kobolad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kobolad
-da: (magac, dhedig, keli) xejiyaha kaabaannada baabuurta isu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolad
(Foolad-ka)
Foolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolad
m.l la-mid: foolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foolad
vl. n. childbirth, labor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolad
-da: (magac, dhedig, keli) xus yar oo sharaab iyo macmacaan loogu sameeyo qof wax wanaagsan qabtay ama arday itixaan dhaafay. Dh: takriim.
foolad -ka: (magac, lab, keli) xaaladda xanuunka iyo dihashada leh ee ay dhedig oo dhami maraan. marka ay dhalayaan. Weli foolad ayay ku jirtaa gabadhii ma umulin. Dh: foolasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foolad
a: foolasho (/da) [vn-f]
cf: foolo
de: childbirth, labor
lx: foolad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: foolad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolad
m.l la-mid: loolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolad
(Qoolad-da)
Qol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolad
m.dh la-mid: qol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolad
f. n. room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoolad
-da: (n) room (ruum) ~ qol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolad
a: qol
de: room
lx: qoolad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qoolad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kobojaa
(Kobojaa-ga)
Bahal yar oo jirriqaaga u eg oo geeso dheerdheer leh, oo lagu yaqaan ci aad u dheer; haraati-geelle; (ama kabajaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kobojaa
m.l la-mid: kabajaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kobojaa
m. n. grasshopper; cicada
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kobojaa
-ga: (n) grasshopper (ga-raas hop per) ~ kabajaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kobojaa
-ga: (magac, lab, keli) noole yaryar oo jirriqaaga u eg oo leh geeso dhaadheer, dhirtana cuna. Dh: kabjaa, kabajaan, haraatigeelle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kobojaa
a: kabajaa
de: grasshopper; cicada
lx: kobojaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kobojaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kobolli
m.l la-mid: kibilli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kobolli
m. n. bat (flying mammal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kobolli
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiidmeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kobolli
a: kibilli
de: bat (flying mammal)
lx: kobolli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: fiidmeer {C & S}
key: kobolli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqolaad
(Boqolaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan boqolka jagadiisa ku abbaaran; (1OOd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqolaad
numeral: hundredth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolaad
-ka: (magac, lab, keli) tirada boqolka gaarsiisa; kan/tan boqolaad.
boqolaad -ka: (magac, lab, keli) tiro boqolboqol isu daba taxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqolaad
a: boqlaad
de: hundredth
lx: boqolaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqolaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboolad
-ka: (magac, lab, keli) weel afka dabool ka saarad. Dh: aabbudhad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goboleed
n. phr., genetive: regional
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goboleed
(adj) regional. Ex: dawlad goboleed; regional government
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goboleed
de: regional
lx: goboleed
ps: np-gen
xe: regional conference
xv: shir goboleed
key: goboleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobalad
m.dh Haweeney u go'day fanka iyo suugaanta; fannaanad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobalad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo taqaan farshaxanta ama falsamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabogsad
-ka: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsasho. Dh: raysasho, ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kobocsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ahaansho wax la kobciyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kobocsan
der. [adjective] chubby, rather fat; grown; prosperous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kobocsan
-aa: (adj) developed (divaloopidh); well-grown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kobocsan
(tilmaame) ilmo koray ama cayilaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kobocsan
de: chubby, rather fat; grown; [ext.] prosperous
lx: kobocsan
pd: (kobocsanaa)
ps: adj-der
key: kobocsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kororsad
(Kororsad-ka)
Wax kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kororsad
m.l la-mid: kororsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kororsad
vl. n. increase, act of increasing; improvement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kororsad
a: kororsasho (/da) [vn6-f], kororsi (ga) [vn2a-m]
de: increase, act of increasing; [ext.] improvement
lx: kororsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kororsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qobtolan
Sida qobtolka isugu kor tolan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobtolan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Heeryo wax la qobtolay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qobtolan
der. [adjective] many-layered, thick, heavy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qobtolan
(tilmaame) mid la karkaray. Shamiis qobtolan ayaad sidataa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qobtolan
de: many-layered, thick, heavy
lx: qobtolan
pd: (qobtolnaa)
ps: adj-der
key: qobtolan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qobtolid
(Qobtolid-da)
Labo cad ama gabal, sida qobtolka, isku kor tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobtolid
m.f.dh eeg qobtol².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qobtolid
-da: (magac, dhedig, keli) labo haylaaq ama gaballo maryo ah isku dul toltolid. Dh: karkarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xobbolid
-da: (magac, dhedig, keli) asturid wax cid gaar u ah. Dh: sheelid, garin, asturid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobolaysad
m.l la-mid: gobolaysasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bold
/booldh/ (adj) 1. geesi ah (aan waxba ka biqin); indha-adag. 2. si cad u muuqda (waadax ah); far waaweyn ku goran
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bold
/boold/ (adj) 1. dhiirryng (ing obsythaany). 2. far wywiing (eed lyng araghaw).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bold
a., geesi ah, qod ah, lab; n., geesi, -gi, rifay, -ihi, rifayaal (plural).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kood
1. ° (Kood-da) Meel yare taagan; buur yar; burco.
2. (Kood-ka) a) Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin, midkood; goon. b) Hadal laysku qarsado; faq. c) Xodxodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kood
kood¹: m.l (-dad, m.l) 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kood
kood¹: m.l (-dad, m.l) 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
kood²: (-kood) dk.lh.l la-mid: kooda².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kood
m. n. bone above the eye; temple
kood m. n. secret conversation, private talk
kood [feminine] n. hillock, small hill ~ dune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kood
-ka: (n) small hill; hillock (hilak) ~ buur-yar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kood
-ka: (magac, lab, keli) meel yara taagan ama buur yar ah. Dh: burco, kadankood. Li: luuq, qaw. Wa: koodad.
kood -ka: (magac, lab, keli) lafaha gebbiga ah ee ka sarreeya indhaha ee ay sunnayaashu ku yaallaan midkood. Wa: koodad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kool
(Koo-sha)
Ammaan; faan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kool
m.dh Ammaan; faan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kool
f. n. praise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kool
-sha: (magac, dhedig, keli) ammaan iyo faan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kool
de: praise
lx: kool
pd: (/sha)
ps: n-f
key: kool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka qayb ahaan israacsan. Baladkani waa kulayl. Dh: dal, waddan, beled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilad
(Bilad-ka)
Bisha dhalashadeeda ama bilaabashadeeda; bilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilad
m.l la-mid: bilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilad
vl. n. appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilad
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah ciyaaraha jiibta, jaanta iyo sacabka keliya lagu dheelo, waana ciyaaraha ay wada dheelaan ragga iyo haweenku. Ciyaartani waxay caan ku tahay gobollada Bari, Nugaal iyo Waqooyi Galbeed.
bilad -ka: (magac, lab, keli) bisha dhalashadeeda. Biladka bishay la sugayaan carooska. Dh: bilasho. Biladdaya: magac loo baxsho gabadh quruxdeeda aawadeed la iska dhex arko sida muraayadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilad
a: bilasho
de: appearance of a new moon
lx: bilad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: bilad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogad
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) hawl laguu xilsaaray, si wanaagsan u qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boola
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boojimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowad
-ka: (magac, lab, keli) eeg bangi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cobol
(Cobo-sha)
Geed caleemo balballaaran oo aan qodax lahayn; wuxuu kamid yahay dhirta qayacatadu ka baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cobol
m.dh Geed abaareed, caleen ballaaran oo aan qodax lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cobol
f. n. tree species, with large leaves but without thorns
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cobol
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo balbalaadhan oo aan qodax lahayn. Waxa uu ka mid yahay dhirta ay qayacatadu ka baxdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cobol
de: tree sp., with large leaves but without thorns
lx: cobol
pd: (/sha)
ps: n-f
key: cobol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gobol
(Gobol-ka)
1. Qaybaha dal u qaybsan yahay middood.
2. Gabal, qaar, cad, jeex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobol
m.l (-llo, m.dh) 1. Qayb, cad. 2. Qaybaha dal u qaybsan yahay middood. la-mid: gabal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gobol
m.l (-llo, m.dh) 1. Qayb, cad. 2. Qaybaha dal u qaybsan yahay middood. la-mid: gabal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobol
m. n. region, province, state; piece, part, section; subdivision, [ext.] administrative region
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gobol
-ka: (n) an administrative divison of a country; province (pro-vansi)-, region (rii-jen)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gobol
Regione
Region
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobol
-ka: (magac, lab, keli) qaybo dhul ah oo la isu raaciyay in ay isku dan noqdaan waxna wada qabsadaan.
gobol -ka: (magac, lab, keli) qayb wax ka mid ah; jab wax ka soo hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobol
de: region, province, state; piece, part, section; subdivision, [ext.] administrative region
lx: gobol
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gobol
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gobol
إقليم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hobol
m.l (-llo, m.dh) la-mid: hoobal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hobol
-hobasha: (n) actress (aak teris) ~ fannaanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabad
-da: (magac, dhedig, keli) raro qurux badan oo laga sameeyo maydhax ka kooban badhooq, duf iyo xadhko midabbo kala duwan leh oo aqal soomaaliga lagaga dhiso dhanka dahada awrtana rarka looga dhigo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
koala
koala, n.m. - Buti ku nool Ostraaliya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kobar
m. n., (mass n.): copper {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kobar
-ka: (n) copper (kopper); Symbol Cu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kobar
cf: naxaas
de: copper {chemistry}
lx: kobar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: kobar
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KOBLE
(Koble) S Launaea nigricola Jeffery. Compositae.