koolestarool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolestarool
m.l (daawo) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koolestarool
m.l (cilmiga naflayda) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
cholesterol
(n) a pearly, fat-like substance that is a major cause of heart disease.
waxa baruurto kale ah keentana wadna xanuun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cholesterol
/kalestarool/ (n) maaddo laga helo unugyada jirka, oo caawisa badashada baruurta, dabadeedna xirta halbowlayaasha dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kontorool
kontorool¹: m.l 1. Wax baaridda wax la baaro. 2. Meel wax lagu baaro.
kontorool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) Wax baarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kontorool
kontorool¹: m.l 1. Wax baaridda wax la baaro. 2. Meel wax lagu baaro.
kontorool²: f.g1 (-oolay, -ooshay) Wax baarid. m.f.dh, kontoroolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kontorool
m. n. control
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kontorool
-ka: (magac, lab, keli) meel inta baabuurta iyo wixii la mid ah, la joojiyo, lagu baadho. Dh: kontarool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kontorool
de: control {Eng}
lx: kontorool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kontorool
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
molestare
v.tr. - dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
elektaroon
m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
elektaroon
m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
elektaroon
-ka: (magac, lab, keli) saxar saleed sita saldanab tabane ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolkafool
-ka: (magac, lab, keli) badheedh iyo qarsoodi la'aan is kaga horimaansho.
foolkafool -ka: (magac, lab, keli) iska hor imaad toos ah. Dagaal foolkafool ah baa dhacay. Dh: toos.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
proletario
s.m. - muruqmaal, xoogsade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boollibarooro
-da: (magac, dhedig, keli) noole la bah ah balambaallista oo afar baal leh, meelaha biyaha dul wareegaa. Boolibarooro biyo lagama biyo laga ag waayo. Dh: baalalley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafool kafool
n. phr. open confrontation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafool kafool
(Expression) face to face; directly confronting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafool_kafool
de: open confrontation
lx: kafool kafool
ps: np
key: kafool_kafool