kodxingacalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodxingacalo
-da: (magacwadareed) xiddigo isku toosan oo yaryar. Waxa kale oo lo yaqaan kodxin cawo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudxingacalo
-da: (magac, dhedig, keli) xilli qofka dhashaa uu geelu u badto. Dh: hoodaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidingaal
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah khudradda suugada laga sameeyo gaar ahaan ta kalluunka lagu darsado. Bidingaal sooska nooga samee. Dh: bidingaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karingaabo
-da: (magac, dhedig, keli) karingaab; karingaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodxintareed
-da: (magacwadareed) toddoba xiddigood oo ay midi u madax weyntahay. Waxa kale oo loo yaqaan Tarkacad ama Mareegdheer. Samada badhtankeeda ba laga arkaa una badan galbeed.