kooxkoox
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooxkoox
m.dh Wax qaybo-qaybo u kala qaybsan. la-mid: koorkoox.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koox koox
n. phr. group by group, collectively; in groups
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koox koox
(expression) group by group; groups
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koox_koox
de: group by group, collectively; in groups
lx: koox koox
ps: np
key: koox_koox
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorkoox
m.dh la-mid: kooxkoox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koorkoox
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama wax kale oo xaynxayn u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacaad-qaab-bileed
m.l (juqraafi) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.

bacaw
bacaw¹: m.l/dh (-wyo, m.dh) Qof la baaseeysto oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato.
bacaw²: m.dh Nooc quraanyada ka mid ah, midab cas leh, kooxkooxna u socota, aad u qurmoon oo yacayda cunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanguur
m.dh Shimbir yar, bay ah, kooxkoox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.

kadabshiir
m.l Naasleyda nooc ka mid ah oo dabaggaallaha u eg kase madow, kooxkooxna u socda oo dudumooyinka gala. la-mid: kadafjiir, kadafshiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabaraabe
m.l.fk (-bayaal, m.l/dh) Laba kooxood ama wax ka badan oo kala dandambeeya isku jihana u socda; kooxkoox. la-mid: raaberaabe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacaad-qaab-bileed
m.l (juqraafi) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirayn
m.dh (naxwe) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalfallaadh
-a: (magac, lab, keli) shimbir calool cad dhabarkana madaw iyo buluug ah oo baadad dhaadheer oo falladh u eg iyo dabo fantaxle leh oo xiiliba meel u hayaanta oo kooxkoox u duula.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaq
(fal) u baaq - cid kale cod dheer oo ujeeddo gaar ah sida u jeedi. Adduunyada dhammaanteed, ugu baaqnay taladii.
baaq -a: (magac, lab, keli) hadal kooban oo ujeeddo wata oo cid ku aaddan.
baaq -a: (magac, lab, keli) afgarasho ay samaystaan ciidamo ilaashanaya sirtooda. Waa hadal, qoral ama wax kale oo maldahan oo uu ciidan isku afgarto. Baaq baa ciidankii kale loo diray.
baaq -a: (magac, lab, keli) dhawaaq dheer oo ay dad kooxkoox u socdaa isugu baaqaan xilliyada geeddiga ama kolka la kala lumo ama xoola lumay la soo helo. Dh: uubato, lallab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantalyaa
-ga: (magac, lab, keli) haadka waaweyn jaad ka mid ah. Wuxuu leeyahay af iyo lugo dhaadheer oo dhuudhuuban, kooxkoox ayaanu isku raacaa. Dh: qulunbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayddi
-ga: (magac, lab, keli) kalluun yaryar oo kooxkoox isu raacraaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceyddi
-ga: (magac, lab, keli) kalluun yaryar oo kooxkoox isu raaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanguur
-ta: (magac, lab, keli) shinbir yar oo leh midabyo, kooxkooxna u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanyeer
-ka: (magac, lab, keli) jaad xayawaanka naasleyda ka mid ah oo xagga abuurta iyo baaxaalliga dadka u dhow. Wax kaste oo uu dadku cuno ba wuu cunaa geedahana wuu fuulaa oo kooxkoox ayuu u nool yahay. Daanyeer dabacase, dariiqa bannee. Dh: afargacmoodle, daayeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayeer
-ka: (magac, lab, keli) jaad xayawaanka naasleyda ka mid ah oo xagga abuurta iyo baaxaalliga dadka u dhow. Wax kaste oo uu dadku cuno ba wuu cunaa oo kooxkoox ayuu u nool yahay. Dh: afargacmoodle, daanyeer. Wa: daayeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duddumaggale
-ha: (magac, dhedig, keli) naasley dabagaallaha la bah ah oo ka roon, kooxkooxna u socota inteeda badan. Dh: dundumagale, kadabjiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabley
-da: (magac, dhedig, keli) jaad shimbiraha ka mid ah oo inta badan kooxkoox u daaqa oo dhulka u midab eg. Dh: habas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goollawaraabe
-ha: (magac, lab, keli) dugaag yeyda u eg dacawadana ka yara weyn oo kooxkoox isku raaca. Dh: bahalhiglo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolkooli
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar si gacalo leh u barbaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koolkooli
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar si gacalo leh u barbaarin. m.f.dh, koolkoolin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koolkooli
-yey / say: (v) pamper (paam par); mollycoddle (maali-kaad del); coddle (kaad del); cosset (koosit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koolkooli
(fal) carruur ciyaarsii ama naxariis iyo tudhaad u muuji.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koox kooban
Group, finite
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
koodoo
n., (antelope in general) adeeryo, -adi; lesser koodoo, adeeryo ari, -gi; male koodoo, goodir, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kookoy
(tilmaame) meel fog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loxoox
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laxoox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolkoolin
m.f.dh eeg koolkooli. la-mid: koolkoolis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koolkoolin
vl. n., pl. pampering, coddling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koolkoolin
-ta: (n) coddling, pampering, cosseting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koolkoolin
de: pampering, coddling
lx: koolkoolin
pd: (-ta)
ps: vn-f-pl
key: koolkoolin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolkoolis
m.l la-mid: koolkoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooxarooxo
-da: (magac, dhedig, keli) geed aan iskii isku taagin oo ku marta geeda kale oo dhala midho la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koockoocsan
(tilmaame) wax soo kuuskuusan oo jidhka kale ka soo foocsan. Like badan ayaa dhulka ka soo koockoocsan. Dh: koonkoonsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mikoroskoob
m. n. microscope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mikoroskoob
-ka: (n) microscope (maay karaskoop) ~ miikariskoob
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mikoroskoob
a: mikroskoob
de: microscope
lx: mikoroskoob
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: weyneeye {Eng}
key: mikoroskoob