kormadow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kormadow
-da: (magac, dhedig, keli) nooc dacawada ka mid ah oo diilinta sare madaw Kormadaw baa nayl iga cuntay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormadow
m.l la-mid: hurmadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmadow
(Garmadow-ga)
Nin aan weli garkiisu cirro yeelan; nin dhallinyarannimada dhaafay, odaynnimona aan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmadow
m.l.u Nin da'diisu u dhaxeyso soddon ilaa afartan jir. la-mid: garmadoobe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garmadow
m. n. man of middle age
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garmadow
de: man of middle age
lx: garmadow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: garmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurmadow
(Hurmadow-ga)
(digsi, dhuxul ceeriin, kd.) madowga kore oo dabku u yeelo weelka wax lagu karsado iyo dhuxusha ceerin iyo wixii la mid ah; gubnood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurmadow
m.l 1. Maduulka ay yeeshaan weelasha dabka la saaro. 2. Qoryo dab lagu shiday oo qaar ka mid ahi gubtay. la-mid: hormadow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurmadow
m. n., [compound] soot on the outside of cooking vessels
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurmadow
-ga: (magac, lab, keli) gubnoodka madow ee digsi wax lagu karshaa uu dusha ku yeesho.
hurmadow: (tilmaame) roob is qabsaday oo cabsi leh. Dh: mahiigaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurmadow
de: soot on the outside of cooking vessels
lx: hurmadow
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: hurmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaymadow
m.dh Haweenay nasiib xun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaymadow
m.dh Haweenay nasiib xun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaymadow
m. n. jinx, bearer of ill luck ~ disaster, unfortunate person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaymadow
de: jinx, bearer of ill luck ~ disaster, unfortunate person
lx: kaymadow
pd: (-ga / -da)
ps: n2a-m/f
key: kaymadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxormadow
m.l Nooc ka mid ah geedka moxorka oo beeyo madow dhala. la-mid: moxormadoobe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxormadow
-ga: (magac, lab, keli) geedka moxorka jaadadkiisa mid ka mid ah oo foox casuus madowga xiga leh. Moxormadow haddaad haysid iga iibi. Li: moxorcad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SOOR-MADOW
(Sor-madu) S Rhyncosia malagophylla (Spreng.) Boj. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirmadow
m.l Midab cad oo madow badani ku dhafan yahay
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
God madow
Black hole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynmadow
(Kaynmadow-da)
Qof aan hoodo lahayn, nasiib daran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaynmadow
f. n., idiom: unlucky person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynmadow
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan hoodo lahayn oo nasiib daran. Dadka kaynmadowda leh ma fiicna. Dh: saancaddaale, qumay. Li: hoodaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaynmadow
de: unlucky person Lit: dark bush
lx: kaynmadow
pd: (-da)
ps: n2-f-idiom
key: kaynmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermadow
m.l Idaha iyo lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermadow
-ga: (magac, lab, keli) idaha iyo lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuurmadow
(Tuurmadow-da)
Libaax-badeedka jaad ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuurmadow
m.dh Libaax-badeed jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuurmadow
f. n. small shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuurmadow
-da: (magac, dhedig, keli) libaaxbadeedka jaad ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuurmadow
de: small shark sp.
initial: t
lx: tuurmadow
pd: (-da)
ps: n-f
key: tuurmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodirmadow
m.l Midab geel oo ah caddaan madow ku badanyahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOXOR-MADOW
(Mohor-madu) N Boswellia sacra Flueckiger. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korad
m.l la-mid: korasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korad
vl. n. waiting, expecting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korad
a: korasho (/da) [vn-f]
cf: koro
de: waiting, expecting
lx: korad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: korad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korow
(Korow-ga)
Jaadadka daayeerka mid kamid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korow
m.l Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korow
m.l Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korow
m. n. small monkey, guenon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korow
-ga: (n) small sized monkey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korow
-ga: (magac, lab, keli) jaadadka daayeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud. Dh: kore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korow
bw: kore
cf: daayeer
de: small monkey, guenon
lx: korow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: korow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madow
(Madow-ga)
1. Midabka caddaanka ka dhigan.
2. Iftiin la'aan; gudcur; mugdi; (ama madoow).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madow
madow¹: m.l 1. Midibka dhuxusha. 2. Mugdi, gudcur. la-mid: madoow¹.
madow²: f.mg4 (-oobaa, -oobayd; madmadow) 1. Wax midibka dhuxusha oo kale leh ahaansho. 2. Wax mugdi ah ahaansho (meel). 3. Qof uurkutaaleysan ahaansho. la-mid: madoow².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madow
madow¹: m.l 1. Midibka dhuxusha. 2. Mugdi, gudcur. la-mid: madoow.
madow²: f.mg4 (-oobaa, -oobayd; madmadow) 1. Wax midibka dhuxusha oo kale leh ahaansho. 2. Wax mugdi ah ahaansho (meel). 3. Qof uurkutaaleysan ahaansho. m.f.dh, madoobaan. la-mid: madoow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madow
[adjective] or n., [abstract] black, dark (in color); obscure; gloomy, sad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Madow
noir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madow
-ga: (n) black (balaak) ~ madoow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madow
-ga: (magac, lab, keli) eeg madaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madow
a: sp: madaw ~ madoow
de: black, dark (in color); obscure; [fig.] gloomy, sad Opp: cad
lx: madow
pd: (-ga / madoobaa Pl: madmadow)
ps: adj; n0-m-abs
key: madow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
madow
زِنْجِيَّ، أَسْوَدَ
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koraad
name-f waiting, expecting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Koraad
magac loo baxsho wiil in badan la sugayay ama la saadaalinaayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koraad
-ka: (magac, lab, keli) korasho; sugid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korjad
(Korjad-da)
(harag, libaax-badeed, kd.) labaatan xabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korjad
m.dh.t (-do, ml.) Harag iyo wixi lamida oo labaatan xabbo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korjad
f. n. / num-f: group ~ bundle of twenty (hides, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korjad
-da: (n) package (paakej); bundle (bandhel)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Korjad
Massa
Bulk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korjad
-da: (magac, dhedig, keli) harag, dar iyo wixii la mid ah oo labaatan xabbo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korjad
de: group ~ bundle of twenty (hides, etc.)
lx: korjad
pd: (-da)
ps: n1-f / num-f
key: korjad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kormar
-ka: (magac, lab, keli) qoraal ama wax kale si kooban uga hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsad
(Korsad-ka)
Korsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsad
m.l la-mid: korsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsad
-ka: (magac, lab, keli) ilmo yar ama xoolo yaryar dhaqaalaysasho, korsasho. Dh: korsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godadow
(Godadow-ga)
Cayaar hogo iyo quruurux lagu cayaaro; leylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godadow
godadow¹: m.l Ciyaar lagu ciyaaro quruurux ku jira 12 god oo 6 iyo 6 isaga soo horjeedda; laylo.
godadow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Laylo ciyaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godadow
m. n. children's game (wherein stones are dropped into holes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godadow
de: children's game (wherein stones are dropped into holes)
lx: godadow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: godadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmadow
m.l/dh Qof tabar yar oo taakulo u baahan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmadow
-ga: (magac, lab, keli) qof tabar yar oo taakulo u baahan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koomade
name-m visionary; very far-sighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Koomade
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo inuu noqdo mid aragti gun dheer leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kormari
(fal) wax hoosta yaallay, kor keen.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tornado
Toornaado
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tornado
/toorneydow/ (n) ufo (dabayl xoog badan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beymadow
-ga: (magac, lab, keli) midab ku badan yahay bey madow. Beymadow midab beymadow ah buu masku lahaa. Dh: lafcir, buluug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carmal noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmalow
inch. v. be a divorcee; be a widow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmalow
(fal) haweeney la qabo, ha lagu dalaaqo, carmal noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmalow
de: be a divorcee; be a widow
lx: carmalow
pd: (carmaloobay)
ps: v1=inch
key: carmalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmadow
(Dulmadow-da)
Dawacada jaad kamid ah oo dhabarka madow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmadow
m.dh.u Dawacada jaad ka mid ah oo dhabarka madow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulmadow
f. n., [collective] fox species, with black fur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmadow
-ga: (magac, lab, keli) jaad dacawada ka mid ah oo diilinta sare madaw. Dh: deyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulmadow
de: fox sp., with black fur
lx: dulmadow
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: dulmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmadow
m.l Bara-baro mad-madow oo qof aan qubeysan jirkiisa ka muuqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmadow
-ga: (magac, lab, keli) barabaro madmadow oo qof aan qubeysan jidhkiisa ka muuqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoydadow
-ga: (magac, lab, keli) ciyaaraha botorka mid ka mid ah oo ay haweenku ciyaaraan ahna ciyaar dhiirri galin iyo boorrin ku salaysan waxa lagu jiibiyaa «hoydadoow, hoydadoow, hadagane hoydadoow».
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madmadow
adj., pl. black, dark (ones)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmadow
-ga: (magac, lab, keli) eeg madmadaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madmadow
de: black, dark (ones)
lx: madmadow
pd: (Sg: madow)
ps: adj-pl
key: madmadow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maymadow
m. n., [abstract] light gray color (of camel)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maymadow
de: light gray color (of camel)
lx: maymadow
pd: (-ga)
ps: n-m-abs
key: maymadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oommanow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nalfey wax oon haayo noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oommanow
v. be thirsty; be dry ~ arid (of land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oommanow
(fal) qof ama meel oomman noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oommanow
de: be thirsty; be dry ~ arid (of land)
lx: oommanow
pd: (oommanaaday)
ps: v3a=intr
key: oommanow