynta iyo maamuuska madaxda sarsare ama marxaladah rootiiniga ah ee ay maraan heshiisyada dawliga ah marka la saxeexo ka dib.
borotokool -ka: (magac, lab, keli) hoshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
borotokool
de: protocol Alt sp: borootokol
lx: borotokool
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: habmaamuus {Eng}
key: borotokool
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chromosome
/korowmasom/ (n) hiddo-wadayaal (koromosoom waa unugyada qaabilsan gudbinta sifaalaha layska firsado ama layska dhaxlo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorogorood
-ka: (magac, lab, keli) daaqa yar dartii marba dhinac u carar oo wax ka raadso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boroofesoor
-ka: (n) [Pl. boroo-fesooro-da] professor (porofesar); a college or university teacher ~ barafasoor; macallin jaamacadeed ama kuliyad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korontoroge
m. n. transformer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korontoroge
de: transformer
lx: korontoroge
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: korontoroge
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Istoroboskoob
Stroboscope