kiisid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisid
(Kiisid-da)
Buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisid
m.f.dh eeg kiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiisid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha ka saarid: kiis ku buuxin. Dh: buuxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisid
(Diisid-da)
Wax diisan ka dhigid; riixid; buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diisid
m.f.dh eeg diis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos iskugu buusid oo wax deri leh noqosho. Dh: buusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giisid
(Giisid-da)
Giis tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giisid
m.f.dh eeg giis². la-mid: giis¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giisid
-da: (magac, dhedig, keli) giis tiring; heesid; guluulucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilid
(Kiilid-da)
Beegid; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilid
m.f.dh kiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilid
-da: (magac, dhedig, keli) beegid; cabbirid; miisaamid.
kiilid-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, cidhiidhyid oo dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisad
(Kiisad-da)
Kiis; kiish; kiishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisad
m.dh la-mid: kiishad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiisad
f. n. bag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiisad
-da: (magac, dhedig, keli) wax qalqale leh oo wax lagu rito ama la gashado. Dh: kiiishad Wa: kiisado, kiishado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiisad
de: bag
lx: kiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisid
(Miisid-da)
1. (badar, kd.) Beegid; cabbirid.
2. Buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisid
m.f.dh eeg miis². la-mid: miis¹ (5).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisid
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxis oo iligga ka dhigid. Dh: buuxin. Li: inqin.
miisid -da: (magac, dhedig, keli) galaan wax ku miisid oo inta uu yahay eegid. Bariiska qiyaastiisa ma garanaynee miisidda ku celi. Dh: bardaamin.
miisid -da: (magac, dhedig, keli) tijaabinta bogsashada qofka la buulleeyey la tijaabiyo si loo qiyaaso inuu bogsaday iyo in kale. Dh: baxnaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiisid
(Xiisid-da)
1. Dhudaha dunta ama xarigga isku jebin, isku dhufasho.
2. Xiiso wax u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisid
m.f.dh eeg xiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisid
-da: (magac, dhedig, keli) araggiisa u hiloobid; xiiso u qabid; u xiisitaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Booris
Dabayl kiisid, dabayl cabbayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismid
Compressability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibray noqosho. Dh: kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiishad
(Kiishad-da)
Suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiishad
m.dh (-do, m.l) Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iyo wixi lamida lagu rito. la-mid: kiisad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiishad
f. n. money-belt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiishad
-da: (n) belt (beelt), especially worn by nomadic men
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiishad
-da: (magac, dhedig, keli) suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiishad
de: money-belt
lx: kiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiis
(Kiis-ka)
Kolay; kiish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiis
kiis¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dacwad maxkama-deed. 2. la-mid: xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
kiis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiis
kiis¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dacwad maxkamadeed. 2. la-mid: xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
kiis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn. m.f.dh, kiisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiis
v. fill up
kiis m. n. court case, lawsuit
kiis m. n. bag, case
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiis
-ka: (n) case (keeys)-, an argument offered in support of a claim ~ arrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiis
-ka: (magac, lab, keli) maro la tolay oo wax lagu rito. Dh: kiish
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kisi
(Kisi-ga)
Tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan sida: 5, 7, 13; aan dhaban ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kisi
m.l 1. K. ah: tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan (sida: 3, 5, 7, iyo wixi lamida). 2. (-iyo, m.dh) Qof aan meher ku dhalan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kisi
m.l 1. K. ah: tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan (sida: 3, 5, 7, iyo wixi lamida). 2. (-iyo, m.dh) Qof aan meher ku dhalan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kisi
Odd
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kisi
m. n. odd number
kisi m. n. illegitimate child, bastard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kisi
-ah: (adj) [Mathematics]; odd number (oodh narnbar); such as 1, 3, 5.. ~ kinsi; sida tiro 1, 3, 5... [opposite of dhaban]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kisi
-da: (magac, dhedig, keli) tiro haddii loo qaybiyo tiro kale oo dhaban ah, mar kasta hadhaa yeelata. Tiro waxay u qaybsantaa laba qaybood oo kala ah kisi iyo dhaban. Li: dhaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diisi
(fal) hoos iskugu buusi oo deri u yeel. Diisi jiingadda oo haddana soo tiiri.
diisi-ga: (magaca, lab, keli) jaad ka mid ah likaha ama dhul kasoofuurka oo lagu daaweeyo saanfuurka iyo wixii la mid ah. Dh: like.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidid
(Iidid-da)
Maalmaha Iidda ah ka qaybgelid; (ama ciidid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidid
m.dh la-mid: ciidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidid
-da: (magac, dhedig, keli) farxadda iidda ka qaybgelid oo muujin. Dh: dabbaaldegid, damaashaadid, ciidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilid
(Iilid-da)
Barbar u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilid
m.f.dh eeg iil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasid
(Kasid-da)
1. Garasho; aqoonsasho.
2. (u kasid) a) Kas iyo ogaal u falid. b) U garasho (badanaa xag Ilaah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasid
m.f.dh eeg kas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasid
-da: (magac, dhedig, keli) garashada iyo fahmada wax loo leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kicid
(Kicid-da)
1. Istaagid; joogsasho; sarakicid.
2. (ukicid) Tegid; aadid.
3. (ula kicid) Kas u yeelid; maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kicid
m.f.dh eeg kac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kicid
vl. n. alarm, commotion, confusion, flurry; arising, waking ~ getting up; rising
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kicid
-da: (n) 1. the act of waking. 2. the act of revolting — kicitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kicid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif ama hurdo ka toosid.
kicid-da: (magac, dhedig, keli) dhaqaaqidda dareenka dad degganaa.
kicid-da: (magac, dhedig, keli) istaagidda iyo sare u joogsashada. Dh: sarakicid.
kicid -da: (magac, dhedig, keli) meherad, dhaqdhaqaaqii wax soosaarka joojin; meherad baabi'id.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kicid
de: alarm, commotion, confusion, flurry; arising, waking ~ getting up; rising
lx: kicid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: kicid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kicid
قِيَامٍ نُهُوضِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisa
Kan isagu uu lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisa
kiisa¹: mu.lh.l (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: “Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiisa
kiisa¹: mu.lh.l (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig.
kiisa²: (-kiisa) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: Aaway qalankiisa? la-mid: kiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiish
(Kiish-ka)
Weel yar oo tolan oo wax lagu rito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiish
m.l Kolay maro, harag iyo wixi lamida ka samaysan oo wax lagu rito. la-mid: kiis¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiish
m.l Kolay maro, harag iyo wixi lamida ka samaysan oo wax lagu rito. la-mid: kiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiish
m. n. sack, bag, cover, envelope, case; pocket; burden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiish
-ka: (n) sack (saak)', bag (baag) ~ kolay, loor, jawaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiish
-ka: (magac, lab, keli) walax laga tolo maryaha oo alaabta lagu gurto. Dh: kiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiish
bw: Arabic
cf: kolay, qandi
de: sack, bag, cover, envelope, case; pocket; burden
lx: kiish
pd: (-ka Pl: kiishash (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: kiish
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kinsi
name-fhigh caste; prosperity, well-being
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kinsi
-ah: (adj) [Mathematics] odd number (oodh nam bar); such as 1, 3, 5... ~ kisi; sida tiro 1, 3, 5... [opposite of dhaban]
kinsi -ga: (n) bastard (baasterdh), illegitimate child (ili ji timeeyt jaayldh) ~ garac, wecel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kinsi
magac loo baxsho gabadh qaali ah oo barwaaqo in ay reerka u horseeddo la rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kinsi
-ga: (magac, lab, keli) xisaab hadhaa la'aan ah oo iyada iyo kow u qaybsanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lisid
(Lisid-da)
1. Neef xoolo ah oo irmaan, iyadoo naasaha laga tuujina hayo, caanaha candhada ku jira ka keenid; maalid.
2. Mindi ama wax la mid ah, lisin ku afayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisid
m.f.dh eeg lis². la-mid: lis¹ (3), lismo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lisid
-da: (n) milking (milking) ~ caano maalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano ka maalid. Dh: maalid. Li: gaagixin.
lisid -da: (magac, dhedig, keli) afaynta wax saawir ah. Middidu lisid ayey u baahan tahay. Dh: afayn, soofayn. Li: saawirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tisid
m.f.dh eeg tis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku tuqid; ku disitaan. Kutisida ka kala jooji ilmaha calooshiisu way yar tahaye.
tisid -da: (magac, dhedig, keli) tuqid oo aad u buuxinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiisi
-ga: (magac, lab, keli) eeg wiirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicid
-da: (magac, dhedig, keli) gardarraysi iyo dandaansi. Biicidda waa lagu dhintaa. Dh: biicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifid
(Biifid-da)
1. Biyo ku darid; qoyn.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifid
m.f.dh eeg biif². la-mid: biif¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ishu qabato oo loo bogo ka dhigid. Biifid kaddib dharka xaree. Dh: qurxin, caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiqid
m.f.dh eeg biiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqid
-da: (magac, dhedig, keli) intii hore ka naaqusmid, ka yaraansho. Biiqidda iyo kala jabka dadka maxaa sababay: Dh: biigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirid
(Biirid-da)
Inyar inyar u soo kordhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirid
m.f.dh eeg biir³. la-mid: biiris².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Biirid
Accumulo
Accrual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsamid. Kut biiridda mucaaradku xukuumadda waa bilow cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidid
m.f.dh eeg ciid². la-mid: iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ka qaybgelid. Dh: iidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression