kolaytis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolaytis
m.l (daawo) Halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kolaytis
m.l (daaw.) Halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolaytis
-ka: (magac, lab, keli) (daawo) halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuban
shuban¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
shuban²: m.l (daawo) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iyo wixi lamida. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban³: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho.
shuban⁴: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuban
shuban¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
shuban²: m.l (daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka 'crohn'), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iyo wixi lamida. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
shuban³: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho. m.f.dh, shubmid.
shuban⁴: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho. m.f.dh, shubnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kolayfiiq
(Kolayfiiq-a)
Kolayga fiiqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolayfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Weel qashinka lagu ururiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kolayfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Weel qashinka lagu ururiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kolayfiiq
m. n., [compound] garbage bag ~ can, waste basket, dust-bin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolayfiiq
-a: (magac, lab, keli) weelka qashinka lagu guro; kolayga fiiqa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kolayfiiq
de: garbage bag ~ can, waste basket, dust-bin {N}
lx: kolayfiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: kolayfiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulayliso
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ama caag ka samaynsan oo wixii gudaha loogu rido kulaylkoodii ku haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kolay
(Kolay-ga)
Kiish ama qandi alaabta lagu rito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolay
m.l (-yo, m.dh) Kiish ama qandi alaabta lagu rito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kolay
m.l (-yo, m.dh) Kiish ama qandi alaabta lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kolay
m. n. basket, bag, pouch, box; bucket; diplomatic pouch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kolay
-ga: (n) bag (baag); sack (saak); pouch (paawj) ~ kiish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolay
-ga: (magac, lab, keli) sallad iyo wixii la mid ah oo wax lagu rito. Dh: munbeer.
kolay -ga: (magac, lab, keli) gellinka hore ee sayladda ama suuqa wax la kala iibsanaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kolay
a: koley
cf: kiish, ohli, qandi
de: basket, bag, pouch, box; bucket; [ext.] diplomatic pouch
lx: kolay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: kolay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baytis
m.l la-mid: baytin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laylis
m.l la-mid: laylyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laylis
vl. n. exercise, drill, training
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laylis
-ka: (n) exercise (eksersaayz); drill (diriil)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laylis
Addestramento iniziale
Initial training
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laylis
-ka: (magac, lab, keli) eeg layli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laylis
de: exercise, drill, training
lx: laylis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: laylis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tolayn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
colitis
(n) inflammation of the colon.
mindhicir xanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaysi
-ga: (magac, lab, keli) moogaysi; meertaysi; kaltan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaayis
khaayis¹: m.l 1. Cunto waqtigeedii dhammaaday oo dhacday. 2. Cunto baryood ah.
khaayis²: f.mg1 (-say, -stay) Cunto waqtigeedii dhammaaday oo aan la cuni karin noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaayis
-ka: (magac, lab, keli) cunto ama cabbitaan waqtigeedii dhammaaday oo aan la cuni karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulanti
(Kulanti-da)
Kulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulanti
m.dh la-mid: kulan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulanti
vl. n. meeting, getting together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulanti
-da: (magac, dhedig, keli) isu'imaad meel la isugu yimaaddo. Dh: urur, shir, kulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulanti
de: meeting, getting together
lx: kulanti
pd: (-da)
ps: vn-f
xe: Nice meeting you.
xv: Kulanti wanaagsan!
key: kulanti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulayli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax kulayl ka dhigid. la-mid: kululee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulayli
v. heat (up), warm something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulayli
-yey/kulaylisay: (v) heat up, warm up, stoke up the fire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulayli
(fal) wax qabow noqday dabka saar oo kulayl ka dhig. Dh: bayli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulayli
de: heat (up), warm s.t.
lx: kulayli
pd: (kulayliyey)
ps: v2a=tr
key: kulayli
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOLAATI
(Collati) NFD, S Diospyros cornii Chiov. Ebenaceae.
S Mimusops fruticosa A. DC. Sapotaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysi
m.l la-mid: qolaysasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
volatil
volatil, adj. - u rogman kara qaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colaadis
m.l la-mid: colaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg colaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaawis
m. n., [collective] minced fried meat preparation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaawis
de: minced fried meat preparation
lx: kalaawis
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: kalaawis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulaylin
(Kulaylin-ta)
Kulayl ka dhigid; kululayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaylin
m.f.dh eeg kulayli. la-mid: kululayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaylin
-ta: (magac, dhedig, keli) kulayl ka dhigid. Dh: baylin, kululayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwaatis
m.l (jooloji) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwaatis
m.l (jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala. duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuwaatis
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah macaadinta aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayris
-ta: (magac, dhedig, keli) labo meelood, u kala weecasho. Dh: kalabaydhis, kalabaydhid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Allantois
Allantoys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiis
m.l la-mid: jalaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Si kadle ah u orodsiin (faras, dameer iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadlaysii
(fal) faras orod kadle ah orodsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalafujis
m.l la-mid: kalafujin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
keratitis
(n) inflammation of the cornea causing poor vision and pain,
isha budeeda oo bukoota keentana arag xumo
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Keratitis
Wiil Xanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khawayiis
m.l la-mid: khawaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kollajiin
m.l (-no, m.d) (c.nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax kolmo loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kolmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax kolmo loo yeelay ahaansho. m.f.dh, kolmaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kolmaysan
der. [adjective] having pendants ~ dangling trinkets
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolmaysan
(tilmaame) riyo wixii la mid ah oo kolmo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kolmaysan
de: having pendants ~ dangling trinkets
lx: kolmaysan
pd: (kolmaysnaa)
ps: adj-der
key: kolmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel kore saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korxaadis
-ka: (magac, lab, keli) iyada oo aan gunta loo degin, wax ka soo qaadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kuwaartis
Quartz
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogolaysii
(fal) eeg oggolaysii.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Parlaysis
Faalij
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qolaysmid
(Qolaysmid-da)
(biyo, kd.) Meel godan ama docaha ka awdan isugu uruurid; isugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysmid
m.f.dh eeg qolaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg galloocin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolatirs
-ta: (magac, dhedig, keli) tirin oo tirada xoolaha garasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydhis
-ta: (magac, dhedig, keli) labo meelood, u kala weecasho. Dh: kalabayris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululayliso
-da: (magac, dheddig, keli) weel cuntada lagu rido si ayna u qaboobin cashada kululaylisada iigu rid, imika cuni maayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oggolaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg oggolaysiin.