kiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Hanti gaar ah sida baabuur, guri iyo wixi lamida manaafacaad-sigooda cid kale lacag kul heshiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Hanti gaar ah sida baabuur, guri iyo wixi lamida manaafacaadsigooda cid kale lacag kul heshiin. m.f.dh, kirayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiree
v. rent, lease, hire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiree
-yey / kireysay: (v) rent (rant)-, lease for rent to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiree
(fal) guri, gaadhi iyo wixii la mid ah, lacag muddo joogta ah leh ka qaad cidda deggan, fuushan ama isticmaalaysa. Dh: ijaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiree
de: rent, lease, hire
lx: kiree
pd: (kireeyey)
ps: v2b=
key: kiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley dhuunta iyo halbowlayaasha mindi ugu goyn. 2. Neef la qalanayo si sharciga waafaqsan dhuunta iyo halbowlahayaasha mindi ugu goyn. m.f.dh, birayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biree
v. make into iron
biree v. slaughter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biree
yey/biraysay: (v) the killing of animals for food; slaughter (isloo ter) by cuting throat, butcher (bujar) ~ gawrac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biree
(fal) neef xoolo ah gawrac. Biree laxdu intayna bakhtiyin. Dh: xalaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firee
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firee
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax firo u yeelid. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale u rogid. 3. Kala f.: wax meeshu u jeedey ma ahee meel kale u jeedin. m.f.dh, firayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firee
v. fragment, turn into fragments ~ scraps; show one's cards
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firee
-yey I firaysay: (v) put your cards on the table, show one's cards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firee
(fal) siigo iyo carro ku daadi.
firee: (fal) (kala ~) wax kala kaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firee
de: fragment, turn into fragments ~ scraps; show one's cards
lx: firee
pd: (fireeyey)
ps: v2b=
key: firee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xabbad lafo burburin. 2. (f.mg) Geed miro yeelasho. 3. (f.g) Hees iyo wixi lamida mireheeda tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xabbad lafo burburin. 2. (f.mg) Geed miro yeelasho. 3. (f.g) Hees iyo wixi lamida mireheeda tirin. m.f.dh, mirayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miree
v. bear fruit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miree
-yey / mireysay: (v) yield or produce fruits
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miree
de: bear fruit
lx: miree
pd: (mireeyey)
ps: v2b=
key: miree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qiro u yeelid. la-mid: qaree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiree
v. make something thick and strong, give depth to
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiree
de: make s.t. thick and strong, give depth to See also: qaree
lx: qiree
pd: (qireeyey)
ps: v2b=tr
key: qiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Cid wir ama car ku dhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiree
v. challenge someone by saying 'Don't you dare!'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiree
de: challenge s.o. by saying 'Don't you dare!'
initial: w
lx: wiree
pd: (wireeyey)
ps: v2b=tr
key: wiree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kasii
(adj) more (moor); extra; additional.
kasii ijaar -ay / tay: (v) sublet (sablet) ~ kasii kiree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awrkiraal
-ka: (magac, lab, keli) qof awrta kiro ku kaxeeya oo rara; nin naftiisa iyo awrkiisaba wada kireeya. Awrkiraale weeyaan aabbihii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijaar
(fal) aql iyo wixii la mid ah, cid kale ka kiree.
ijaar: (fal) beer iyo wax la mid ah, ood ama wax kale oo lagaga baydho, ku soo wareeji.
ijaar-ka: (magac, lab, keli) guri iyo wax la mid ah, lacag ka bixin si loogu noolaato. Dh: kiro.
ijaar-ka: (magac, lab, keli) oodda iyo wixii la mid ah ee beeraha lagu meegaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaari
-ga: (magac, lab, keli) ninka baabuurta kireeya. Wa: kaariyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
auberge
auberge, n.f. - Dhismaha (jiif iyo cuntaba) lagana kireeyo dad wuxuun wadaaga; sida shaqaalaha; ardayda iwm.
auberge de jeunesse - Hoyga hudheelka) ardada.ama dhalin yarada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hôtel
hôtel, n.m. - dhismaha (leh jiif iyo cuntaba) lagana kireeyo dadka; huteel; albeergo; loojin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
passager
passager, adj. et n. - gudbid; aan ku daahayn; rakaab; dadka fuushan gaadiid laga kireeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
voyageur
voyageur, n. - rakaab; dadka fuushan gaadiid laga kireeyey.
voyageur à pied. - qofka jidka suuqa dhinaciisa maraya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ijaar_1
de: rent out, lease, let
hm: 1
lx: ijaar
pd: (ijaaray)
ps: v1=
syn: kiree {C & S}
key: ijaar_1
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ciiro u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciiree
v. make obscure; cover with a mist; fill with smoke; cover with dust; make something unclear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiree
(fal) caano gadhoodh ah, subagga ka saar.
ciiree: (fal) ciiro u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciiree
de: make obscure; cover with a mist; fill with smoke; cover with dust; make s.t. unclear
lx: ciiree
pd: (ciireeyey)
ps: v2b=tr
key: ciiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax ama qof cirroole ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirree
(fal) cirro u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iyo wixi lamida ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iyo wixi lamida ku darid. m.f.dh, dhirayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiree
v. plant with trees ~ food crops
dhiree v. season food with spices
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiree
-yey I dhireys ty: (v) 1. plant trees on; forest (fc )res,)', afforest (a-foorest) ~ dhir ki bee- id, cilmiga dhiraynta. 2. spice ( spacys)', season with spices ~ geed e
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiree
(fal) dir badan ku beer; geedo beer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isiree
(fal) tiro u qor qaab isir muujisan. Tusaale ahaan, 45 isiraynteedu waa; 45=5x9.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiree
(fal) leexo oo ka weeco dhinacaad u jeedday, dib u noqod, dib u laabin qalloocan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kareeb
(Kareeb-ka)
Dharka dumarka qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kareeb
m.l Dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. la-mid: kirib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kareeb
m. n. crepe, kind of woman's dress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kareeb
-ka: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo midab leh oo qurxoon oo haweenku qaataan. Dh: kirib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kareeb
de: crepe, kind of woman's dress {Eng}
lx: kareeb
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kareeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) 1. Meel laba xiddigood u dhaxeysa oo aan midna u bursanayn fariisasho (dayax). 2. Maro iyo wixi lamida karmo u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmee
(fal) karmo saar: jaan saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Wax kiilo ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kireyn
(Kireyn-ta)
Kiro gelin; kiro ka qaadid; ijaarid; ijaareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireyn
m.f.dh eeg kiree. la-mid: kireys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kireys
m.l la-mid: kireyn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KIRKRE
LEPIAD Parkinsonia scioana 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal). m.f.dh, koorayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooree
v. saddle up, put a saddle on (a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooree
(fal) u diyaari rar ama fuulitaan faras. Dh: heensee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooree
de: saddle up, put a saddle on (a horse)
lx: kooree
pd: (kooreeyey)
ps: v2b=
key: kooree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Meel sare ku sugnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Meel sare ku sugnaan. m.f.dh, korrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korree
v. be on top ~ superior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korree
-yey / korreysay: (v) be uppermost part or on the top
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korree
de: be on top ~ superior
lx: korree
pd: (korreeyey)
ps: v2b=
key: korree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid kurbo ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid kurbo ku ridid. m.f.dh, kurbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurbee
v. cause anxiety, make someone worry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbee
(fal) kurbo ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurbee
de: cause anxiety, make s.o. worry
lx: kurbee
pd: (kurbeeyey)
ps: v2b=tr
key: kurbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kureed
-ka: (magac, lab, keli) dhagax godgod leh oo lagu garaaco marka dhigaha la sameynayo. Dh: caali.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiiree
-yey / qiireysay: (v) arouse the emotions; stir the feelings; excite (ik-saayt); impassion (im-paashen); touch (taaj); move (muuv)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Neef shiro ahaan u qalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiree
v. slaughter an animal just for the family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiree
(fal) neef shidho ah u qal. shiri: (fal) shir isugu yeedh; kulmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shiree
de: slaughter an animal just for the family
initial: s
lx: shiree
pd: (shireeyey)
ps: v2b=tr
see: shiro
key: shiree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibree
(fal) sibirta marmari.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sirène
sirène, n.f. - gabareey maanyo; wiishka dhawaaga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
soirée
soirée, n.f. - caweeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Meel xirmo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirmee
v. make into bundles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirmee
(fal) xirmo xirmo u xir. Jaadka marduuf marduuf u xidhmee. Dh: xidhmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirmee
de: make into bundles
initial: x
lx: xirmee
pd: (xirmeeyey)
ps: v2b=tr
key: xirmee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kee
Kee?
Kuma? Iyama? Ayo? Yaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kee
kee¹: mu.we.l kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: “ Waa kee midka aaday xafiiska?.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kee
kee¹: mu.we.l (kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Waa kee midka aaday xafiiska?
kee²: (-kee) dk.we.l Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Wiilkee baa kula hadlay?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kee
(pronoun) which (wif); who (huu); used only for masculine singular nouns ~kuma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kee
(magacuyaal) weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Dh: kuwee.
kee: (dibkabe) weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Qalinkee la ii soo iibshay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kir
e.d Yallah!, hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! la-mid: kįs.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kir
inter. get out of here!; go away!; you are kidding!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kir
(interjection) fuck off; an exclamation used as angry dismissal ~ kis, kac, bax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kir
(ereydhawaaq) tusmeeya kolka dameer la farayo inay socoto ama joogsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kir
a: kis
de: get out of here!; go away! (offensive exclamation showing dislike for what one says or asks)
lx: kir
ps: intj
key: kir