koomid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yar ama xaasaasiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobmid
m.f.dh eeg kooban¹. la-mid: koobniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koobid
(Koobid-da)
Ogaal iyo aqoon wax ku garasho; wada gaarid; wada tirin; taabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobid
m.f.dh eeg koob².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koobid
vl. n. shortening, curtailment; abbreviation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koobid
-da: (n) [with preposition soo] summation (sammeeyshin); the concluding part of a speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal iyo wax la mid ah, soo gaabin ama soo ururin.
koobid-da: (magac, dhedig, keli) ogaal iyo aqoon wax ku garasho oo wada gaadhid. Dh: taabid, weelayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koobid
de: shortening, curtailment; [ext.] abbreviation
lx: koobid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: koobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koorid
m.f.dh eeg koor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomid
m.f.dh eeg qoon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac gaadhsiin; wax yeellayn; dakhar ku dhifasho. Dh: dakhrid, dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomid
(Soomid-da)
Soon gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomid
m.f.dh eeg soon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soomid
vl. n. fasting in the holy month of Ramadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomid
-da: (magac, dhedig, keli) soon gudasho, cunto iska dayn maalintii bisha ramadaan. Li: cunid, afurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soomid
de: fasting in the holy month of Ramadan
initial: s
lx: soomid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: soomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoomid
(Xoomid-da)
Wadajir, wax ama meel isugu soo uruurid, isa soo tuurid, ku soo shirid; shamuumid; heemasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo ururid oo ku soo shawrid. Dh: xoomis, ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoomid
(Yoomid-da)
Wada hugmid; isku yeerid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoomid
m.f.dh eeg yoon². la-mid: yulqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoomid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo dhaadheer kol isku wada darid. Dumar hadday dagaalamaan way yoomid badan yihiin. Dh: yulqamid, buuqid.
yoomid -da: (magac, dhedig, keli) maqaaxi iyo wixii la mid ah si wanaagsan u cammirnaan. Kala tage kadhaalaha madhiyo kiristal yoomaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxmid
(Dooxmid-da)
Doox ka imaansho; doox sii deyn; shuban dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxmid
m.f.dh eeg dooxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dooxan oo uurka ka qalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosmid
m.f.dh eeg goosan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolmid
m.f.dh eeg hoolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoolan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khoofid
m.f.dh eeg khoof².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khoofid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi qabid. Dh: bagid, cabsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koomade
name-m visionary; very far-sighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Koomade
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo inuu noqdo mid aragti gun dheer leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomeed
-ka: (magac, lab, keli) walaxcireed dhex orodda meerayaasha bahqorraxeedda ah oo markay qorraxdu u soo dhawaato u uumibaxda neef iyo huubo is daba jiidanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolmid
m.f.dh eeg qoolan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonmid
m.f.dh eeg qoon4.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qotomid
(Qotomid-da)
Qoton u taagnaan, u dhignaan; lig ahaan; likaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotomid
m.f.dh eeg qoton². la-mid: qoton¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotomid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku taagnaan oo saray u joogid. Dh: taagni, likaysni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soocmid
m.f.dh eeg soocan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida adhiyo kale ku jiaray oo gooni uga baxid.
soocmid -da: (magac, dhedig, keli) wax soocan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodmid
m.f.dh eeg xoodan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo qoolaabmay oo godan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoonmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kood
1. ° (Kood-da) Meel yare taagan; buur yar; burco.
2. (Kood-ka) a) Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin, midkood; goon. b) Hadal laysku qarsado; faq. c) Xodxodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kood
kood¹: m.l (-dad, m.l) 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kood
kood¹: m.l (-dad, m.l) 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
kood²: (-kood) dk.lh.l la-mid: kooda².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kood
m. n. bone above the eye; temple
kood m. n. secret conversation, private talk
kood [feminine] n. hillock, small hill ~ dune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kood
-ka: (n) small hill; hillock (hilak) ~ buur-yar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kood
-ka: (magac, lab, keli) meel yara taagan ama buur yar ah. Dh: burco, kadankood. Li: luuq, qaw. Wa: koodad.
kood -ka: (magac, lab, keli) lafaha gebbiga ah ee ka sarreeya indhaha ee ay sunnayaashu ku yaallaan midkood. Wa: koodad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin. m.f.dh, oomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomi
v. make thirsty; leave thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomi
-yey I say: (v) cause to be thirst; make feel thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomi
(fal) biyo u diid. Oomi inanta la jeexay nabarku ha bogsadee. Dh: harraadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomi
de: make thirsty; leave thirsty
lx: oomi
pd: (oomiyey)
ps: v2a=tr
key: oomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kogid
(Kogid-da)
Kulayl darti iskula soo roorid, soo ururid, isku sooyaraansho; qonbobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kogid
m.f.dh eeg kog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka k.: cid war xiiso leh sheegaysa hadal ka gurid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koobi
-yey / say: (v) [with preposition ka] lend an ear; listen (lisin)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koodi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koodi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho. m.f.dh, koodin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koodi
v. confide in, whisper to, talk secretly with; court, woo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koodi
(fal) haasaw oo bilow sheeko guur. Naag kun baa koodisa kowna way ka guursataa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koodi
de: confide in, whisper to, talk secretly with; court, woo
lx: koodi
nt: koodin (ta) [vn-f], koodis (ka) [vn-m]
pd: (koodiyey)
ps: v2a=tr
key: koodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koofi
m.dh la-mid: koofiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koofi
f. n. hat, cap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koofi
-da: (n) hat (haat); cap (kaap) ~ koofiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koofi
-da: (magac, dhedig, keli) maro madaxgashi ah oo midabyo ama xadhadh leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koofi
de: hat, cap {C & S}
lx: koofi
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: koofi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid ammaan u jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooli
v. pamper, coddle; praise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooli
de: pamper, coddle; praise
lx: kooli
nt: koolin (ta) [vn-f], koolis (ka) [vn-m]
pd: (kooliyey)
ps: v2a=tr
key: kooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooma
m.dh Miyirbeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooma
m.dh Miyirbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koori
f.mg2 (-iyay, -isay) Koor yeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koori
v. ring (a bell); court
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koori
-ga: (magac, lab, keli) heensaha faraska mid ka mid ah. Dh: koore.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koori
de: ring (a bell); court
lx: koori
pd: (kooriyey)
ps: v2a=
key: koori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koowi
(Koowi-ga)
1. Qoryo geedquwaax ah oo shabaagta la dhiga hayo lagu xiro si uu u sabbeeyo oo meel fog looga arko.
2.* Wixii sabbeeya oo waddada maraakiibtu marayso lagu asteeyo oo dhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koowi
m. n. bamboo attached to a fishing-net as a marker; buoy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koowi
de: bamboo attached to a fishing-net as a marker; buoy
lx: koowi
pd: (-ga)
ps: n-m
key: koowi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooyi
deictic, subject case: that one, those [subject]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooyi
de: that one, those [SUBJECT]
lx: kooyi
ps: deic-m-subj
key: kooyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korid
(Korid-da)
1. Kolkii hadba fil kordhoba, weynaan kordhid; dheeraansho; soo bixid.
2. Meel sare lug ku fuulid; (wax) dusha ka fuulid; tafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korid
m.f.dh eeg kor².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korid
vl. n. ascending, climbing, rising
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korid
-da:(n) growing (garoowing); raising (reeyzing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korid
-da: (magac, dhedig, keli) da'dii hore kor u dhaafid; fil hor leh gaadhid.
korid -da: (magac, dhedig, keli) meel sare lug ku fuulid; dusha ka fuulid. Dh: tafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korid
de: ascending, climbing, rising
lx: korid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: korid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oo'id
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka qaylin, gacmaha ka taagid, cabasho siyaado ah. Oo'idda odayga wayn iska eeg cuqubaa ku jirtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodid
(Oodid-da)
Ood saarid; xirid; awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodid
m.f.dh eeg ood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodid
-da: (magac, dhedig, keli) ood ku meerin.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) ood afka ka saarid. Oodidda Irridda Saynab baan u diray. Dh: awdid.
oodid-da: (magac, dhedig, keli) alaab furan xidhid. Dh: xirid, awdid. Dh: furida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogid
(Oogid-da)
1. (dab) aad u shidid.
2. Sii wadid; joojin la'aan; toosin; qumin; abaabulid, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogid
m.f.dh eeg oog³.