kiimika
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiimika
m.dh Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiimika
f. n., [abstract] chemistry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiimika
-da: (magac, dhedig, keli) wixii samaysma kolka laysku daro laba curiye. Dh: kiimiko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiimika
de: chemistry {It}
lx: kiimika
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: kiimika
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiimiko
-kiimikada: (n) chemical (kimikaly, chemistry (kemistari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiimiko
-da: (magac, dhedig, keli) laan ka mid ah culuumta oo qeexda walxaha iyo waxay ka samaysan yihiin, sidey iskula falgalaan, isugu xidhmaan ama isu beddelaan ama wax cusub u abuuraan. Dh: kimisteri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ATP
m.dh (kiimika) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayodhiin
m.l (kiimika) Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayoonayn
m.dh (kiimika) Habka soo saaridda ayoonnada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aldhihaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Qayb ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay tahay koox alkayl ama arayl ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alifaatig
m.l (-gyo, m.dh) (kiimika) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkaali
m.l (-iyo, m.dh) (kiimika) Beys xooggan oo biyaha ku milma. Ereygani wuxuu tilmaamayaa haydarogsaydhada biraha alkali (ururka 1aad) oo keliya, hasayeeshee sida caamka ah waxaa loo isticmaalaa beys kasta oo milma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkahool
m.l (-lo, m.dh) (kiimika) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkayn
m.l (-no, m.dh) (kiimika) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkeyn
m.dh (-no, m.dh) (kiimika) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkeynadu waa iskudhisyo baahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkiin
m.l (-no, m.dh) (kiimika) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alluumiiniyam
m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alluumiiniyam ogsaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Budo cad oo aan biyaha ku milmin. Way la falgashaa asiidhada iyo alkaliyadaba sababta oo ah waa laba-eefle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alotarobi
m.l (-iyo, m.dh) (kiimika) Qaababka kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amayn
m.dh (kiimika) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiino
m.dh (-ooyin, m.l) (kiimika) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH) oo ku dheggan kaarboonka alfa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammooniya
m.dh (-mo, m.dh) (kiimika) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira 36.9 % oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milanbiyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anhaydaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah: tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragtida Leewis
m.dh (-iyada ..., m.dh) (kiimika) eeg asiidha Lewis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arayl
m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Koox orgaanig ah samaysanta marka atam haydarojiin ah laga saaro haydarokaarboon aroomaatig ah ama mid ka farcamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjantam
m.l (-mmo, m.dh) (kiimika) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Imika
maintenant, tout de suite.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imika
(meeleeye) tilmaamaya milayga la joogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
immika
adv., time: now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
immika
(adv) at the present time: immediately; now (naaw) ~ imminka, hadda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
immika
de: now {N}
lx: immika
ps: adv-time
key: immika
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kimiko
f. n., [abstract] chemistry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimiko
de: chemistry
lx: kimiko
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: kimisteri {It}
key: kimiko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiisika
m.dh la-mid: fiisiko.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kibir-ka
vanité.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kiish-ka
sac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iima
pron. and preposition, neg. not ... to / for me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iima
(pronoun with negative) not me.. Ex: iima sheegin; he or she didn't tell me
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iima
de: not ... to / for me = u + i + ma
lx: iima
ps: pro + prep + neg
xe: He didnt tell me.
xv: Iima uu sheegin.
key: iima
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diima
name-f cloud which carries rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimi
(fal) u oy waxaad rabtid inaad hesho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Imisa
combien?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imisa
(magacuyaal) la isku weydiiyo caddad, qiime ama saacad la hubsanayo. Dh: inma? intee? Meeqa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisa
Kan isagu uu lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisa
kiisa¹: mu.lh.l (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: “Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiisa
kiisa¹: mu.lh.l (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig.
kiisa²: (-kiisa) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: Aaway qalankiisa? la-mid: kiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kimis
(Kimis-ta)
Rooti; laxoox; muufo; (ama kibis).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kimis
f. n. bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kimis
-ta: (n) bread (bareedh) ~ rooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kimis
-ta: (magac, dhedig, keli) calafka uu leeyahay nooluhu inta uu dunida joog. Kimistii la ii qoray anoon laasan kadabkayga, kodadii horteed inaan dhintaa kaafka kuma taal. Dh: kadab.
kimis-ta: (magac, dhedig, keli) cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo caano ama wax kale lagu qaso oo qaabab badan loo dubo. Dh: loxoox, kibis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimis
a: kibis
de: bread
lx: kimis
pd: (-ta Pl: kimisyo ~ kimso)
ps: n2-f, n3-f
key: kimis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirmi
-ga: (magac, lab, keli) xanuun dameeraha kaga dhaca tirrawda.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Liima
name-f graceful, tender
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimi
m.l la-mid: qiime.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siima
m.l (jooloji) Ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee Oogada dhulka, oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka, lana rumaysanyahay inuu yaal salka badda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siima
m.l (jool.) Ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee Oogada dhulka, oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka, lana rumaysanyahay inuu yaal salka badda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Siima
Sima
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siima
-ha: (magac, lab, keli) ereyga loo isticmaalay si loo garto dhadhaabaha culus ee oogada dhulka oo ka mid yahay basalt, oo ka hooseeya siyaalka lana rumaysan yahay inuu yaal salka badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siimi
f.g2 (-iyay, -isay) Duuf iska soo saarid. m.f.dh, siimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siimi
(fal) «u ~» ilmo iyo wixii la mid ah, duuf iyo siin ka bi'i. Ka siimi cunugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiimi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiimi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xiin ka keenid. 2. Wax aad u ordisiin. m.f.dh, xiimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiimi
v. speed (up); cause to zoom ~ make a rushing noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiimi
-yey / say: (v) move fast; zoom by; flash by; accelerate (ak-si-lareyt) ~ sheellaree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiimi
de: speed (up); cause to zoom ~ make a rushing noise
initial: x
lx: xiimi
nt: xiimin (ta) [vn-f]
pd: (xiimiyey)
ps: v2a=tr
key: xiimi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimid
(Diimid-da)
Yaabid ka timaadda wax aan hor loo arki jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimid
m.f.dh eeg diin³. la-mid: diimis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimid
vl. n. surprise, amazement, being astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad rabitaan awgii aad muujisid dareen oohineed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimid
cf: ku diin
de: surprise, amazement, being astonished at seeing s.t. very strange for the first time
lx: diimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: diimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimis
m.dh la-mid: diimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimis
-ka: (magac, lab, keli) uskagga iyo biyaha isku gadhoodha oo ay ciiddu yeelato midab silloon iyo ur qudhmuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fisika
m.dh la-mid: fiisiko.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fisika
Physics
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Immisa
Intee; meeqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
immisa
mu.we Tiro weyddiimeed oo caddad, qiime ama saacad lagu hubsanayo; inma?, intee?. Tusaale: “Waa immisadii?”, “Waa meeqa saac?”. la-mid: meeqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
immisa
mu.we Tiro weyddiimeed oo caddad, qiime ama saacad lagu hubsanayo; inma?, intee?. Tusaale: Waa immisadii? Meeqa?. Tusaale: Waa meeqa saac?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
immisa
question word, numeral: how much?, how many?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
immisa
immisaa (v) [question word] how many, how much or how long? intee, intech. Ex: immisa buu joogayaa? how long is he staying? immisaad: (v) how much, how long or how many you....
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
immisa
(magacuyaal) la isku weydiiyo caddad, qiime ama saacad la hubsanayo. Dh: inma? intee? meeqa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
immisa
de: how much?, how many?
lx: immisa
pd: (immisaa)
ps: qw-num
xe: What time is it?
xv: intee
key: immisa
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
immisa
كم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiimis
(tilmaame) madaw aad ah. Dh: diimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilid
(Kiilid-da)
Beegid; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilid
m.f.dh kiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilid
-da: (magac, dhedig, keli) beegid; cabbirid; miisaamid.
kiilid-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, cidhiidhyid oo dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiinna
Waxa ama kan idinku aad leedihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiinna
kiinna¹: mu.lh.l (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: “Kiinna warkiisa iskaba daa!”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiinna
kiinna¹: mu.lh.l (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: Kiinna warkiisa iskaba daa!
kiinna²: (-kiinna) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: Dad badan baa dhagaysta warkiinna. la-mid: kiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kiinya
pr. n., loc. Kenya
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kiinya
(n) Kenya; Nairobi is the capital and the largest city ~ Keenya
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kiinya
a: Keenya
de: Kenya
lx: Kiinya
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
key: Kiinya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiisid
(Kiisid-da)
Buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisid
m.f.dh eeg kiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiisid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha ka saarid: kiis ku buuxin. Dh: buuxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riimid
m.f.dh eeg riin².