kombiyuutar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kombiyuutar
m.l (-rro, m.dh) (tegno.) Aalad ku shaqeysa elektroonik si gaar ahna u qabata xogta lagu kaydiyo, marka loo baahdana si qeexan uga jawaabta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kombiyuutar
m.l (-rro, m.dh) (tegno.) Aalad ku shaqeysa elektroonik si gaar ahna u qabata xogta lagu kaydiyo, marka loo baahdana si qeexan uga jawaabta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kombiyuutar
Computer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kombiyuutar
m. n. computer; electronic calculator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kombiyuutar
-ka: (n) computer (kom piyuutar) ~ kambiyuutar, koombiyuutar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kombiyuutar
-ka: (magac, lab, keli) qalab noocyo kala duwan leh oo awoodo badan leh, oo waxii lagu qoro kaydiya, adeegsiyo kale oo badanna leh. Wa: kombiyuutarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kombiyuutar
de: computer; electronic calculator {Eng}
lx: kombiyuutar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kombiyuutar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koombiyuutar
-ka: (n) computer (kom piyuutar) ~ kambiyuutar, kombiyuutar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kambiyuutar
-ka: (n) computer (kom piyuutar) ~kombiyuutar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kumbiyuutar
-ka: (n) computer (kumbiyuutar computer)
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kombuyuuter
Computer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tusaale: “Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąalad
m.dh (-do, m.dh) 1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tusaale: “Kombiyuutarku waa ąa. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aalad
ąalad: m.dh (-do, m.dh) 1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tusaale "Kombiyuutarku waa ąa. cusub oo cilmibaarista fududaysay". 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adeegso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tusaale: Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa. m.f.dh, adeegsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
elegtroonig
m.l Habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadarada, telefeeshinnada, kombiyuutarka iyo wixi lamida. la-mid: eletroonig.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Computer
Kombiyuutar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
input
/input/ (n) la galiyo (wax la geliyo shay sida kombiyuutarka iyo qaybaha mashiinka).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
monochrome
/monakrowm/ (adj) hal midab kaliya leh (sida telefishinka kombiyuutarka iwm).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Computer
Kombiyuutar
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Computer (economics)
Kombiyuutar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
computer
s.m. - kombiyuutar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanayso
(fal) shey ad ku manaafacaaddo ergiso oo dabadeed na aad ciddii lahayd u soo celiso. Ammaanayso kombiyuutar aad hawsha iskaga soo dhammayso. Dh: ergiso, qardayso, amaaho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonso
(fal) garo oo wax aanad aqoon fahan. Aqoonso in aad kombiyuutarka adeegsato.
aqoonso: (fal) aqoonso dawlad cusub ama cid kale ictiraaf. Annagu ma qaoonsanaynno Israa'iil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fur
(fal) reer raran oo socoto ah, halkii loo tusmeeyay deji.
fur: (fal) halxidhaale lagugu xujeeyay, waxa loola jeedo, sheeg.
fur: (fal) radyaw, telefishan, kombiyuutar iyo wixii la mid ah, daar oo shid.
fur: (fal) meel ama wax xidhan, barax oo ballaq.
fur: (fal) wax isku guntan, sida xadhig iyo wixii la mid ah, kala bixi. Labada xadhig kala fur.
fur: (fal) markhaati laguu qabsaday, waxaad ka ogtahay sheeg. Dh: maragfur.
fur: (fal) gabadh guur iyo meher kuugu xidhna, dalaaq.
fur: (fal) xaflad ama xus la isugu yimi, bilaw Shirka waxa furay guddoomiyaha xisbiga
fur-ka: (magac, lab, keli) wixii meel daloosha lagu awdo ama lagu gufeeyo.
fur -ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo weel ay wax ku jiraan afka lagaga xidho. Dh: dabool.
fur -ka: (magac, lab, keli) waxa xoog lagu dhaco oo dhan; wax kaste oo boojimo lagu helo.
fur -ta: (magac, dhedig, keli) hashu kolka ay dhasho guf yar oo ibaha naasaheeda ku jira co laga saaro si caanuhu uga soo baxaan oo aanay ugu xidhmin. Dh: ibaggaleen.
fur -ta: (magac, dhedig, keli) sumad xoolaha lagu dhigo oo jeex yar dhegta loogu yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalay
(fal) neef dhimanaya gawrac si aanu duufin. Laxda xalaalay intayna duufin. Dh: qal xalaalee, gawrac. Li: duufi.
xalaalay: (fal) ilma yar baarada ka goo gaar ahaan gabadh. Wiilku intuu yaryahay xalaalay. Dh: gud, baaragoo, xalaalee.
xalaalay: (fal) ammaano ciddii lahayd illaws iska yeelo. Hadduu kombiyuutarka kuu soo doona waayo ka xalaalay. Dh: xalaalee.
xalaalay: (fal) shay inuu bannaan yahay banne ku fatwoo. Cunidda jaadka xalaalay: Dh: xalaalee bannay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
informaticien
informaticien, n. - qofka aqoonta u leh kombiyuutarka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
informatique
informatique, n.f. - kombiyuutarka la xidhiidha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
informatiser
informatiser, v. - kombiyuutar la galiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyuusan
question word, vl. pron., +: is he not ...?, did he not ...?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyuusan
(question word) isn't he..? is he not..? miyuuna; miyaanu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyuusan
de: is he not ...?, did he not ...?
lx: miyuusan
pd: (miyaanu)
ps: qw + focus + vpro + neg
key: miyuusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordiyuulam
m.l (-myo, m.dh) (daawo) Halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hordiyuulam
m.l (-myo, m.dh) (daaw.) Halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordiyuulam
-ka: (magac, lab, keli) halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.