ereyga

koor

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koor

DHAN
1

1.* (Koor-ka) Dharka ragga jaad kamid ah oo horay ka furan, gacmo iyo jeebabna leh; jubbad.

2

2. (Koor-ta) Dawan qori ah oo xoolaha lagu xiro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koor

DHAN
1

koor¹: m.l (-rar, m.l) Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. la-mid: koodh.

2

koor²: m.dh (-ro, m.l) Dawan geed laga qorey oo xoolaha qoorta loogu xiro.

3

koor³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koor

DHAN
1

koor¹: m.l (-rar, m.l) Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. la-mid: koodh.

2

koor²: m.dh (-ro, m.l) Dawan geed laga qorey oo xoolaha qoorta loogu xiro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Koor

DHAN

Trapezium

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

koor

DHAN
1

m. n. jacket, coat

2

koor [feminine] n. camel ~ animal bell

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

koor

DHAN

-ka: (n) coat (kowt); overcoat (ooverkowt); jacket (jaaket) ~ koodh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koor

DHAN

-ta: (magac, dhedig, keli) qalab laga qoro geed gaar ahaan lebiga ama xankookibka, laba aleen leh, loo geliyo geela qoorta oo dhawaq bixisa si uuna u hallaabin neefku. Sida koorta yicib oo la sudhay koromo buubaal ah... Wa: kooro

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koore

DHAFAN
1

(Koora-ha)

2

Heensaha fardaha mid kamid ah; wuxuu u badan yahay idiin hoosta waxyaalo jilicsani kaga jiraan, qaabab badanna waa uu lee yahay; wuxuu lee yahay moqotinno iyo rakaabyo iyo wegered ka lusha, shalmad ka hoosaysa iyo baridhawr korka laga saaro; faraska dhabarkiisa baa la saaraa oo qofka fuulayaa ku fariista.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koore

DHAFAN

m.l (-rayaal, m.l/dh) Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koore

DHAFAN

m.l (-rayaal, m.l/dh) Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

koore

DHAFAN

m. n. saddle

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Koore

DHAFAN

nickname-m sadldle; saddler

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

koore

DHAFAN

-kooraha: (n) 1. saddle (saadhal). Ex: kooreha faraska; horse's saddle. 2. pendant (pen-dhant) or pendent. Ex: kooreha silsilada; necklace's pendant

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koore

DHAFAN

-ha: (magac, lab, keli) qalab loo adeegsado farda fuulka oo faraska lagu heenseeyo. Kooraha i sii faraska aan fuulee.

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Koore

DHAFAN

Looxa ka kooban kabaal dhexe iyo qotimo afar ah oo inta labo laysu barbar dhigo nijaarku sarajoog ugu dul shaqeeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

koore

DHAFAN
1

de: saddle

2

lx: koore

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: koore

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koori

DHAFAN

f.mg2 (-iyay, -isay) Koor yeerid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

koori

DHAFAN

v. ring (a bell); court

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koori

DHAFAN

-ga: (magac, lab, keli) heensaha faraska mid ka mid ah. Dh: koore.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

koori

DHAFAN
1

de: ring (a bell); court

2

lx: koori

3

pd: (kooriyey)

4

ps: v2a=

5

key: koori

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koror

DHAFAN
1

koror¹: m.l Inta, wax ku darsanta.

2

koror²: m.l (kiimika) Isbeddel togan ama taban ee ku dhaca doorsoome. Koror guud ahaan waxaa loo isticmaalaa micno ahaan isbeddel yar.

3

koror³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax is khordin. 2. Ku k.: wax, wax kale ku darid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koror

DHAFAN
1

koror¹: m.l Inta, wax ku darsanta.

2

koror²: m.l (kiim.) Isbeddel togan ama taban ee ku dhaca doorsoome. Koror guud ahaan waxaa loo isticmaalaa micno ahaan isbeddel yar. m.f.dh, kordhid.

3

koror³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax is khordin. 2. Ku k.: wax, wax kale ku darid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Koror

DHAFAN

Increment

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

koror

DHAFAN
1

m. n. increment, increase

2

koror [inchoative] v. increase, augment, be augmented

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

koror

DHAFAN

-kordhay / korortay: (v) increase (inkiriis); multiply (moltipalaay); expand (ikis-paandh)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koror

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) eeg kordhis. kororsad ka: (magac, lab, keli) wax la hayay biirsasho oo in kale ku darsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baridhawr

DHAABAN
1

(Baridhawr-ka)

2

Barkimo xalleef ah ama wax kaloo aad loo jilciyey oo kooraha ama kursiga ama wixii kaloo adag oo lagu fariisana hayo layska xijiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bisiq

DHAABAN
1

(Bisiq-a)

2

Geed geedaha waaweyn ka mid ah: qodax ma leh, kooraha fardaha, fandhaallada, koorta geela, kd., baana laga qoraa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Celiye

DHAABAN
1

(Celiya-ha)

2

Suun xalleefsan oo jilicsan oo badanaa dumaysan oo faraska surkiisa iyo kooraha moqotinkiisa hore isu haya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabaggelis

DHAABAN
1

(Dabaggelis-ka)

2

Xarig ama suun xoolaha la rara hayo ama la heensayna hayo dabada loo gesho si aan rarka ama kooruhu horay ugu dhicin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dawan

DHAABAN
1

(Dawan-ka)

2

Koor bir ama wax kale laga sameeyey oo qaar fardaha surka loogu xiro qaarna xafiisyada iyo dugsiyada la dhigo oo laysugu yeero ama laysugu baaqo; koor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fan

DHAABAN
1

(Fan-ka)

2

1. (gammaan) meesha kooraha la saaro iyo qanaanta inta u dhexaysa.

3

2.* Falsami; Farshaxan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Heense

DHAABAN
1

(Heensa-ha)

2

Inta fardaha la saaro kolka la fuula hayo (koore, xakame, kd.).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jubbad

DHAABAN
1

(Jubbad-da)

2

Dharka ragga mid kamid ah oo gacno dheerdheer iyo jeebab leh; horay bay ka furan tahay waxayna awddaa qaarka sare taniyo sinaha; koor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koorayn

DHAABAN
1

(Koorayn-ta)

2

Koore dusha ka saarid; koore u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koorin

DHAABAN
1

(Koorin-ta)

2

Koor ka dhawaajin; koordhebid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koorrib

DHAABAN
1

(Koorrib-ta)

2

Kuul madow oo quraarad ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Leeddo

DHAABAN
1

(Leedda-da)

2

Faras aan koore saarrayn oo la fuulo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Manjasaar

DHAABAN
1

(Manjasaar-ka)

2

Si carruurta yaryar loogu fariisiyo hooyada cagaheeda oo kooraha qaabkiisa loo yeelay, siiba kolka ay kaadi ama saxaro dhigayaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Moqotin

DHAABAN
1

(Moqotin-ka)

2

Kooraha labadiisa madax, oo dhexdooda qofku fariisto, midkood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Rakaab

DHAABAN
1

(Rakaab-ka)

2

1. Biraha kooraha labadiisa dhinac ka kala lusha, oo cagaha la geliyo kolka wax la fuulayo.

3

2. Dad socoto ah; cabbir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Shalmad

DHAABAN
1

(Shalmad-da)

2

Cad maro ah oo cubcuban oo kooraha iyo faraska u dhexeeya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Shanbal

DHAABAN
1

(Shanbal-ka)

2

Qalabka muusikada mid ka mid ah oo ka samaysan labo qalbac oo midkiiba meel dhexda ah ka xoldhan yahay oo kolka la isku dhufto, dhawaaq kan koorta u eki, ka soo baxo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Wegered

DHAABAN
1

(Wegered-ka)

2

Suun kooraha fardaha docdiis ka laallaada, oo inta hoos iyo faraska boggiisa la soo mariyo, kooraha docdiisa kale afka loo suro ama si kale oo xoog leh loogu xiro, oo kooraha xajiya; (ama wagarad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aleen

DHAABAN

m.l/dh (-eemo, m.dh) Koor yar oo geela loo xiro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koo

DHAFANDHAAF

Erey tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadla haya ka fog.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

Koo

DHAFANDHAAF
1

Koo¹: mu.ti.l (kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.

2

koo²: mu.ac.l (kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) la-mid: kow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koo

DHAFANDHAAF
1

koo¹: mu.ti.l (kuwoo, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.

2

koo²: mu.ac.l (kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) la-mid: kow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

koo

DHAFANDHAAF
1

(magacuyaal) tilmaame lab oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Wa: kuwoo.

2

koo: (magacuyaal) aan cayinayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. Dh: koor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kor

DHAFANDHAAF
1

(Kor-ka)

2

1. Docda cirka xigta; (wax) sare; dul.

3

2. Oogo; jir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kor

DHAFANDHAAF
1

kor¹: m.l 1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iyo wixi lamida; oogo; jir.

2

kor²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kor

DHAFANDHAAF
1

kor¹: m.l 1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iyo wixi lamida; oogo; jir.

2

kor²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Nafley markii fil ku kordhaba weynaan iyo dherer yeelasho. 2. Meel sare lug ku fuulid ama wax dusha ka fuulid. m.f.dh, korid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kor

DHAFANDHAAF
1

m. n., loc. (adj.): top, surface; above, up; on top of

2

kor v. grow (up), develop, increase; climb, get up on

3

kor m. n. body; skin, outer surface of the body

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kor

DHAFANDHAAF
1

-ka: (n) 1. skin (iskiin)-, dermis (deermas)-, surface (sarfes). 2. (adv) up (ap) ~ sare. Ex: kor u hadel; speak up. 3. (preposition) over (oover). Ex: miiska kor saar; put over the table

2

kor: -ay / tay: (v) 1. grow (goroo); increase in size or became bigger in size. 2. climb (kaleem)-, ascend (asend). Ex: buurtii buu koray; he climbed the mountain

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kor

DHAFANDHAAF
1

(fal) fuul meel ka sarraysa halka aad taagantahay. Li: dag, dhaadhac, daaddeg.

2

kor: (fal) weynow. Dh: barbaar. Li: hagaas.

3

kor -ka: (magac, lab, keli) meel sare. Dh: dul.

4

kor -ka: (magac, lab, keli) jidhka gebi ahaantii; madax iyo mijo. Dh: oogo, jidh, jir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

kor

DHAFANDHAAF

فَوْق عَلَى، جسم و جسد

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

oor

DHAFANDHAAF

m.l Miro yaryar oo udgoon oo ay dumarku isku carfiyaa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

oor

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) midho iyo ubaxyo la isku daro oo cadar laga tuujiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Boor

DHAFANDHAAF
1

(Boor-ka)

2

1. Dhagxanta iyo ciidda budada noqotay; siigo, habaas, bus, awaare.

3

2. (°) Midab (lo'da).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

boor

DHAFANDHAAF
1

boor¹: m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.

2

boor²: m.dh la-mid: boorid.

3

boor³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sac godlan waayey ama dhashiisa diiday wamme ama fintir iyo wixi lamida sabiisha ka gelin. 2. Is b.: dhabarka godid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bǫor

DHAFANDHAAF

m.l (-rar, m.l) Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

boor

DHAFANDHAAF
1

bǫor: m.l (-rar, m.l) Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.

2

boor: m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

boor

DHAFANDHAAF

m. n., (mass n.): dust; gray ~ dusty color

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

boor

DHAFANDHAAF

/buur/boorish (adj) qof dabci qallafsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

boor

DHAFANDHAAF

-ka: (n) dust (dhast)~bus, uuro, boodh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boor

DHAFANDHAAF
1

(fal) sac boor sibiisha ama dhashatada ka geli si uu ilmaha u yeelo ama u godlado. Illeen tabaryaraan waxaa qaba sacii, tiire lagu boorey.

2

boor -ka: (magac, lab, keli) midab danbas u eg oo lo'du leedahay.

3

boor-ka: (magac, lab, keli) ciid budo ah oo dabaysha iyo wixii dul maraaba kiciyo. Baabuur ma raacine Jugtaan boorka soo daraye. Dh: boodh, habaas.

4

boor -ka: (magac, lab, keli) maroodiga kiisa lab.

5

boor -ta: (magac, dhedig, keli) maydhaxda gumarta ama ta qudhaca oo la suuqay ama la duubay oo dhudhun qof lala ekaysiiyey, dabadeed na saca sibiisha laga geliyo si uu u oggolaado ilmaha ama uu u godlado.

6

boor -ta: (magac, lab, keli) cisalka ama caadhka maroodiga.

7

boor-ta: (magac, lab, keli) wax kaste oo weyn oo meel daloosha la geliyo. Saca boor baa la geliyay. booraale -ha: (magac, lab, keli) meel ciid iyo siigo kacsan leh. Maaha booraale meel lagu noolaan karo. Dh: boodhaale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

boor

DHAFANDHAAF
1

cf: uuro

2

de: dust; gray ~ dusty color

3

lx: boor

4

pd: (-ka)

5

ps: n4-m-mass

6

key: boor

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Door

DHAFANDHAAF
1

1. (in door ah, kd.) weyn, fiican, badan, roon.

2

2. (Door-ka) Kan dad badan ama wax kale lagala baxo oo ugu wanaagsan; xulanti; baxsi.

3

3. (-) Kaalin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

door

DHAFANDHAAF
1

door¹: m.l (-rar, m.l) 1. Wax xul ah. 2. In d. ah: wax aan la tirin karin oo qiyaas ahaan badan. 3. la-mid: doorid.

2

door²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax xulid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dǫor

DHAFANDHAAF

m.l (-rar, m.l/awdaar, m.dh) 1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tusaale: “D.kii hore baastaa timid”. la-mid: dawr¹, dowr¹ (2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

door

DHAFANDHAAF
1

dǫor: m.l (-rar, m.l/awdaar, m.dh) 1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tusaale: Doorkii hore baastaa timid. la-mid: dawr, dowr.

2

door: m.l (-rar, m.l) 1. Wax xul ah. 2. In d. ah: wax aan la tirin karin oo qiyaas ahaan badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

door

DHAFANDHAAF
1

m. n., [collective], (adj.): selection; role, part (in a play); selective; fine, excellent

2

door v. select, choose; recommend

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

door

DHAFANDHAAF

/dhoor/ (n) albaab.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

door

DHAFANDHAAF

-ka: (n) role (rool); function (fak-shen); position; duty; part ~ kaalin

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Door

DHAFANDHAAF
1

Scelta; preferenza

2

Choice; preference

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

door

DHAFANDHAAF
1

(fal) «u ~» isha mari oo ka wanaagsan ka qaad. U door inanta dirac wanaagsan. Dh: xul.

2

door-ka: (magac, lab, keli) kaalin ama darajo.

3

door -ka: (magac, lab, keli) xilli ama wakhti keli ah. Door keliyaan dalka imid degdegna waan u laabtay.

4

door -ta: (magac, dhedig, keli) xayga higladu bixiso jiilaalkii. Hir caleenliyo, higlo door weyn, mid unbaad heli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

door

DHAFANDHAAF

n., albaab, -ki, illin, -ki, dah, -hi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

foor

DHAFANDHAAF

f.g1 (-ray, -rtay) Ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida cid uga dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

foor

DHAFANDHAAF

f.g1 (-ray, -rtay) Ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida cid uga dhicid. m.f.dh, foorid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

foor

DHAFANDHAAF

v. win (a game)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foor

DHAFANDHAAF
1

(fal) ciyaar tartan ah ka badi. Dh: badi.

2

foor -ka: (magac, lab, keli) dhallinyarada intooda xulka ah. Dh: xul, haldoorro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

foor

DHAFANDHAAF
1

de: win (a game)

2

lx: foor

3

pd: (fooray)

4

ps: v1=

5

key: foor

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Goor

DHAFANDHAAF
1

(Goor-ta)

2

Waqti gudihiisa wax dhacaan ama waxyaalo dhacay u dhexeeya, oo loo qaybsho mid jooga, mid tegey iyo mid soo socda (tagto, joogto, timaaddo); waqti; waa; had; kol; shin; wesin; samaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

goor

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

goor

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. Goortiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

goor

DHAFANDHAAF

f. n. time, moment, occasion; occurrence

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

goor

DHAFANDHAAF
1

-ta: (n) one of several instances; times (teeymis). Ex: meeqa goor? how many times?

2

goor dambe: later time (leeyter teeym) ~ waqti dambe

3

goor hore: (n) earlier time

4

goor kale: (n) another time ~ wakhti kale

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goor

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wakhtiga dhacdooyinka lagu tilmaansado oo u qaybsan mid tegay; mid jooga iyo mid soo socda. Dh: miley, waa', kol, had.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

goor

DHAFANDHAAF
1

cf: jeer, kol, mar, waqti, xilli

2

de: time, moment, occasion; occurrence

3

lx: goor

4

pd: (-ta)

5

ps: n1-f-time, n4-f

6

key: goor

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

goor

DHAFANDHAAF

زَمَن وَفَّت

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hoor

DHAFANDHAAF
1

(Hoor-ka)

2

1. (roob, kd.) di'itaan; soo daadad; soo qubad; tiix.

3

2. (-) jaadadka geela mid kamid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hoor

DHAFANDHAAF
1

hoor¹: m.l 1. Dhibco biyo ah oo meel ka soo dhacaya. 2. Illin.

2

hoor²: m.l (kiimika) Wejiga maatarka ee saxarrada walaxdu ay ka koobantahay isugu dabranyihiin si debecsan.

3

hoor³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Roob di'id. 2. Dhibco biyo ah meel ka soo dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hǫor

DHAFANDHAAF

m.l Nooc geela ka mid ah, caano badan, adkaysi yar, dhogor yar, bar gaaban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

hoor

DHAFANDHAAF
1

hoor¹: m.l 1. Dhibco biyo ah oo meel ka soo dhacaya. 2. Illin.

2

hoor²: m.l (kiim.) Wejiga maatarka ee saxarrada walaxdu ay ka koobantahay isugu dabranyihiin si debecsan. m.f.dh, hoorid.

3

hoor³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Roob di'id. 2. Dhibco biyo ah meel ka soo dhicid. m.f.dh, hoorid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Hoor

DHAFANDHAAF

Liquid

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hoor

DHAFANDHAAF
1

m. n., [collective] drops; raindrops, rainfall; tears; liquid {chemistry}

2

hoor v. rain, pour, gush

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

hoor

DHAFANDHAAF

-ay / tay: (v) 1. seep (siip); ooze (uuz) ~ daroor. 2. rain heavily

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hoor

DHAFANDHAAF
1

(fal) roob, il iyo wixii la mid ah, da' oo xoog u tiix ama shuban. Beereleydu waxay yidhaahaan: Hororay rooboow hoor. Li: qaad.

2

hoor -ka: (magac, lab, keli) roob iyo wixii la mid ah, dhibic dhibic u di'id, u soo daadasho, u tiixid. Sidii roob ku hooray meel cosob loo, cadceedi u soo baxdaad tahay.

3

hoor -ka: (magac, lab, keli) magac guud oo dareeraha oo dhan ka dhexeeya. Dh: dareere. Li: adke.

4

hoor -ka: (magac, lab, keli) walxaha sida biyaha ee shubmi kara ee isla markaana dareera.

5

hoor-ka: (magac, lab, keli) jaadadka geela jaad ka mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Koob

DHAFANDHAAF
1

(Koob-ka)

2

Weel yar oo badanaa dheg iyo seesar leh oo wax lagu cabbo; fujaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koob

DHAFANDHAAF
1

koob¹: m.l (-bab, m.l) 1. Weel yar oo badanaa dheg leh oo wax lagu cabbo; fijaan. 2. Qalab ka samaysan dahab, qalin iyo wixi lamida oo lagu kala qaato tartamada cayaaraha.

2

koob²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax dhammaantood wada marid ama wada aqoon. 2. Soo k.: arrin iyo wixi lamida soo gaabin.

waa la naqliyay ✓