kooye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooye
-kooyaha: (v) leather shoe for pleasure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) la-mid: goosato¹.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koobe
name-m summarizer, coiler (mispronounced as Koombe)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooke
m.l (-kayaal, m.l/dh) Qof cunto kariska si fiican u yaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooke
m. n. cook
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooke
-kookaha: (n) cook (kuk) ~ koog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooke
-ha: (magac, lab, keli) cabbitaan ka samaysan waxyaalo la isku dardaray, oo casaan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooke
de: cook
lx: kooke
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: kuug {C & S < It}
key: kooke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koone
m.l Laba xarriiqood meesha ay isugu yimaadaan dhinaca dibadda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koone
m.l Laba xarriiqood meesha ay isugu yimaadaan dhinaca dibadda ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koone
m. n. corner, angle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koone
-koonaha: (n) corner (koorner). Ex: afarta koone; the four corners
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koone
-ha: (magac, dhedig, keli) dhinac; doc: gees: baal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koone
de: corner, angle
lx: koone
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: koone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koore
(Koora-ha)
Heensaha fardaha mid kamid ah; wuxuu u badan yahay idiin hoosta waxyaalo jilicsani kaga jiraan, qaabab badanna waa uu lee yahay; wuxuu lee yahay moqotinno iyo rakaabyo iyo wegered ka lusha, shalmad ka hoosaysa iyo baridhawr korka laga saaro; faraska dhabarkiisa baa la saaraa oo qofka fuulayaa ku fariista.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koore
m.l (-rayaal, m.l/dh) Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koore
m.l (-rayaal, m.l/dh) Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koore
m. n. saddle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koore
nickname-m sadldle; saddler
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koore
-kooraha: (n) 1. saddle (saadhal). Ex: kooreha faraska; horse's saddle. 2. pendant (pen-dhant) or pendent. Ex: kooreha silsilada; necklace's pendant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koore
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo adeegsado farda fuulka oo faraska lagu heenseeyo. Kooraha i sii faraska aan fuulee.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Koore
Looxa ka kooban kabaal dhexe iyo qotimo afar ah oo inta labo laysu barbar dhigo nijaarku sarajoog ugu dul shaqeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koore
de: saddle
lx: koore
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: koore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koose
(Koosa-ha)
Orod; kadle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koose
m.l Orodka ugu gaaban ee farduhu ku ordaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koose
m. n. trot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koose
-ha: (magac, lab, keli) orodka kadlaha ah. Dh: kadle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koose
bw: orod
de: trot
lx: koose
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: kadle
key: koose
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooyi
deictic, subject case: that one, those [subject]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooyi
de: that one, those [SUBJECT]
lx: kooyi
ps: deic-m-subj
key: kooyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooye
(Mooya-ha)
Weel qori ah ama bir oo kali, (tib), weheliso, oo badarka iyo wixii la mid ah lagu tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. la-mid: moy. Weel qori ama bir ka samaysan oo ay tibi weheliso oo badarka iyo wixi lamida lagu tumo. 2. la-mid: mooy (2) M. ah: neef lo' ah oo aan geeso lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. la-mid: moy. Weel qori ama bir ka samaysan oo ay tibi weheliso oo badarka iyo wixi lamida lagu tumo. 2. la-mid: mooy M. ah: neef lo' ah oo aan geeso lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooye
m. n. mortar (for pounding)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooye
mooyaha: (n) mortar (moor'tar). Ex: kaliyo mooye; pestle and mortar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooye
-ha: (magac, lab, keli) weel geed jirriddi ama bir ka samaysan oo tibi weheliso oo inta dhinac god shan illaa labaatan sentimitir ah loogu sameeyo badarka iyo wixii la mid ah lagu tumo
mooye -ha: (magac, lab, keli) neef xoolaad oo tood ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooye
de: mortar (for pounding)
lx: mooye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: mooye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhooye
nickname; name-m intelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhooye
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu yeesho fahmad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Fardo ku ilaala tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooyee
v. walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyee
(fal) dooyo samee oo ilaalo ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooyee
de: walk slowly
lx: dooyee
pd: (dooyeeyey)
ps: v2b=
key: dooyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Toddoba-maggaarto; teetano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Toddoba-maggaarto; teetano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kojiye
-ha: (magac, lab, keli) toddobamaggaadho; teetano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolole
-ha: (magac, lab, keli) dhawaaq xannuun kaa keenay. Xalay kololahaygii ma ledin Kaamil reeruhuye. Dh: jibaad, taah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koobbe
-koobbaha: (n) trophy (taroofi); especially in sports; cup (kaap)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal). m.f.dh, koorayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooree
v. saddle up, put a saddle on (a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooree
(fal) u diyaari rar ama fuulitaan faras. Dh: heensee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooree
de: saddle up, put a saddle on (a horse)
lx: kooree
pd: (kooreeyey)
ps: v2b=
key: kooree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) Si aayar ah u ordid (faras).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koosee
v. trot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosee
(fal) orod kadle ah ku soco. Dh: kadlaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koosee
de: trot
lx: koosee
pd: (kooseeyey)
ps: v2b=
key: koosee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Koox koox ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Koox koox ka dhigid. m.f.dh, kooxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooxee
v. make into a group; form a team; make someone part of a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooxee
-yey / kooxeysay: (v) place or arrange in a group; group (guruup)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooxee
(fal) kooxo ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooxee
de: make into a group; form a team; make s.o. part of a group
lx: kooxee
pd: (kooxeeyey)
ps: v2b=tr
key: kooxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooyee
qr. la-mid: mooyaane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooyee
conj. except (that), excluding, other than
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooyee
(conjunction) unless (an-les) except (ik-sapt); otherwise ~ mooyaane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooyee
(fal) mooye ku tun. Arabikhida inno mooyee oo faracad innooga dhig. Dh: tun.
mooyee: (qurub) mooyaane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooyee
a: mooyaane
de: except (that), excluding, other than
lx: mooyee
ps: conj
key: mooyee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kooreeye
nickname-m saddler
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koo
Erey tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadla haya ka fog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Koo
Koo¹: mu.ti.l (kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
koo²: mu.ac.l (kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) la-mid: kow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koo
koo¹: mu.ti.l (kuwoo, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
koo²: mu.ac.l (kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) la-mid: kow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koo
(magacuyaal) tilmaame lab oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Wa: kuwoo.
koo: (magacuyaal) aan cayinayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. Dh: koor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koy
imperative v., sg. come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koy
(expression) come! (kam); come here! ~ kaalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koy
(fal) halkan kaalay; ii soo dhowow. Koy, inyar wax aan kuu sheegee. Dh: kaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koy
de: come! Defective imperative form only
lx: koy
ps: v4b-imp-sg
see: kaaley {UJ}
key: koy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooy
f.mg1 (-yay, -yday; -yi) Oohin sameyn. la-mid: booy.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ooy
f.mg1 (-yay, -yday; -yi) Oohin sameyn. m.f.dh, ooyid. la-mid: booy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooy
v. cry, weep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ooy
-ey / -day: (n) cry by weeping; shed tears; sob (soob) ~ booy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooy
(fal) qayli oo lilmee. Sida carrurta u oy. Dh: booy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booy
booy¹: m.l Ceel biyo badan leh.
booy²: f.mg1 (-yay, -yday) la-mid: ooy.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booy
v. cry, weep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booy
-ey/day: (v) cry (karaay); weep (wiip); shed tears ~ ooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booy
(fal) ooy; barooro. Haddii lagu dilay iska booy.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booy
de: cry, weep
lx: booy
pd: (booyay / booyday)
ps: v1=intr
see: ooy {C}
key: booy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooy
m.l Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooy
m.l Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gooy
v. cut (down ~ off ~ up), amputate, sever; reap, harvest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gooy
-yey I say: (v) cut (kat)-, separate (sapareeyt); hack (haak)-, chop (jaap) —kala gooy -yey / say: (v) 1. cut out, remove by cutting, make a separation or secession. 2. make change (give the equivalent of money) ~ sarif
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gooy
bw: goy
de: cut (down ~ off ~ up), amputate, sever; reap, harvest
lx: gooy
pd: (gooyey / gooysey)
ps: v2a=
see: goo
key: gooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooy
1. (Hooy!) Dhawaaq dadka lagu soo jeediyo; waryaa! naayaa!
2. (Hooy-ga) Meel loo hoydo; aqal; guri; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooy
u.j 1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooy
u-j 1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee. u.j.w, hooyaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooy
v. take, accept
hooy inter. hey you!
hooy m. n. home, shelter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooy
-ga: (n) shelter (shal-tar)-, home (hoom) ~ minan, rug lugu noolaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooy
(ereydhawaaq) qof durugsan lagu soo jeediyo oo loogu dhawaaqo: Waryaa! Naayaa!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koob
(Koob-ka)
Weel yar oo badanaa dheg iyo seesar leh oo wax lagu cabbo; fujaan.