koobaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal. Dh: googaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobaabin
(Goobaabin-ta)
Xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal: dhibceheedu isku in bay wadaageheeda u wada jiraan oo uma kala dhowa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabin
m.dh la-mid: goobaab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobaabin
f. n. enclosure, circle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobaabin
-ta: (n) circle (seer kel); ring (ring); a circular shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal. goobaabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax goobaabo leh ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobaabin
de: enclosure, circle
lx: goobaabin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: goobaabin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaaban
f.g4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: goobaaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaaban
(tilmaame) wax ama meel la koobaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koobaabid
(Koobaabid-da)
Xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wada wareejin, ku soo meerin; goobaabin ku soo wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabid
m.dh la-mid: goobaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wareejin. Dh: googaabid ku wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaab
koobaab¹: m.dh la-mid: goobaab¹.
koobaab²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: goobaab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koobaab
v. form a circle; coil, loop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaab
-ka: (magac, lab, keli) wax wareegsan. Dh: goobaabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koobaab
de: form a circle; coil, loop
lx: koobaab
pd: (koobaabay)
ps: v1=
key: koobaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabo
f.g3 (-btay, -batay) la-mid: goobaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab iyo wixii la mid ah, hurin. Digadoo hulaaqdiyo, doolaabin kicin u ah, murankoo danteeda ah, wadwadkay ku darartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la goobaabay ahaansho. la-mid: koobaaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la goobaabay ahaansho. m.f.dh, goobaabnaan. la-mid: koobaaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaaban
(tilmaame) wax goobaabin loo sameeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabid
m.f.dh eeg goobaab². la-mid: koobaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wareejin; goob maageerid. Goobaabidda ayaa ceelqodista ka horreysa. Dh: meegaarid, xeerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabnaan
m.dh la-mid: goobaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid goobaaban ahaan; goobaabnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Soo gaabin
Abbreviation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo gaabin
-ta: (n) summary (samari); the act of making short
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Soo gaabin
Riassunto
Summary
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kooban
La koobay; wax lagu soo meershey; dhinacyadiisa lala soo wareegey oo la yaqaan; la soo yareeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooban
kooban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Ku k.: wax koobmay noqosho.
kooban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax la koobay ahaansho. 2. Ku k.: wax ku eg meel oo aan dhaafsaneyn ahaansho. “Ceebtaasi Cali bay ku koobantahay”. 3. Ka k.: wax dhawr shey isugu jira ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooban
kooban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Ku k.: wax koobmay noqosho. m.f.dh, koobmid.
kooban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax la koobay ahaansho. 2. Ku k.: wax ku eg meel oo aan dhaafsaneyn ahaansho. Ceebtaasi Cali bay ku koobantahay. 3. Ka k.: wax dhawr shey isugu jira ahaansho. m.f.dh, koobnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kooban
Finite
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooban
der. [adjective] forming a circle, looped, coiled; summarized; assorted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kooban
-koobnaa: (adj) brief (biriif); in short, —ka kooban: (v) consisting of (konsiisting of); made up or composed ofikom-poowzidh of)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooban
(tilmaame) wax la koobay; wax la yareeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooban
cf: kob
de: forming a circle, looped, coiled; summarized; assorted; counted, included, inclusive
lx: kooban
pd: (koobnaa)
ps: adj-der
key: kooban
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kooban
مُوجَزٍ مُخْتَصَرٍ
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koobbi
-ga: (n) copy (kaapi); duplicate (duplilkeet) ~ nuqul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobin
m.f.dh eeg koobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabin
m.dh la-mid: ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo yar, sida wax loo cuno, barid. Dh: ababin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobbin
(Doobbin-ta)
Doob soo rididda awrka qooqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobbin
m.f.dh eeg doobbi². la-mid: doobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobbin
-ta: (magac, dhedig, keli) doob ridid oo kaga yeedhin. Baarqabka waxa lagu yagaan doobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaab
goobaab¹: m.dh (-bo, m.l) Xarriiq sida gadowga u wareegsan oo meel bannaan ku taal: dhibceheedu isku in bay wadaageheeda u wada jiraan oo uma kala dhowa. la-mid: goobaabin, koobaab¹, koobaabin.
goobaab²: f.g1 (-bay, -btay) Xarriiq wareegsan samayn. la-mid: koobaab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobaab
f.g1 (-bay, -btay) Xarriiq wareegsan samayn. m.f.dh, goobaabid. la-mid: koobaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobaab
f. n. circle; circumference; zero
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobaab
-ay / tay: (v) make a circle or circular shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaab
(fal) wareeji oo maageer. Jagada goobaab si aanan loogu soo durkin. Dh: meegaar, xeer.
goobaab -ka: (magac, lab, keli) meel wareeg ah. Dh: maageer, meegaar, xeer.
goobaab -ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq wareegsan oo ay labadiisa dhinac is hayaan oo dhan. walba ka oodan oo bar kaste oo ka mid ahi ay in isle'eg ka fog tahay barxuduneedda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobaab
de: circle, circumference; zero
lx: goobaab
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: goobaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobaan
(Hoobaan-ta)
Miraha bislaada; dhuguc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobaan
m.dh.u Miro aad u bislaaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobaan
m.dh.u Miro aad u bislaaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobaan
f. n., [collective] ripe fruit
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hoobaan
name-unisex ripe fruit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoobaan
-ta: (n) edible ripe fruits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hoobaan
magac loo baxsho gabadh qurux badan oo lagu shabbahayo sidii mudho bislaaday oo qurxoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midhaha bislaaday ee dhulka ku soo daata ama laan keliya ku teedsan oo soo laalaada. Hoobaan bislaatiyo, hibaaq baxay la moodyeey. Dh: dhuguc, rooshaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobaan
cf: dhuguc
de: ripe fruit
lx: hoobaan
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: hoobaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabi
(fal) cid kale, ka saar muruqa qabtay ama xididka haya; ku diiri maro qoyan ama dufan la mariyey oo dabka lagu kulayliyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaad
m.l la-mid: koowaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooraan
-ka: (magac, lab, keli) qayb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yagaan danab, loona isticmaalo awooddhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iyo wixii la mid ah.
kooraan -ka: (magac, lab, keli) xiisadda jacda ama jacda iyo danabka laftiisa. Dh: koronto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabo
f.g3 (-btay, -batay) Goobaab samaysasho. la-mid: koobaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal gubaabo ah u jeedin. Guubaabintii baan weli gawda ku hayaa. Dh: tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabin
(Habaabin-ta)
Qof, kd., dhul uusan kala aqoon ku dhex lumin; anbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabin
m.f.dh eeg habaabi. la-mid: habaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbinta qof jidkii qummanaa laga anbiyo ama laga leexiyo. Dh: Jumin, anbin, hallayn. Li: toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobnaan
m.f.dh eeg kooban². la-mid: koobnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kooban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobniin
m.dh la-mid: koobmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobniin
-ka: (magac, lab, keli) ogaal iyo aqoon wax ku garasho; wada gaarid; wada tirin. Dh: taabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kowkabin
(Kowkabin-ta)
Kow iyo labo dhihid; tirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowkabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, war ka gurid; koow! dhihid. Dh: kowdhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomaarin
m.f.dh eeg oomaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) baylin oo aad u fixin. Oomaarinta shaaha ayaan sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dembi inay gasho sabab u noqosho. Dh: dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dembaabin
m.f.dh eeg dembaabi. la-mid: dambaabin, dambaabis, dambaabsiin, dambaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dembaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dambaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foohaarin
(Foohaarin-ta)
(is foohaarin) Xarrago iyo isweyneyn dhar waaweyn u qaadasho oo dadku is tustusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foohaarin
m.f.dh eeg foohaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foohaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is ~» xarrago ay isweynayni ku jirto darteed, dhar waaweyn u qaadasho oo dad istustussid. Dh: foohaartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofaarin
m.dh la-mid: goofaadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guubaabin
(Guubaabin-ta)
Hadal guubaabo ah, cid kula hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubaabin
m.f.dh eeg guubaabi. la-mid: guu-baabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guubaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kicin cid la ururinayo oo colaad loo lagu guubaabinayo. Dh: boorrin, dhiiri-gelin, tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosaasin
(Hoosaasin-ta)
1. Hiillo, haddana la qarinayo; garabgoroyo; garabhagoojin.
2. Hoos u yeelid, ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaasin
m.f.dh eeg hoosaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosaasin
f. n. bias, concealed partisanship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo daacad la iska dhigayo qof hoos waxyeello u gaadhsiin ama hadal dacaayad ah u maldihid. Dh: dagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosaasin
de: bias, concealed partisanship
lx: hoosaasin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hoosaasin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabin
(Kharaabin-ta)
Kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabin
m.f.dh eeg kharaabi. la-mid: khar-raabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la koosaaray ahaansho. la-mid: goosaaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koosaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la koosaaray ahaansho. m.f.dh, koosaarnaan. la-mid: goosaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosaaran
(tilmaame) cunno koosaar lagu daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaarid
m.f.dh eeg koosaar². la-mid: goosaarid.