kiswad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiswad
(Kiswad-da)
Marashi; arratir; dhar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiswad
m.dh Dhar qaali ah, lagu xarragoodo oo dumarku qaataan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiswad
f. n. clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiswad
-da: (magac, dhedig, keli) marada madaw ee xariirta ah ee Kacbada la huwiyo, sannadkiiba mar. Kiswada kacbada warshad baa keligeed shubta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiswad
bw: Arabic
de: clothes
lx: kiswad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiswad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iswad
(fal) naftaada iyo noloshaada wado oo is hoggaami, iskuna fillow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kilwad
-da: (magac, dhedig, lab) meel daloosha oo hoos u godan. Dh: dalool. Wa: kilwado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxmil
-ka: (magac, lab, keli) maro xariir madow ah oo tel iyo Quraan lagu dul qoro oo lagu quxiyo oo qaali ah oo Kacbada la huwiyo. Maalinta cidd ayaa Kacbada maxmilka la huwiyaa. Dh: kiswad.
maxmil -ka: (magac, lab, keli) adkaysi gardarro loo adkaysto oo la dulqaato. Dh: xammil, dulqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiishad
(Kiishad-da)
Suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiishad
m.dh (-do, m.l) Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iyo wixi lamida lagu rito. la-mid: kiisad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiishad
f. n. money-belt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiishad
-da: (n) belt (beelt), especially worn by nomadic men
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiishad
-da: (magac, dhedig, keli) suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiishad
de: money-belt
lx: kiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiishad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isad
(tilmaame) wax ay cidi si gaar ah u leedahay. Nuur isad ayuu u leeyahay gaadhiga.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
swad
n., (for babies) dereb, -ti.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aswad
name-m black, master
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisad
(Bisad-da)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shinbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisad
m.dh (-do, m.l) Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano; dinnad; dummad; mukulaal, yaanyuuro; basho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisad
f. n. cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisad
da: (n) [Plural. bisado-ha] kitty (kiti); cat (kaat) ~ mukulaal, yaanyuur, durmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisad
-da: (magac, dhedig, keli) xawayaan dhogor jilicsan, dabjoogta ka mid ah, dadka la nool. Bisidna waa ka ciyaar jiirna waa ka naf. Dh: dinnad, basho, dummad, mukulaal, yaanyuur, durruf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisad
bw: Arabic
de: cat
lx: bisad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: dummad, mukulaal, yaanyuuro
key: bisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisad
m.dh la-mid: jiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jisad
f. n. reward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jisad
-da: (magac, dhedig, keli) abaalgud iyo samecelin. Dh: jiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jisad
de: reward
lx: jisad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: jiso
key: jisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisad
m.l la-mid: lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lisad
vl. n. act of milking; act of sharpening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisad
-ka: (magac, lab, keli) neef irmaan, lisasho. Dh: maalasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lisad
de: act of milking; act of sharpening
lx: lisad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisad
m.dh (-do, m.l) Waqti loo qayday cashar-bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xisad
m.dh (-do, m.l) Waqti loo qayday cashar-bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xisad
f. n. class period, lesson
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisad
see [eeg] xiisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xisad
-da: (magac, dhedig, keli) laba iyo in kabadan oo wax isku darsaday inta uu midkiiba xaqu leeyahay ee uu mutaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xisad
de: class period, lesson
initial: x
lx: xisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xisad
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iswada
Automatic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisyad
m.dh la-mid: jisyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jisyad
f. n. tax (which Muslims collect from non-Muslims)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jisyad
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo laga qaado dadka aan Muslinka ahayn oo lagu daranyadhabo laguna difaaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jisyad
a: jisyo (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: tax (which Muslims collect from non-Muslims)
lx: jisyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jisyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasaad
(Kasaad-da)
Kansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasaad
f. n. time for doing something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasaad
cf: kansho, munaasabo
de: time for doing s.t.
lx: kasaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: kasaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilad
m.l la-mid: kiilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilad
-ka: (magac, lab, keli) wax miisaamid; wax cabbirid. Dh: beegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisad
(Kiisad-da)
Kiis; kiish; kiishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisad
m.dh la-mid: kiishad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiisad
f. n. bag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiisad
-da: (magac, dhedig, keli) wax qalqale leh oo wax lagu rito ama la gashado. Dh: kiiishad Wa: kiisado, kiishado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiisad
de: bag
lx: kiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kushad
(Kushad-ka)
Kul iyo caro iska dareemid; dhiidhiyid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kushad
m.f.l eeg kusho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushad
vl. n. rage, extreme anger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kushad
-da: (magac, dhedig, keli) kul iyo cadho iska dareemid. Dh: dhiidhiyid, xanaaqid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushad
de: rage, extreme anger
lx: kushad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: kushad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akidaad
-da: (magac, dhedig, keli) taageeridda talo, arrin iyo wixii la mid ah oo la soo jeediyey. Akidaad baa la innaga sugayaa, in aan dhoofaynno iyo in kale. Dh: adkayn, ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biishad
m.dh (-do, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min shan dhibcood ku leh. la-mid: banjiyad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bislaad
-ka: (n) 1. ripeness (raaypnes) ~ dhuguc. 2. the state of being cooked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislaad
-ka: (magac, lab, keli) wax cunitaan diyaar u ah noqod. Dh: dhugcid, gaadhid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disband
/dhispaandh/ (v) ka-go'id (kala-jabid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
discard
/dhiskadh/ (v) iska-xoorid, ka takhalusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaashad
m.f.l eeg kaasho. la-mid: kaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaashad
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, taageersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashrad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan rajo lahayn oo la nacay. Dh: rajabbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawshad
-ka: (magac, lab, kali,) min ka mid ah minanka faalka magiiganaha. Waa minka ugu ba'as oo waa geesi, haseyeeshe qaylaa ku seegin, oo waxa la yidhaa 'Koore-liibaanlow Kawshad baa hadhay'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasnad
(Khasnad-da)
1. Weel adag oo waxa qaaliga ah oo la dhawra hayo iyo waxa la kaydsana hayo, la geliyo.
2. Maalka la kaydina hayo laftiisa; kensi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasnad
m.dh (-do, m.l) Bir aad u adag oo sida sanduuqa u samaysan oo lacagta, dahabka iyo wixi lamida lagu kaydiyo. la-mid: qasnad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasnad
m.dh (-do, m.l) Bir aad u adag oo sida sanduuqa u samaysan oo lacagta, dahabka iyo wixi lamida lagu kaydiyo. la-mid: qasnad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasnad
f. n. safe, strong box; treasure; treasury
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasnad
-da: (n) 1. safe (seeyf); treasury (tareeshari). 2. magazine (magasiin) ~ candhada qoriga. Ex: khasnadda qoryaha; magazine of firearms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasnad
-da: (magac, dhedig, keli) weel adag oo waxa qaaliga ah oo la dhawraayo iyo waxa la kaydsanaayo lagu gurto. Dh: qasnad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasnad
a: khasaanad
bw: Arabic
de: safe, strong box; treasure; treasury
lx: khasnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khasnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khibrad
(Khibrad-da)
Aqoonta khabiirku yeesho; farakuhayn; waaya'arag; (ama khibro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khibrad
m.dh (-do, m.l) Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. la-mid: khibro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khibrad
m.dh (-do, m.l) Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. la-mid: khibro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khibrad
f. n. experience
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khibrad
-da: (n) experience (ikis-piiri-yans); expertise (ekispeertiis); skill (iskil); expertness ~ xirfad, khibro, waayo-aragnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khibrad
-da: (magac, dhedig, keli) aqoonta waaya'araggu yeesho. Dh: waaya'aragnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khibrad
bw: Arabic
de: experience
lx: khibrad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khibrad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiddad
m.dh (-do, m.l) Qorshe loo sameeyo hawl, mashruuc iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khiddad
m.dh (-do, m.l) Qorshe loo sameeyo hawl, mashruuc iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiddad
f. n. plan, project
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khiddad
-da: (n) plan (palaari); scheme (iskiim); design (disaayn); map (maap); method (mathad) ~ qorshe, balaan, xarfad, xeelad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiddad
-da: (magac, dhedig, keli) qorshe maamul wanaagsan loo dejay. Dh: khuddad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiddad
bw: Arabic
de: plan, project
lx: khiddad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khiddad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khidmad
m.dh la-mid: khidmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khidmad
f. n. recitation ~ reading of the Koran at one sitting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khidmad
-da: (n) 1. service (servos); favor (feeyver). 2. service charge; fee (fii) ~ khidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khidmad
-da: (magac, dhedig, keli) waxa la siiyo qof adeeg cid kale u qabtay.
khidmad -da: (magac, dhedig, keli) hawl cid loo qabto. Dh: adeeg, khidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khidmad
bw: Arabic
de: recitation ~ reading of the Koran at one sitting See also: khidmo
lx: khidmad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khidmad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koowaad
(Koowaad-ka)
Kowaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koowaad
numeral: first
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koowaad
(adj) first (farest) Ex: aqalka koowaad ee bidixdaada; the first house on your left
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Koowaad
Primo
First
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koowaad
-ka: (magac, lab, keli) wax is dabasooda ama xiriir ah, kan ugu horreeya. Dh: kowaad.