koranwaay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koranwaay
v. be impatient, can not wait
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koranwaay
de: be impatient, can not wait
lx: koranwaay
pd: (koranwaayay / koranwayday)
ps: v1=
key: koranwaay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koranwaa
(Koranwaa-ga)
Sugi waa; dhawri waa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koranwaa
koranwaa¹: m.l 1. K. ah: sugiwaa; dhawriwaa. 2. la-mid: koranwaayid.
koranwaa²: f.g1 (-aayay, -ayday; -aayi) Sugid waayid; dhawriwaayid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koranwaa
m. n., [abstract] impatience
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koranwaa
de: impatience
lx: koranwaa
pd: (-ga)
ps: n-m-abs
key: koranwaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koranwaa'
(fal) sugi waa oo ka degdeg.
koranwaa' -ga: (magac, lab, keli) sugi waa; ka degdegid oo dhawri waa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koranwaayid
(Koranwaayid-da)
Sugi waayid; dhawri waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koranwaayid
-da: (magac, dhedig, keli) sugi waayid ama dhawri waayid. Dh: salfududaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hora-waay
-ga: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka waay
v. fail to get, not be able to obtain something from someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_waay
de: fail to get, not be able to obtain s.t. from s.o.
lx: ka waay
pd: (waayay)
ps: v1=expr
key: ka_waay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garanwaa
m.l Wax garasho waayidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garanwaa
m.l Wax garasho waayidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garanwaa
m. n., [abstract] state of not knowing, inability to understand ~ know
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garanwaa
-yey I garanwayday: (v) can't understand, apprehend or comprehend ~ garanla', fahmila'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garanwaa
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah dhirta lamayaqaanka ah. Waa geed leh qodax adag oo dhaadheer iyo caleen gu' iyo jiilaalba qoyan.
garanwaa -ga: (magac, lab, keli) wixii aan la garanayn oo dhan; soogalayti lamayaqaan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garanwaa
de: state of not knowing, inability to understand ~ know
lx: garanwaa
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: garanwaa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oranayay
v., sg., past progressive form: I / he was saying
oranayay v., subject case, past progressive form: it was ... who was / were saying
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korranaan
m.f.dh eeg korran. la-mid: korranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kale fuushanaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KARUUNJAAY
(Garunjai) C Cucumis dipsaceus Spach. Cucurbitaceae.
S, May, Og Glossonema revoilii Franch. Asclepiadaceae.
N Glossonema thruppii Oliv. Asclepiadaceae.
N Pergularia daema Forsk. Asclepiadaceae.
N Glossonema boveanum Decrie. Asclepiadaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranwaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qof war badan oo inta uu cid war ka qaado cid kale u warrama isaga oon loo diran. Waranwaryo waa isku dire. Dh: namiim, diradiraale.
waranwaryo -da: (magac, dhedig, keli) sheeko la iskaga gudbiyo laba qof oo wax isku tidhi oo isku dir looga gol leeyahay. Waranwaryada waa la isku nacaaye iska daa. Dh: namiimad, iskudir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anwaac
f. n., pl. type, kind, sort; types, kinds
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anwaac
-da: (n) [plural] kinds (kaayndhis); sorts or types ~ noocyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
anwaac
bw: Arabic
de: type, kind, sort; [pl] types, kinds
lx: anwaac
pd: (-da)
ps: n1-f; n8-f-pl
see: nooc
key: anwaac
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Anwaar
name-f rays of light, lightest, bright, blossoms, lustre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaay
m.dh Xirmo hal ah oo hal mar qof qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaay
-da (magac, dhedig, keli) xidhmo hal mar qof qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanaaf
m.l.kh (-fyo, m.dh) K. ah: Dibi aan weli xoogaysan oo qiyaastii laba jir ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanaal
m.l (-llo, m.dh) Laag ama far biyomareen ah oo beeraha lagu waraabiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kanaal
m.l (-llo, m.dh) Laag ama far biyomareen ah oo beeraha lagu waraabiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanaal
m. n. canal; channel (on radio ~ television)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanaal
-ka: (n) canal (ka naal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanaal
-ka: (magac, lab, keli) tog yar ama weyn oo la sameeyey ama iska samaysmay oo dhuuxiisa biyuhu maraan. Dh: gaban, far, keli, biyamareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanaal
cf: mowjad {Eng}
de: canal; channel (on radio ~ television)
lx: kanaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kanaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawaan
(Kawaan-ka)
Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaan
kawaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo.
kawaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami/-aani) Neef si hilibkiisa loo cuno qalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kawaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawaan
m. n. butcher's shop, stall, butchery
kawaan v. butcher, slaughter animals in order to sell the meat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kawaan
-ka: (n) slaughterhouse (islootarhaaws); slaughter (islooter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaan
-ka: (magac, lab, keli) meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. Kawaanka hilib innooga soo iibiya. Dh: gasaar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kawaan
مَجْزَر
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koraad
name-f waiting, expecting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Koraad
magac loo baxsho wiil in badan la sugayay ama la saadaalinaayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koraad
-ka: (magac, lab, keli) korasho; sugid; dhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korray
(fal) dusha sare mar; meel kore gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kowaad
(Kowaad-ka)
Wax is dabasocda ama xiriira ama qoodeyna haya, kan ugu horreeya; kan kowda ah; 1d (ama koowaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowaad
m.l la-mid: koowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kowaad
numeral: first
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kowaad
premier.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kowaad
-ka: (adj) first (farast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowaad
-ka: (magac, lab, keli) kaalinta ugu horaysa; wax is dabasocda ama xiriirsan, kan ugu horreeya. Dh: kow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kowaad
a: koowaad
de: first
lx: kowaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: kowaad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Odawaa
name-m an orphan; he who misses his father. Lit: one born after his father died while he was still in his mother's womb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaad
-ka: (magac, lab, keli) majare ku hayn; ki toosin. Kabtanka ayaa markabka rawaadka u haya.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
runway
marinka orodka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
faraway
/faar-awey/ (adj) ka-fog, fog.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
granary
/greynari/ (n) kaydka badarka, siiba qamadiga lagu kaydiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hornaan
m.f.dh eeg horan. la-mid: hornaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jornaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Wargeys. 2. Waraaqo meelaha ganacsiga wax looga duubto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jornaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Wargeys. 2. Waraaqo meelaha ganacsiga wax looga duubto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kannaal
-ka: (magac, lab, keli) gacanka biyaha loogu soo jeexo beerta si ay biyuhu u galaan. Dh: keli, maagad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karatay
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar lagu dagaallamo oo ku dhisan tabo la barto. Dh: kaaratey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kariwaa
m.l Qof madax adag oo aan wax laga dhaadhicin karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kariwaa
m.l Qof madax adag oo aan wax laga dhaadhicin karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kariwaa
-ga: (magac, lab, keli) karti lagu maareeyo u waayid: wax u caalwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karnaan
m.f.dh eeg karan4. la-mid: karnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khawaaf
m.l.kh (-fiin, m.dh) Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khawaaf
m.l.kh (-fiin, m.dh) Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya. m.dh.w, khawaafiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khawaaf
m. n. hopeless ~ desperate man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khawaaf
-ka: (n) loser (luuzer); failure (feelyar), drifter (dirifter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khawaaf
-ka: (magac, lab, keli) qofka fulaha ah ee aan kalsooni isku qabin.
khawaaf -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo wax walba ka baqa. Dh: fule, fuley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khawaaf
bw: Arabic
de: hopeless ~ desperate man
lx: khawaaf
pd: (-ka Pl: khawaafiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: khawaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koowaad
(Koowaad-ka)
Kowaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koowaad
numeral: first
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koowaad
(adj) first (farest) Ex: aqalka koowaad ee bidixdaada; the first house on your left
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Koowaad
Primo
First
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koowaad
-ka: (magac, lab, keli) wax is dabasooda ama xiriir ah, kan ugu horreeya. Dh: kowaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koowaad
a: kowaad
de: first
lx: koowaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: koowaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
koowaad
أول
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koranto
f. n., (mass n.): electricity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koranto
-korantada: (n) electricity (e lak tarisiti) ~ koronto
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koranto
de: electricity
lx: koranto
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
see: koronto
key: koranto
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Korayya
grandir, grimper sur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kornayl
° (Kornayl-ka)
(darajo askareed) gaashaanle (gaashaanle dhexe iyo gaashaanle sare).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kornayl
m.l (-llo, m.dh) Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kornayl
m.l (-llo, m.dh) Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kornayl
m. n. colonel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kornayl
-ka: (magac, lab, keli) darajo askareed, gaashaanle dhexe iyo gaashaanle sare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kornayl
cf: darajo {Eng}
de: colonel
lx: kornayl
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kornayl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsaar
(Korsaar-ta)
Faa'ido; dulsaar; rubisaar; jil; dulsocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsaar
korsaar¹: m.l 1. Wax la iibinayo faa'iidada laga helo. 2. Dhinacdhow.
korsaar²: m.l 1. Sahay yar oo awrta rarkeeda dheeraad ku ah. 2. Raar aqalka miyiga dhalada laga saaro; dhalo-saar. 3. K. ah: sidiq.
korsaar³: f.g/mg. 1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax, wax kale ka kor marin. 2. (f.mg) U k.: badeeco iyo wixi lamida faa'iido saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korsaar
korsaar¹: m.l 1. Wax la iibinayo faa'iidada laga helo. 2. Dhinacdhow.
korsaar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax, wax kale ka kor marin. 2. (f.mg) U k.: badeeco iyo wixi lamida faa'iido saarid. m.f.dh, korsaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korsaar
f. n., [collective] commission, profit
korsaar ditransitive v. put on top of; charge, add surcharge to price of goods
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korsaar
-ay / tay: (n) place on the top of; put (put). Ex: miiska korsaar; put on the top of the table
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Korsaar
Interesse
Interest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsaar
-ka: (magac, lab, keli) gogosha laga sarreysiiyo sariir Soomaaliga guryaha lagu dhex sameeyo. Dh: dulsaar, faa'iido, rubisaar, jil. Wa: dulsaarro.