kimiko
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kimiko
f. n., [abstract] chemistry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimiko
de: chemistry
lx: kimiko
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: kimisteri {It}
key: kimiko
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiimiko
-kiimikada: (n) chemical (kimikaly, chemistry (kemistari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiimiko
-da: (magac, dhedig, keli) laan ka mid ah culuumta oo qeexda walxaha iyo waxay ka samaysan yihiin, sidey iskula falgalaan, isugu xidhmaan ama isu beddelaan ama wax cusub u abuuraan. Dh: kimisteri.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
chemotherapy
(n) the treatment of disease by means of chemicals, esp. cancer,
cudur lagu daaweeyo kimiko sida kansarka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheefshiid
-ka: (magac, lab, keli) xubnaha ay cuntadu marto kolka la calaliyo ka dib sida, hunguriga, ganaca, mindhiqiraha, xiidmaha iyo wixii la mid ah..
dheefshiid -ka: (magac, lab, keli) qaabka guud ee noole cunto helay, u burburiyo wixii midhiqirka dhexdiisa ku jiray oo kimiko ahaan u rogo walxo yaryar oo uu jidhku qaadan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheefshiidid
-da: (magac, dhedig, keli) burburinta uu noole ku sameeyo wax uu liqay oo kimiko ahaan u rogo walxo yaryar oo uu ganka calooshu si fudud u muudsan karo, jidhkuna macdamaha iyo nafaqada uga qaadan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuun
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyaalo laysku dardaro: dufan, macdanta dhandhanaan qaarkeed, xaydh oo wax adag oo cadad ah iyo wax budo ahba leh, oo kolkay biyaha isgaadhaan xoorisa oo wax nadiifisa, kimikooyin is ku dardar laga sameeyo sida gasaanqasta iyo faradheeraha wax lagu dhaqo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
anion
anion, n.m. (chim. et phys) - Ayoon taban (Kimiko iyo Fiisiko)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
basique
basique, adj. - qaacidi (kimiko)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
champ
champ, n.m. - Qiyaas dhuleed oo la mid ah 4,840 talaabo oo dhan kasta ama la mid ah 4000 Mitir oo dhan kasta ah; Beer weyn (Daag ama miro beerid); Garoon.
être au champ. - Ka fog hoyga.
théorie des champs des ligands. - Aragtida badka ku xeeranaha, (Fiisiko iyo Kimiko).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chimique
chimique, adj. - kimiko.
échange chimique - Isbeddel kimikeed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
colloïde
colloïde, n.m. - (Kimiko) Hunsar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dioxyde
dioxyde, n.m. - laba-oksaydh (kimiko).
dioxyde d'azote - Naytarojiin laba-oksaydh (kimiko).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nitroglycérine
nitroglycérine, n.f. - Kimiko: Maaddo saldhig u ah samayska miinooyinka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
éthane
éthane, n.m. - Etan (kimiko).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimisteri
de: chemistry
lx: kimisteri
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
syn: kimiko {Eng}
key: kimisteri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiimika
m.dh Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiimika
m.dh Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiimika
f. n., [abstract] chemistry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiimika
-da: (magac, dhedig, keli) wixii samaysma kolka laysku daro laba curiye. Dh: kiimiko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiimika
de: chemistry {It}
lx: kiimika
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: kiimika
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biiko
Pico
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Imika
maintenant, tout de suite.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imika
(meeleeye) tilmaamaya milayga la joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilo
* (Kiila-da)
Kun garaamme culayskood; (kg.) (ama kiilogaraamme).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilo
kiilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo²: f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiilo
kiilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo²: f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho. m.f.dh, kiilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilo
f. n. kilogram
kiilo v. measure out the weight and volume for oneself; fill to the brim, load up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiilo
-kiilada: (n) kilogram (kiila-garaam)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KIILO
(It.) Chilogrammo
Kilogram, kilogramme
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kimis
(Kimis-ta)
Rooti; laxoox; muufo; (ama kibis).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kimis
f. n. bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kimis
-ta: (n) bread (bareedh) ~ rooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kimis
-ta: (magac, dhedig, keli) calafka uu leeyahay nooluhu inta uu dunida joog. Kimistii la ii qoray anoon laasan kadabkayga, kodadii horteed inaan dhintaa kaafka kuma taal. Dh: kadab.
kimis-ta: (magac, dhedig, keli) cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo caano ama wax kale lagu qaso oo qaabab badan loo dubo. Dh: loxoox, kibis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimis
a: kibis
de: bread
lx: kimis
pd: (-ta Pl: kimisyo ~ kimso)
ps: n2-f, n3-f
key: kimis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niiko
-da: (magac,dhedig, keli) eeg niikis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo
m.dh (-ooyin m.l) Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilo
m.dh (-ooyin m.l) Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo
Climate
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimilo
f. n. climate
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cimilo
name-f climate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cimilo
-da: (n) weather (wethar); climate (kalay-mit) ~ jawi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimilo
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladda hawada guud ee ay meeli leedahay, roobka iyo kulaylka ay meeli leedahay. Badda Cas cimiladeedu waa kulayl xagaagii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimilo
de: climate
lx: cimilo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cimilo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cimilo
جَوِّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisiko
m.dh la-mid: fiisiko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fisiko
f. n., [collective] physics
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fisiko
de: physics {It}
lx: fisiko
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: fisiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Himilo
(Himila-da)
1. Wax la haweysana hayo ama la hindisa hayo; hawo; qab; hindiso; toogo; niyo.
2. Shahwo; ragannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himilo
m.dh 1. Hawo; riyo. 2. Himmad galmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himilo
m.dh 1. Hawo; riyo. 2. Himmad galmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himilo
f. n. aim, intention, aspiration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
himilo
-himilada: (n) objective (objektiv); goal (gool); intention (in teen shen) ~ qasdi, muraad. —Syn: intent, purpose, end, aim, object
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himilo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la haweysanayo ama la hindisayo, ku talagalkiisa. Dh: hawo, hindiso, niyo
himilo-da: (magac, dhedig, keli) ku taamidda wax gaadhistiisa la rabo oo la haweysanayo. Dadku siday u kala himilo fog yihiin bay u kala aragti dheer yihiin. Dh: ujeeddo, hadaf, yool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himilo
de: aim, intention, aspiration
lx: himilo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: hididdiilo
key: himilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siliko
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar haweenka u gaar ah oo leh jiib iyo jaan waana ciyaar aad loo xiiseeyo waxay u kala baxdaa laba qaybood: bili godgodlay oo la jeexo dhulka iyo bili suunlay oo lagu ciyaaro saan dusheed. Bili godgodleyda waxa la jeexaa shax ka dibna waxaa laka dhigtaa inta dugood ee la kala leeyahay haddaba shaxdaa waxa lagu ciyaara afar qori oo laga jeexay gobays oo leh bog-cad iyo bog-madaw afartaa qori ayaa intii la qabto kor laga keenaa oo dhulka lagu shaydhaa haddday afartu xagga cad u wada dhacaan waxaa la yidhaa: waa afar dugood; hadday midi cadaato oo ay saddexna madoobaato waxaa la yidhaa «xayla godan» hadday saddex cadaato oo ay midi madoobaato waxaa la yidhaa sangaw seeraw sintaawe» haddii ay laba cadaato labana madoobaato waxaa la idhaa «way gubatay hadday afartuba madoobaato waxa la yidhaa mija dhoqley» waana lix dugood waxaana ciyaarta hoggaaminaya ninkii ay afartu u madoobaatay oo ku hoggaamiya lix dugood ama lix dhibcood.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
timido
agg. - xishood badan, qof khajil badan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Timiro
name-f date-palm tree and/or its fruit; dates. Syn: Timir, Timirre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Timiro
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda aawadeed timirta lagu metaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximiyo
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig weyn co guduudan oo dirirka iyo haltoddobaadyada u dhexaysa. Dh: ximin.
ximiyo-da: (magac, dhedig, keli) xin iyo xasad kula kicid. Dh: xinnin
ximiyo -da: (magac, dhedig, keli) doox xooladaageen ah oo fardaha iyo iduhu ku tarmaan. Dh: ximin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birjiko
(Birjika-da)
Qalab jiko oo inta dab lagu kor shido, weelasha wax lagu karsana hayo la kor saaro; burjiko; girgire; baabuur; markab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birjiko
m.dh la-mid: burjiko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birjiko
f. n. cooking stove, cooker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birjiko
-birjikada: (n) [birjikooyin- ka] an apparatus made of stone used as stove burjiko, girgire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birjiko
-da: (magac, dhedig, keli) bir dab lagu shido oo sida dhadhaarrada dheryaha loo hoos dhigo. Kildhiga birjikada saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birjiko
a: birjike ~ burjiko
de: cooking stove, cooker
lx: birjiko
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: baabuur, girgire {C & S}
key: birjiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimiro
m.dh la-mid: dhimir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimiro
-da: (magac, dhedig, keli) maanka wax lagu kala garto. Haddaad gabay nin dhaayina ku tahay dhimiradaa weeye; haddii kale dhallaan baad tahaye dhayda orod doono. Dh: miyir, dhimir, xis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiisiko
m.dh Barashada xeerarka suga dhismaha uunka marka loo eego maatarka iyo tamarta ee ay ka koobantahay. Caado ahaan, barashada waxa loo qaybin jirey qaybo: kul, ileys, jabaq, danab iyo birlabnimo, iyo mekaaniko. la-mid: fiisika, fiisikis, fisika, fisikis, fisiko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiisiko
m.dh Barashada xeerarka suga dhismaha uunka marka loo eego maatarka iyo tamarta ee ay ka koobantahay. Caado ahaan, barashada waxa loo qaybin jirey qaybo: kul, ileys, jabaq, danab iyo birlabnimo, iyo mekaaniko. la-mid: fiisika, fiisikis, fisikis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himiloo
(fal) kuku taam oo haweyso; niyadda ha ka saarin.
himiloo: (fal) maanka ku hay oo ku taam. Dh: hammi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimicso
f.mg3 (-saday, -satay) Jimicsi samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimicso
f.mg3 (-saday, -satay) Jimicsi samayn. m.f.dh, jimicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimicso
v. stretch oneself; exercise, work out; perform gymnastics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimicso
jimicsaday / jimicsatay: (v) take exercise; stretch your body; perform physical exercise (eksar-saays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimicso
(fal) jidhkaaga kala bixi oo jimicsi samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimicso
de: stretch oneself; exercise, work out; perform gymnastics
lx: jimicso
nt: jimicsad (ka) [vn2-m], jimicsasho (/da) [vn6-f]
pd: (jimicsaday)
ps: v3a=
key: jimicso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiino
f.g3 (-ntay, -natay) Neef aad u ooman biya cabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kilkilo
(Kilkila-da)
Godka ku yaal meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeeda hoose; shaqfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kilkilo
m.dh (-ooyin, m.l) Meesha godan ee ku taal meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeed hoose; shaqfal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kilkilo
m.dh (-ooyin, m.l) Meesha godan ee ku taal meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeed hoose; shaqfal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kilkilo
f. n. arm pit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kilkilo
-kilkilada: (n) the act of tickling; tickle (tikal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kilkilo
de: arm pit
lx: kilkilo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: shaqfal
key: kilkilo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
limpido
agg. - saafi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmilo
(fal) godob iyo utun qarsoon. Dagaalladii Soomaalidu milmilo badan ayay reerbeen. Dh: dakano, caloolxumo, xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinaamiko
m.dh la-mid: daynaamiko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dinaamiko
f. n., [abstract] dynamics {physics}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dinaamiko
de: dynamics {physics} {It}
lx: dinaamiko
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dinaamiko